C/samad ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu mar waliba ka culus yahay midka kale ee Magaalooyinka dalka, maadaama Muqdisho ay tahay xaruntii dalka.
"Muqdisho waa magaalo madaxdii Soomaaliya, markastana uu amnigeedu ka culus yahay meelaha kale ee dalka, laakiin marka nidaamka sharciga ah la fiiriyo, hay’adaha amnigu iyagaa u xil saran dalka amnigiisa, gobolka Banaadir ciidan Amni oo u gaar ah ma laha, waxa uu adeegsanayaa un waa ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hay’adda Sirdoonka Qaranka, in la yiraahdo hay’addii Nabadsugiddu waxay amnigii magaalada ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, taa macneheedu maaha in gobolka Banaadir uu ka maqnaa markii horaba ammaanka, mar kastaba waxay ku lahaayeen kaalin fiican, Nabadsugidda iyo Booliskuba waxay leeyihiin qeybo hoos yimaadda Gobolka Banaadir, taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir waxay labaduba si toos ah u hoos yimaaddaan Gobolka Banaadir”.
Wasiirkii hore ee amniga Somaliya, hadana ah Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan, ayaa sheegay inaysan waxba soo kordhineyn in ammaanka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo.
"In la yiraahdo wax kasta oo ku saabsan ammaanka Gobolka Banaadir waxaa la weydiinayaa Gobolka Banaadir, ciidankiina uu yahay mid markasta ka amar qaadanaya taliyaha Nabadsugidda, taas waxaan u arkaa arrimo siyaasadeed mooyaane inaaney wax badan amniga kusoo kordhineyn”.Ayuu yiri Cabdi Samad
Waxa uu iftiimiyay Xildhibaan Cabdi Samad halka ay ka jiraan Khaladaadka la xiriira dhanka ammaanka caasimada.
"Khaladku kama jiro sida ay u shaqeeyaan hay’adaha sidey u shaqeynayaan ama gobolku sida uu u shaqeynayo, laakiin uu khaladku ka jiro qaabdhismeedka Wasaaradaha, wasaaradna Gobolka ayaa hoosyimaadda, wasaarad kalena ciidanka amniga ayaa hoos imanaya, laba wasaaradood oo laba shaqo oo kala duwan leh ayaa mar walba waxay la yeelanayaan shaqo gobolka Baadir, waxaad mooddaa halkaas iney dulduleel ka jiro, dhinaca kale, haddii sidii wax loo rabay wax u socon waayeen macneheedu maaha in la yiraahdo qolaa awooddii laga wareejinayaa qolo kale ayaa loo wareejinayaa, waa in mas’uuliyadda cidi qaadataa, ciddii mas’uuliyadeeda ka soo bixi weysayna loo ciqaabo”
Ugu danbeyn Xildibaanku waxa uu sheegay sida ammaanka lagu sugi karo oo yiri in "ciidanku waxa uu u baahan yahay in la tayeeyo oo tiknoloojiyadda cusub ee wax lagu baaro loo keeno, in farsamooyinka dagaal oo maalin kasta lagu qaado oo isku nooc ah oo soo noq noqonaya ciidamada loo siiyo tababarro, waxaa amniga lagu dhisaa waa in shacabka iyo hay’adaha amniga la isku xiro, hay’adaha ammaankana aaney shacabka wax dhibaato ah u geysan, shacabkuna ay aaminaan hay’adaha amniga si ay ula shaqeeyaan in kalsoonidaas la abuuro weeyaan, waa arrin mas’uuliyaddeedu ay saaran tahay mas’uuliyiinta sarsare ee qaranka, maaha in dadka lagu mashquuliyo taliyaha Nabadsugidda iyo gobolka Banaadir, waxaa amniga Muqdisho mas’uuliyadiisu saaran tahay dowladda federaalka, Madaxweynaha, wax guddomiye gobol iyo taliye nabad sugid isku dhiibaan wey ka weyn tahay baahida amni ee magaalada Muqdisho, waxaa dhacay khaladaad amni oo mas’uuliyiinta sare ee qaranku sidii la rabay aaney xoogga u saarin, kadibna dadweynaha loo sheegayo haddana waxaa mar labaad loo wareejiyay gobolka, macno weyn oo isbedel oo ka imaan kara ma arko”.



0 



Wasiirkii hore Amniga C/samad "Wax Guddoomiye gobol iyo Taliye Nabad suggid isku dhiibaan wey ka weyn tahay amniga Muqdisho"
Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaa in Maamulka Gobolka Banaadir xilligan si rasmi ah loogu wareejiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli ammaanka uu noqday mid faraha ka baxay oo Hay'adihii ammaanka ay u caal waayeen wax ka qabashada amniga.