Masuuliyiin uu horkacaayay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Magaalada Djibouti kula kulmay diblomaasiyiinta Itoobiya ee u qaabilsan dhinaca Urur Goboleedka Igad, waxayna ka wada hadleen xariga Suxufiga.
Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa diblomaasiyiinta u sheegay inaysan Dowladda Somaliya jecleysan, isla-markaana aanay soo dhaweynayn xariga Wariye Maxamed Aweys Muudey, Itoobiyana looga baahan yahay inay dib u eegto kiiskiisa.
Sidoo kale waxaa uu u sheegay in Xukuumadda Addis Ababa looga baahan yahay inay kala cadeyso waxa lagu haysto Suxufiga, ayna Somaliya dooneyso inuu cadaalad helo Suxufigu.
Diblomaasiyiinta reer Itoobiya, ayaa ballanqaaday inay taageerayaan soo jeedinta kaga timid Dowladda Somaliya, isla-markaana dib loogu laaban doono kiiska Maxamed Aweys Muudey.
Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa Madaxtooyada Somaliya ka codsaday inay la socoto xaaladda Suxufiga ku xiran Magaalada Addis Ababa.
Koox Suxufiyiin ahayd, ayaa daba yaaqadii sanadkii hore Magaalada Muqdisho kula kulantay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, iyagoona ka codsaday inuu u ololeeyo sidii uu cadaaladda u heli lahaa Wariyaha.
Ayuub Maxamed Aweys oo ah wiil uu dhalay Wariye Boqorka Bartamaha, ayaa waxaa uu Dowladda Somaliya uu ka codsaday inay ka shaqayso, sidii xabsiga looga soo saari lahaa aabihii, oo sida uu sheegay cadaalad darro ugu xiran Caasimadda Itoobiya.
Boqorka Bartamaha, ayaa ka mid ah Suxufiyiinta sida wayn looga garanaayo dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isagoona ka soo shaqeeyay Warbaahinta Caasimadda.



0 


Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xariga Suxufiga Boqorka Bartamaha
Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya, ayaa waxay markii ugu horeysay ka wada hadleen xariga Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), oo muddo laba sano iyo bar ku xiran Magaalada Addis Ababa.