Dhaqtar Caan ah oo Caawa lagu dilay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

0
Tuesday April 07, 2020 - 20:04:25 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqtar Caan ah oo Caawa lagu dilay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

    Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Caawa gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen dhaqtar siweyn looga yaqaanay degmadaas. Dilka loo geystay dhaqtarka ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ah ay sheegeen inuu sigaar ah uga dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Caawa gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen dhaqtar siweyn looga yaqaanay degmadaas. Dilka loo geystay dhaqtarka ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ah ay sheegeen inuu sigaar ah uga dhacay agagaarka halka loo yaqaano Suuqa Miijiska ee Yaaqshiid, waxaana uu u geeridooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Xasan Xaayow, isagoo daaweyn jiray Caruurta iyo dadka uu ku dhaco Cudurka Shuban biyoodka, wuxuuna Xarun Caafimaad ku lahaa Suuq bacaad. Ragii ka dambeeyay dilka Dr Xaayow ayaa goobta si Deg-deg ah uga baxsaday, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo baaritaano kala duwan ka wada. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dilka Dr Xasan Xaayow uu la xiriiro aano qabiil, in kastoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto dad shacab ah, Askarta Ciidanka dowladda iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip