Ciidamada K/Galbeed oo gacanta ku dhigay Ragii ka dambeeyay qaraxyadii shalay ka dhacay Baydhabo.

0
Monday February 29, 2016 - 11:35:10 in Wararka by
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada K/Galbeed oo gacanta ku dhigay Ragii ka dambeeyay qaraxyadii shalay ka dhacay Baydhabo.

    C/laahi Cali Watiin Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa xaqiijiyay in ciidanka amniga ee dowlad goboleedka k/galbeed Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen raggii soo abaabulay qaraxyadii shalay galab ka dhacay bartamaha Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/laahi Cali Watiin Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa xaqiijiyay in ciidanka amniga ee dowlad goboleedka k/galbeed Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen raggii soo abaabulay qaraxyadii shalay galab ka dhacay bartamaha Baydhabo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in baaritaano habeenimadii magaalada laga sameeyay lagu ogaaday in mid ka mid ah garaashyada ku yaala magaalada laga soo abaabuley,isla markaana ragga gacanta lagu dhigay qaarkood ay qirteen falkaas inay ka dambeeyeen.

C/laahi Cali Watiin wuxuu sheegay in ragga la qabtay ay tiradooda u dhaxeyso 6-7 isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad sugidda koofur galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Magaalada Baydhabo, ayaa shalay casir liiqii waxaa ka dhacay qaraxyo khasaare xoogan u geystay dad badan oo shacabka ah kuwaas oo aan wax dambi ah gelin, waxayna tani la mid tahay qaraxyada ay Shabaabku ka gaysanayeen Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip