
VIDEO: Faahfaahin ku saabsan qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhacay Baydhaba iyo meydadka shacabka oo la garan la'yahay
Boqolaal ruux ayaa isugu soo xoomay goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee magaalada Baydhaba, kuwaasi oo baadi goobaya eheladooda ku sugneyd goobtaasi, iyagoona sidoo kale ay buux dhaafiyeen isbitaalada magaalada eheladii dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.
Labada goob oo ay ka dhaceen qaraxyada ayaa ahaa goobo ay dadweynaha ku badnaayeen, isla markaana laba maqaayad oo ku yaala magaalada Baydhaba, iyadoo saakay ay howlgallo meelaha burbursan looga raadinayo dad weli lagu la’yahay, kuwaasi oo qaarkood laga soo saaray meelaha ay sida xoogan qaraxyada u burburiyeen.
Dadweynaha magaalada Baydhaba ayaa saameyntii ugu xooganeyd ku yeeshay qaraxyada is miidaamin ee shalay ka dhacay bartamaha magaaladaasi, iyadoo saakay laga dareemayo inuu aad ugu yar yahay goobaha laga cunteeyo, meelaha lagu shaaho iyo hareeraha waddooyinka Baydhaba.


0 


VIDEO: Faahfaahin ku saabsan qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhacay Baydhaba iyo meydadka shacabka oo la garan la'yahay
Boqolaal ruux ayaa isugu soo xoomay goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee magaalada Baydhaba, kuwaasi oo baadi goobaya eheladooda ku sugneyd goobtaasi, iyagoona sidoo kale ay buux dhaafiyeen isbitaalada magaalada eheladii dadkii ku dhaawacmay qaraxyada