
Kenya oo sheegtay in garoomadeeda aysan ahayn kuwo u nugul weeraro Shabaab kaga yimaada.
War ka soo baxay Hay'adaha garoomada diyaaradaha dalka Kenya ayaa lagu sheegay in garoomadooda aysan ahayn kuwo u nugul in weerar lagu soo qaado, waana isku day ay ku daji nayso bulshada wadankaasi iyadoo ay jirtay warqad laamaha ammaanka wadankaasi ka soo baxay warbaahinta ay baahiyeen oo lagu sheegay jiritaanka qorshaha Al-Shabaab ay qorsheenayan inay weeraran garoomada diyaaradaha Kenya.
Mas’uuliyiinta Hay’adaasi ayaa war ay si wadajir ah u soo saaren waxay u shegen warbaahinta inay ku wargelinayaan in socdaalada wadankaasi ay ka bad qabaan wax waliba oo khatar ah.
Jariidada The Standard iyo warbahinta Kenya ayaa shaaca ka qaaday in warqado loo geeyay agaasimayaasha garoomada loogu sheegayo in la soo maleegayo weeraro garoomadooda ka dhan ah oo la qaadi doono bilowga bishaan.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay garoonka Jom Kinyatta ayaa sheegay inaan lagu kalsoonan karin warqada waxa lagu soo qoray, iyadoo Booliska dalkaasi la galiyay feejignaan xoogan maxaa yeelay waxay sirdoonka Kenya ka war heleen in koox ismiidamiyaal ka tirsan Al-Shabaab ay fulin rabaan weerar ka dhan ah garoomada waa weyn ee Nairobi.


0 



Kenya oo sheegtay in garoomadeeda aysan ahayn kuwo u nugul weeraro Shabaab kaga yimaada.
War ka soo baxay Hay'adaha garoomada diyaaradaha dalka Kenya ayaa lagu sheegay in garoomadooda aysan ahayn kuwo u nugul in weerar lagu soo qaado, waana isku day ay ku daji nayso bulshada wadankaasi iyadoo ay jirtay warqad laamaha ammaanka wadank