Hogaamiyaha Al-Shabaab ee Kenya : "Waxaan weerari doonaa Madaxtooyada Kenya.."
Axmed Iimaan Hogaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban wadanka Kenya ayaa soo saaray muuqal la soo dhigay baraha Internetka oo uu ku sheegayo inay bartilmaamaysan doonan xarumo waa weyn oo ay ku jirto madaxtooyadda Kenya.
Hogaamiyaha Al-Shabaab ee Kenya oo ah injineer ka soo jeeeda degaanka Majengo ayaa madaxiisa la dul dhigay 300-shilinka Kenyanka ah, wuxuuna ku hanjabay in Kenya ay arki doonto wixii ka dhacay xerooyinkii ciidamada AMISOM ee Uganda iyo kuwa Burundi kuwo la mid ah.
Sarkaalkaas Shabaabka ah ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-Hijra ay u diyaar garoobeen inay weeraraan xarumo muhiim u ah dowladda Kenya.
"Kenya waa ay ku waano qaadan wayday wixii lagu gaarsiyay El-Cade, balse waxaan ku beegsan doonaa xarumahooda muhiimka ah ee Kenya ku yaala” ayuu yiri Hogaamiyaha Al-Shabaab ee Kenya.
Dhanka kale hadalka ka soo yeeray Hogaamiyaha Al-Shabaab ee Kenya ayaa walwal iyo cabsi ku abuuray dadka reer Kenya iyo madaxdooda

0 