Diyaarad Ambalaas ah oo ka howlgalaysa wadamada Geeska Afrika

0
Sunday February 28, 2016 - 23:05:43 in Wararka by
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Ambalaas ah oo ka howlgalaysa wadamada Geeska Afrika

    Shirkada East African Aviation(EAA) ayaa bilaabaysa barnaamij ah diyaarad u shaqeynaysa sida Ambalaas oo kale u shaqeynaysa taasoo ay bukaanada ka soo qaadayso wadamada Ethiopia,Djibouti,Koofurta Sudan iyo Soomaaliya iyadoo bukaanadaasna la geynayo w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada East African Aviation(EAA) ayaa bilaabaysa barnaamij ah diyaarad u shaqeynaysa sida Ambalaas oo kale u shaqeynaysa taasoo ay bukaanada ka soo qaadayso wadamada Ethiopia,Djibouti,Koofurta Sudan iyo Soomaaliya iyadoo bukaanadaasna la geynayo wadankaIsutagga Imaaraadka Carabta ama Koofur Afrika iyo wadamo kalaba si loogu soo daweeyo.

"Diyaarada shaqaale buuxa ayay leedahay sida dhakhaatiir,kalkaaliyaal iyo weliba qalabka Gargaarka Degdegga ah bukaanada loogu sameeyo kuwaasoo awood u leh in qofka bukaanka ah ay ku daweeyaan inta uu diyaarada dusheeda saaran yahay,”ayuu yiri Dr. Rahel Tilahun oo ah dhakhtarka diyaarada loogu magac daray Dhakhtarka Duulaya.

Kabtanka diyaaradan oo ah Mulat Lemlemayehu ahna agaasimaha EAA kana soo shaqeeyay muddo 39 sagaal sano shirkada diyaarada Ethiopian Airlines ayaa sheegay in mudadii uu ku jirey howlaha duulimaadyada uu soo arkay bukaano badan oo ku naf baxay diyaarada dusheeda, balse diyaaradan ay tahay mid loogu talogalay in gargaar caafimaad bukaanka lagu siiyo inta uu duulimaadka ku jiro oo loo sii wado isbitaalka.

Adeegga ay diyaaradan qabanayso ayaa waxaa kamid ah in qofkii ku nool dalalka ay ka howlgalayso sida Ethiopia,Djibouti,Koofurta Sudan iyo Somalia gaar ahaan Somaliland ay fursad u helayaan in ay bixiyaan lacago ceymis ah sanad walba taasoo gaareysa $2,050. Qofkii xubin ka ahna uu helayo adeeg caafimaad dal walba oo caalamka ka mid ah iyadoo lagu bixinayo lacag dhan $50, 000.

Adeegga labaad ayaa shirkadan waxa ay u qabanayso dadka ku nool dalalka ay ka howlgalayso iyagoo looga baahan yahay oo kaliya inay taleefan soo diraan kadibna shaqaalaha iyo diyaaradaba ay muddo saacad ah diyaar noqonayaan.

Captain Mulat oo diyaaradan oo nooceedu yahay King Air 350 ka soo iibsaday dalka Maraykanka ayaa qof walba oo ku nool dalalka afarta ah uu awood u leeyahay in uu helo adeeg caafimaad.

Diyaaradan ayaa ku qaadatay muddo afar maalmood ah inay soo gaarto magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyadoo ka soo duushay dalka Maraykanka gaar ahaan South Carolina waxayna soo martay via Island, France, Turkey iyo Egypt.

Shirkadan EAA ayaa sidoo kale waxa haatan wax ka baranaya toban ruux oo la barayo sida loo duuliyo diyaarada iyagoo ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Congo, South Sudan,France iyo qaar kale..

Xigasho thecitizen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip