Ciidamada Booliska oo labo ruux ku toogtay Suuqa Bakaaraha

0
Monday February 29, 2016 - 19:35:36 in Wararka by
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska oo labo ruux ku toogtay Suuqa Bakaaraha

    Ciidamada Booliskaayaa maanta labo ruux oo ahaa burcad dadka ku dhici jiray Suuqa Bakaaraha toogasho ku dilay, iyadoo raggan ay qaati ka taagnaayeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliskaayaa maanta labo ruux oo ahaa burcad dadka ku dhici jiray Suuqa Bakaaraha toogasho ku dilay, iyadoo raggan ay qaati ka taagnaayeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Raggan ayaa dadka ku dhici jiray mooto, waxaana ay ahaayeen kooxo mararka qaar dhac ay geysanayaan u adeegsan jiray dareyska Ciidamada.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa qabtay ruux kale oo ka mid ahaa, koox burcad ahaa oo maalmihii u dambeeyay falal dhac ah ka geysanayay Suuqa Bakaaraha.

Howl galka Ciidamada Booliska ayaa ka dambeeyay markii cabasho ay soo gudbiyeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ku aadanaa dhac loo geysto goobahooda ganacsi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, waxaana ay noqoneysa markii u horeysay oo la toogto kooxo dhac geysanaya.

Suuqa Bakaaraha ayaa horay waxaa kooxo hubeysan uga geysteen dhac xarumo ganacsi iyo xawaalado sanado ka hor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip