Ujeedada loo weeraray maqaaxiyadaha, ayaa waxay Suxufiyiinta ku sheegeen in lagu bartilmaameydsanaayay Wasiiro iyo Saraakiil Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan. Wasiir Ku Xigeenkii Maleeshiyada & Hub Ka Dhigista Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay qaraxyadaasi.
Ugu yaraan 20 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka 48 kalana ay dhaawacantay, waxaana suurtagal ah in khasaaraha dhimashada uu intaa ka bato, maadaama ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah.
Maamulka Koonfur Galbeed weli warbixin kama aanu soo saarin weerarada galabta ka dhacay Xarunta Kmg gaarka ah ee Maamulkaasi, balse waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socdo uu ka hadlo.
Dhanka kale Ciidanka Nabad Suggida & Booliska Magaalada Baydhabo, ayaa waxay wadaan hawlgal ka dhan ah halka laga soo abaabulay labadaasi qarax.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, ayaa waxay si wayn u hadalhayaan weerarada uu dhiigga badani ku daatay, ee maleeshiyada Al Shabaab ka gaysatay Magaaladaasi.
Weeraradan, ayaa waxay ku soo beegmayaan, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay xaalad deganaansho ah ka jirtay Xarunta Gobolka Baay.
Qaraxyadan, ayaa niyad jab hor leh ku ah shacabka Somaliyeed, maadaama hal habeen ka hor uun ay ahayd markii weerar kale oo in ka badan 20 ruux lagu dilay uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.






0 







20 qof oo ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)
Laba qarax oo middi uu ismiidaamin ahaa, ayaa galabta lagu weeraray laba maqaaxi oo ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.