Kooxo hubaysan ayaa xalay Isgoyska Siinaay ee Degmada Wardhiigleey, waxa ay ku toogteen haweenay la sheegay inay ganacsato aheyd.
Haweenaydan ayaa la dilay, xilli ay doonaysay goob ganacsi oo ay ku laheyd Isgoyska Siinaay inay xirto, waxaana rasaas la dhacay Kooxo hubaysan oo aanan la garaneyn haybtooda.
Raggii hubaysnaa ayaa meesha ka baxsaday, kadib markii ay toogteen Haweenaydaasi, iyadoo aysan jirin cid gacanta ku soo dhigtay gacan ku dhiiglayaashaasi dilay Haweenaydaasi Somaliyed.
Dadkii ku sugnaa meesha ayaa sheegay haweenayda la dilay in arimo Siyaasadeed aysan shaqo ku laheyn oo ay aheyd ganacsato goob ganacsi ku leh Isgoyska Siinaay.
Magaca Haweenayda, ayaa waxaa lagu soo koobay Aamina Gees-diir, ilaa iyo hadana macada sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka loo geystay.Maamulka Degmada Wardhiigleey ilaa hada kama aysan hadlin haweenaydaan xalay lagu dilay Degmadaasi.
xigasho:-dhacdo.com
Kooxo hubaysan oo Haweenay ku dilay Magaalada Muqdisho
Kooxo hubaysan ayaa xalay Isgoyska Siinaay ee Degmada Wardhiigleey, waxa ay ku toogteen haweenay la sheegay inay ganacsato aheyd. Haweenaydan ayaa la dilay, xilli ay doonaysay goob ganacsi oo ay ku laheyd Isgoyska Siinaay inay xirto, waxaana rasaas