Amar ka soo baxay Madaxweyne Qoorqoor oo lagu xiray Radio Galmudug

0
Monday February 24, 2020 - 00:42:02 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar ka soo baxay Madaxweyne Qoorqoor oo lagu xiray Radio Galmudug

    Amar ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu xiray Radio Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada Dowladda ayaa xalay gudaha u galay Xarunta Radio Galmudug, iyagoona hawada ka saaray id

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amar ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu xiray Radio Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada Dowladda ayaa xalay gudaha u galay Xarunta Radio Galmudug, iyagoona hawada ka saaray idaacadda, kuna wargeliyay Maamulka & Shaqaalaha idaacadda inaanay sii shaqayn karin. Radio Galmudug ayaa ku dhex yaala Xaruntii hore ee gobolka, waana goobta uu iminka degan yahay Madaxweyne Qoorqoor, isla-markaana uu u xushay inay noqoto Madaxtooyada uu ku shaqayn doono. Nin Wariye ah oo magaciisa sababo amni uga gaabsaday ayaa inoo sheegay in Radio Galmudug uu dhexdhexaad ka ahaa arrimaha siyaasadda Galmudug, balse ay taasi ka careysiiyay Madaxweynaha 2dii bishan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb. "Idaacadda si dhexdhexaad ah ayay ugu adeegi jirtay saddexda Madaxweyne ee midba midka kale uu sheegto inuu yahay Madaxweynaha Galmudug, arrintaas ayay qoladaan diideen, oo idaacadda ay sababsatay in loo xiro." Ayuu yiri Wariyahan oo degan Magaalada Dhuusamareeb. Wariyaha ayaa ereyga uu dhibsaday Madaxweyne Qoorqoor waxaa uu ku sheegay "Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda", waana midda Madaxweynaha ku riixday inuu albaabada isugu laabo radiyahan, xilli uu radiyahaasi kala mid ahaa inta badan warbaahinta xorta ahi ee dalka ka hawlgasha. "Tusaale ahaan Madaxweyne Qoorqoor oo kale waxay idaacadda ugu yeeri jirtay Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, marka intaas ayuu dhibsaday Madaxweynaha, saasuuna u soo saaray amarka lagu xiray idaacadda." Ayuu yiri Wariyuhu. Waa idaacadii ugu horeysay oo laga joojiyo hawshii ay u haysay bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, mudada labaatanka cisho ee uu xilka ku magacaaban yahay Madaxweyne Qoorqoor. Tallaabada hawada looga saaray Radio Galmudug ee Xaruntiisa Dhuusamareeb ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Qoorqoor aanu weli xilka la wareegin amaba loo caleemo saarin, dadkuna uu ku kala aragti duwan yahay madaxtinimadiisa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip