Puntland oo gaartay Hadafkii ay ka laheyd Shirka Turkiga & Hamigii madaxda DF oo…

0
Saturday February 27, 2016 - 10:30:56 in Maqaallo by
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo gaartay Hadafkii ay ka laheyd Shirka Turkiga & Hamigii madaxda DF oo…

    Iyadoo magaadala istanbuul ee dalka turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shirkii Arimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galeyn Madax ka kala socotay Dowlada Federaalka, Beesha Caalamka & Madaxda sar sare ee Dowlada Turkiga ayaa waxaa markaan soo baxaya Xog k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo magaadala istanbuul ee dalka turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shirkii Arimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galeyn Madax ka kala socotay Dowlada Federaalka, Beesha Caalamka & Madaxda sar sare ee Dowlada Turkiga ayaa waxaa markaan soo baxaya Xog ku aadan Puntland oo qorshe gaar ah ka laheyd shirkaasi.
Aqoon-yahan ka Faalooda Arimaha Soomaaliya kuna nool dalka Finland Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday xogta ku aadan Puntland oo Xaqiijisay hadafkii ay ka laheyd Shirkaasi Turkiga iyo Arimo kale oo bulshada aysan la socon.

Caalim ayaa sheegay hadafka Puntland in uu ahaa maadaama aysan ka qeyb galin Shirka Turkiga Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamkana ay is ku raaceyn doorashada sanadkaan 2016-ka in lagu saleyso 4.5-ka in iyaguna ay rabaan Xildhibaanada hada shaqeynaya Waqtiga loo kordhiyo mudo Afar sano ah kadibna 2020-ka loo gudbo Doorasho qof iyo cod ah waxaana Puntland ay aaminsan tahay hadii xildhibaano laga soo xulo deeganada ay maamusho in uu dhici karo dagaal ku saleysan sed-burse.

Aqoon yahan-kaan ayaa sidoo kale shaaciyay Beesha Caalamka uu hor boodayo Wakiilka Qaramada Midoowe ee Soomaaliya Michael keating iyo Madaxda Dowlada Turkiga in Madaxweyne Xasan sheekh iyo Xulafadiisa ay ku cadaadinayaan dhameystirka howlada muhiim ka ee dowlada Somalia u harsan sida:


in la dhiso Maamulka Hiiraan & Shabeelaha Dhaxe
in la Xaliyo khilaafka Dowlada Federaalka & Puntland
in aan dib loo dhigin Doorashada Sanadkaan ka dhaceysa SOMALIA.

Caalim ayaa sheegay in uu xumaaday xariirkii Dowlada Federaalka iyo Urur gobaleedka IGAD gaar ahaan wadamada ku jira ururkaasi ee jaarka la ah Soomaaliya sida itoobiya iyo kenya, wuxuuna tusaale usoo qaaday in heerkii la filayay aysan kaga qeyb galin Shirkii kusoo dhamaaday Turkiga.

Dhanka kale Aqoon-yahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalim ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Xasan sheekh ee ahaa in tiro ku dhaw 200 oo askari dowlada kenya looga dilay weerarkii Ceel-cadde maadaama alshabaab ay sheegeen in ay ku dileyn Weerarkaasi 100-askari halka dowlada kenyana ay sheegtay in ku dhaw 60-askari looga dilay.

Ugu dambeyn Waxaa uu ku taliyay aqoon-yahan Caalim Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda dalka hogaamineysa in ay ka faa’ideystaan fursadaha dahabiga ah ee laga helay beesha Caalamka iyo Dowlada turkiga lana muujiyo horu-mar iyo waxqabad Cadaalad ku dhisan.

xigasho:-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip