Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa shirka warbixin looga dhageystay oo ku saabsan xaalada amniga, gaar ahaan qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.
Shirkan ayaa laga soo saaray in go’aano la xiriira dhinaca ammaanka, isla markaana dhowaan la qaadi doonohowl gall0 balaaran oo lagu sugayo amniga, isla markaana lagu bad baadinayo shacabka Soomaaliyeed,
Howl galkan ayaa la sheegay inay hormuud ka noqon doonaan Madaxda sare ee dowladda, iyadoo qorshuhu yahay in deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin laga saaro
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo Al-Shabaab.
"Waxaa la isla gartay in Madaxda qaranka inay hormuud ka noqdaan dagaal aan waxba loogu reebi doonin argagixisada, Dowladda Soomaaliya waxay fiiro gaar ah u yeelaneysa dadka taageera argagixisada ee maalgelinaya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Ugu dambeyn Wasiika Warfaafinta ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkii shalayka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu dilay dad u badnaa shacab.



0 


Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan deg deg Ammaanka looga hadlayay
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa xalay shir-guddoomiyay kulanka deg deg ahaa oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada.