Wararkii ugu dambeeyay Booliska Mareykanka oo dhaawacay Wiil Somaliyed

0
Tuesday March 01, 2016 - 12:08:30 in Wararka by
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Booliska Mareykanka oo dhaawacay Wiil Somaliyed

    Dadka ku nool magaalada Salt Lake, ee dalka Mareykanka ayaa dhigay dibad-baxyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor joodaan toogashada ciidanka Booliska ay ku dhaawaceen Cabdi Maxamed oo 17 sano jir ah, kaas oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku nool magaalada Salt Lake, ee dalka Mareykanka ayaa dhigay dibad-baxyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor joodaan toogashada ciidanka Booliska ay ku dhaawaceen Cabdi Maxamed oo 17 sano jir ah, kaas oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska ay labo jeer toogteen Cabdi, kaddib markii bartamaha magaalada Salt Lake, ay Cabdi iyo qof la socday ay weerareen qof kale, habeenkii Sabtida.

Qoyskiisa ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in Cabdi Maxamed uu hadda ka soo baxay xaalad miir-dabool ahayd.

Habeenkii isniinta, dibad baxayaal isu soo baxay ayaa booliska ka dalbanaayay in ay sheegaan sababta ay awooddooda ugu adeegsanayaan ilmo yar.

Dadka dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayey" joojiyo dilka aad waddaan” waxaa ay codsadeen in la sameeyo baaritaan adag.

Dhankooda Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan arrinkaas la xiriira, iyagoo dib u hubiyay Camerooyin goobta ku dhegenaa.

Qosyka Cabdi waxaa ay ka tageen Somaliya iyagoo Mareykanka ka galay dalka Kenya, waxaa ay dalkaasi galeen 2004-tii, waxaa arrintan aad uga naxay dadka deegaanka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip