Booliska Dubai oo dalkeeda ku celiyay haweeney Soomaaliyeed

0
Tuesday March 01, 2016 - 11:54:44 in Wararka by
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Dubai oo dalkeeda ku celiyay haweeney Soomaaliyeed

    Ciidamada Booliska magaalada Dubai ee wadanka isku taga imaaraadka carabta ayaa gabar Soomaaliyeed ku xiray magaaladaasi xili ay wadatay baasaboor aan jirin oo ay damacsaneyd inay ku tagto wadanka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska magaalada Dubai ee wadanka isku taga imaaraadka carabta ayaa gabar Soomaaliyeed ku xiray magaaladaasi xili ay wadatay baasaboor aan jirin oo ay damacsaneyd inay ku tagto wadanka Ingiriiska.
  • Gabadha Soomaaliyeed ayaa lagu xayiray magaalada Dubai, markii booliska ay xireen hooyadeed bishii lasoo dhaafay, kadib markii laga waayay Baasaboorka ay laheyd.

Taliyaha Booliska Rashidiya Sareeye Guuto Saciid Xamad Bin Suleymaan ayaa sheegay in haweeneyda iyo canug ay wadatay la sii daayay halka hooyadeed lagu xiray saldhiga dhexe ee xaafada Rashiidiya.

Gabadha ayaa isku dayday sidii hooyadeed lagu sii deyn lahaa, waxaana la sheegay iney kadib dacwo dheeri ah ay gashay.

Booliska ayaa xiriir lasoo sameeyay qaraabada gabadha oo Soomaaliya ku sugan, waxaana lala xiriiriyay Qunsuliyada Soomaalida ee Dubai iyadoo dib loogu soo celiyay wadanka Soomaaliya.

Gabadha Soomaaliyeed iyo hooyadeed ayaa doonayay iney ka gudbaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai waxayna doonayeen iney kaga gudbaan dalalka Bahrain iyo UK.

Dhinaca kale ciidamada booliska garoonka diyaaradaha ayaa waxay ka shakiyeen baasaboorka ay wadatay gabadha oo mid qaldan ahaa, sida booliska ay sheegeen, iyadoona haweeneydaan dib loogu celiyay dalkeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip