
Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeedoo Dib u habayn ku sameeyay Gaadiid Boolis ah.=Sawiro=
Waxaa magaalada Baladweyne kormeer shaqo ku tagay Col. Bishaar Abshir Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeed ayaa dib u habayn ku sameeyay gaadid Boolis ah oo dhawaan taliyaha ciidanka Booliska S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu ku wareejiyay taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan, si ay ugu howlgalaan ciidanka Booliska qeybta miino barista qaabilsan.
Col. Bishaar Abshir ayaa markii uu tegay gobolka wuxuu durbadiiba ka howlgalay saddex gaari oo ciidanka booliska lagu wareejiyay, kuwaasi oo uu dib u habeeyay, isla markaana u dhameystiray qalabkii ciidan ee ay ku shaqeyn lahaayeen, taasi oo uu dib ugu wareejiyay taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan.
Askarta gawaarida dib u habeynta loogu sameeyay ee ka tirsan qeybta miino baarista ayaa durbo bilaabay inay ku howlgalaan gawaarida dib loo habeeyay, isla markaana lagu dhameystiray qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen.
Col. Bishaar Abshir Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaliyeed ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana uu ciidamada ku bogaadiyay inay si hufan u gutaan howlaha loo idmaday.







0 



Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeedoo Dib u habayn ku sameeyay Gaadiid Boolis ah.=Sawiro=
Waxaa magaalada Baladweyne kormeer shaqo ku tagay Col. Bishaar Abshir Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeed ayaa dib u habayn ku sameeyay gaadid Boolis ah oo dhawaan taliyaha ciidanka Booliska S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu ku waree