
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 25-KA FEBARAAYO 2016-KA
Qodobada ugu muhiimsan ee War Murtiyeedka ku qoran waxaa ka mid ah:
In la sii wado taageerada heerka caalami ee la siinaayo Somaliya, gaar ahaan Turkigu inuu ballaariyo taageeradiisa ku aadan Somaliya.
In Isbitaalka Erdogan ee ku yaala Magaalada Muqdisho uu ka mid yah ay Isbitaalada Bariga Afrika ugu wayn, islamarkaana uu noqdo kuwa ugu sareeya ee xagga cilmiga laga dhigo.
In Safaaraddii ugu weyneyd eeTurkiga uu dhawaan ka furi doono Muq InTurkiga uu mucaawino gaarsiin doono dadka Somaliyeed, meelkas ta oo ay jooggaan.
In Dowladda Federaalka Somaliya laga caawin doono marxaladda hab raaca xilliga kala guurka ee sanadkan.
In sanadkan 2016 ay doorasho xor ah ka dhacdo dalka Somaliya.
In caalamka uu arkay in Dowladda iyo Somaliduba ay sameeyeen hor umar xoog leh, markii la’isla wada arkay qiimayn ay ka keeneen Barn aamijka Hiigsiga ee 2016.
In caalamku uu taageeray qorshaha horumarineed ee Dowladda Som aliya dejisay inta u dhaxeyso 20172019.
In la dedejiyo dib u eegista Dastuurka Somaliya.
In la ballaariyo dib u dhiska Ciidanka Booliska Somaliyeed.
In la xoojiyo la dagaalanka xagjirnimada iyo argagaxisada.
In la illaaliyo xuquuqda carruurta iyo haweenka, waxbarashada iyo arri maha caafimaadka.Xigasho:Dhacdo.com
ERDOGAN: "WAXAAN DHAWAAN SOOMAALIYA KA FUREYNAA ISBITAAL HOOYADA IYO DHALLAANKA AH”
Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya isbitaal loogu tala galay hooyada iyo dhallaanka.
Khudbad dheer oo uu daraad ka jeediyey furitaanka Shirka heerka sare ee diirad saaridda Soomaaliya ee ka socda magaalada Istanbul, ayuu ku sheegay Mr. Erdogan in Turkiga uu sii wadayo howlaha dib u dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in isbitaalka oo dhawaan la furi doono ay baaxadiisu noqon doonto mid qaada ilaa iyo boqol sariir.
"Magaalada Muqdisho waxaan ka dhisnay safaarada ugu weyn safaaradaha aan ku leenahay dibada, waxaan kale oo aan dhisnay Muqdisho Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista oo ah isbitaalka ugu weyn geeska Africa. Dhawaan waxaan furi doonnaa isbitaalka hooyada iyo dhallaanka oo lahaan doono ilaa iyo 100 sariir.’’ Ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.
Sidoo kale madaxweynaha Turkiga oo kasii sheekeynaya dhinacyada ay Soomaaliya ka taageereen ayaa sheegay in ay dalka Soomaaliya u fidiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa,iidesteen ilaa iyo 1,000 arday oo Soomaalia ah, isaga oo intaasi raaciyey in ay wadaan howlaha dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay ugu deeqi doonaan 30baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano Buska, ka hor inta aan la gaarin doorashada.
Turkiga ayaa ah dalka ugu badan ee si toos ah iyo si aaan toos aheynba u saaciday Soomaaliya tan iyo burburki dalka Soomaaliya.
Magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in shalay lagu soo gaba gabeeyo shirka madasha heerka caalami ee diiradsaarida Soomaaliya kaasoo daraad ka furmay caasimada ganacsiga Turkiga ee Istanbul
XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO DIYAARINAYA MOOSHIN KA DHAN AH KHAADKA
Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa xildhibaanadii la socday ra’iisul wasaare Cumar C.rashiid ee lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, ayaa si adag kaga hadlay muddada lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee Nairobi.
Xildhibaanka ayaa ka carooday in ku dhawaad 15 saac lagu xayiro garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in dowlada Kenya ay ka doonayaan iney cadeyso waxyaabaha arintaasi dhaliyay.
Cabdulaahi Jaamac, ayaa dhinaca kale sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay diyaarin doonaan mooshin ay ku joojinayaan khaadka laga keeno dalka Kenya oo malaayiin lacag ah ku baxdo, sida xildhibaanka uu sheegay.
Muddo bil ah oo xildhibaanada fasax ku maqan yihiin ayuu sheegay kadib in la dardar gelin doono mooshin ka dhan ah khaadka la keeno dalka Soomaaliya.
Mooshinkaasi ayuu sheegay inuu xal u noqon doono dhibaatada Khaadka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed oo dhaqaalo badan looga qaado isticmaalka Khaadka, sida uu sheegay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in canshuurta ugu badan ee dalka la qaado dowlada ka qaadi doonto khaadka la keeno dalka Soomaaliya.
KOOXO HUBAYSAN OO NIN DARAWAL AH U DILAY 5 KUN SHILLING SOMALI AWGEED
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan inay halkaasi ku dileen nin Darawal ahaa.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo dadka deegaanka ah dableydaan hubaysan ayaa toogtay Darawalka, xilli uu ka dhaga adeegay inuu bixiyo Qarash lagu qaadaayay goob ay taallay Isbaaro oo gaadiidka ay maraan.
Ninka Darawalka ah ee dilka loo geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cumareey, wuxuuna ahaa nin ka xeeya gaadiidka waaweyn ee Safarada Gobolada ubaxa.
Qof ay qaraabo yihiin darawalkaan la dilay, kana gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in qofkii dilka ka dambeeyay uu goobta ka baxsaday, balse lagu raad joogo.
"Waxaa jirtay degmada Afmadow meel kaliya oo lagu qaado lacagta taasina wuu soo dhiibay, balse ciidan kale oo kuwaasi dhinac uga soo baxay ayaa mar kale lacag Shan Kun Shilin Soomaali ah weydiistay inuu bixiyo isna wuu diiday kadibna waa la dilay” Ayuu yir Ruuxaasi.
Marka loo eego cadadka lacagta darawalkaasi loo dilay iyo Qiimaha nafta ay leedahay, ayaa ah wax aanan la isla bar bar dhigi karin.
Darawallada kaxeeya gaadiidka ka shaqeeya gobollada dalka qaarkood ayaa la kulma dhibaatooyin badan, sida dilal, dhaawac iyo dhac loo geysto hantida ay wadaan.
MADAXWEYNAHA YUHUUDA: "ISRAEL WAXAY TAAAGEERAYSAA CIIDANKA KENYA EE QEYBTA KA AH HOWLGALKA AMISOM”
Madaxweynaha Israel, Reufin Riflin ayaa sheegay inay Isarel ka taageerayso Kenya hawlaha ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Reufin Riflin ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ku soo dhaweynayey Qasriga Dowladda ee magaalladda Tel aviv.
Madaxweynaha Kenya oo ay Wafdigiisu ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda, Joseph Nkaissery iyo Amina Maxamed waxay Isniintii booqasho rasmi ah ku tageen Israel, iyagoo Madaxda dalkaasi la soo saxiixday Heshiisyo isugu jira Maalgashiga, Ganacsiga, Ammaanka, Caafimaadka iyo Beeraha.
Madaxweynaha Isarel, Reufin Riflin waxa uu sheegay inay Shacabka Kenya la wadaagayaan xanuunka Askartii Kenyanka ee lagu dilay weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Xeradda ay Askarta Kenya ku lahaayeen Degaanka Ceelcadde ee Gobalka Gedo.
"Israel waxay taaageeraysaa Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, oo aan ogaanay inay ka faa’ideysan karaan Gobalka iyo Caalamka oo idil” ayuu yiri Madaxweynaha Israel.
Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay labada Dowladood iska kaashan doonaan sidii loogu guuleysan lahaa Ladagaalanka Alshabaab.
Israel ayaa waxay horey kaalin uga qaadatay Arrimaha Sirdoonka, Hawlgaladda Millateri iyo qorshaha derbiga ee ay Kenya kaga dhisayso xuduudka Somalia.
MAREYKANKA: CODBIXIN KUSAABSAN MURASHAXA UGA QEYBGALAYA DOORASHADA GUUD XISBIGA JAMHUURIGA
Codbixintaas oo tijaabo ah ayaa waxay ka socotaa hada marka aanu warkaan qoreyno Navada, gobolkaas oo dadka u badan ay yihiin kuwo ka soo jeeda qowmiyadda loo yaqaano HISPANIC. Gobolkaan ayaa muhiimad gaar ah leh isla markaana ay ku badan yihiin dadka soo galootiga ah ee kasoo gala Mareykanka dhanka Mexico.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hareereeyay loolanka hadalo ka dhanka ah dadka soo galootiga ah ee HISPANIga ah.
Loolanka ayaa ilaa iyo hada u socda si habsami ah waxaana la soo gabagabayn doonaa xilli dambe oo waqtiga Mareykanka ah shalay. Waxaa aad loogu badinayaa in maalqabeenka Donald Trump uu ku guuleysan doono. Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad ula loolamaya Ted Cruz iyo Michael J. Rubio.
Gobolkaan Navda ayaa waxaa doorashadaan tijaabada ah ee u dhexeysa Xisbiga Jamhuurigu waxay tijaabo u tahay cida ugu codad badnaan karta murashaxiinta in lagu ogaado. Maalinta 1da Maarso ayaa waxaa codeyn doona ilaa 11 kale oo gobol codeeyeyaasha ku nool. Inta aan waqtigaa la gaarin ayaa xisbiga Dimoqraadiga waxaa isna la filayaa inuu doorasho caynkaan ah oo tijaabo ah uu ku qabto gobolka South Carolina.
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA BAARLAMAANADA CARABTA
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa khudbad ka jeediyey shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Shirkan oo ka dhacaya xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira waxaa furintaankiisa khudbad ka jeediyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabil el Araby iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka carabta Ahmed Bin Mohamed AlJarwan waxaana labaduba ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen magaalada Qaahira Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta ayaga oo dhinaca kalena ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Baarlamaannada dowladaha carabta.
Guddoomiye Jawaari ayaa u mahad celiyey dowladda iyo shacabka Masar iyo jaamacadda carabta waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay xiligan leedahay iskaashi iyo wax wada qabsi ku dheehan isku duubni iyo is jeceyl ay ku wada howlgalaan Baarlamaannada carabta waxaana uu dhanka kale ku booriyey ney ka qeybqaataan maalgashiga xiligan dunidu ku sameyneyso Soomaaliya oo hada ku taagan wadadii hormarka.
Maalinnimada berrito ah ayaa qorshaha uu yahay in si rasmi ah loosoo gebagebeeyo shirka Madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayadoo gebagebada shirkana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha shirka looga hadlay.
MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IY TURKIGA OO KULAN GAAR AH KU YEESHAY ISTANBUL
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, taageerada dhinaca dhaqaalaha,amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ee Turkiga uu siinaayo Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu sheegay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis dhinaca tamarta ah, kaas oo wax weyn ka tari kara dhaqaalaha iyo maalgashiga Soomaaliya/
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatey Madaxa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Midowga Yurub, Neven Mimica, Agaasimaha Baanka Adduunka ugu qaabilsan Soomaaliya, Mrs Bella Bird, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda ThomasGreenfield, iyo madax kale.
TALIYE XAAMUD OO KORMEER KU TAGAY SALDHIGA BOOLISKA AMISOM EE MUQDISHO
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyed Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa booqday Saldhiga ciidamada Booliska Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Saldhigan oo ku yaallo Stadio Muqdisho, ayaa taliyaha halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska Amisom oo Salaan Sharaf ku siiyay.
Taliye Xaamud, ayaa Saraakiisha ciidamada Booliska Amisom halkaasi wuxuu kula qaatay kulan looga hadlaayay wada shaqeynta ciidamada Booliska Somaliyed iyo kuwa Amisom ka dhaxeysa.
Ciidamada Booliska Amisom, ayaanan shaqo badan ka qaban Magaalada Muqdisho marka loo eego howlaha ay hayaan ciidamada Booliska Somaliyed oo u baahan caawimada ciidamada Booliska Amisom.
Taliye, Xaamud ayaa sheegay ciidamada Booliska Somaliyed inay u taagan yihiin suggida Nabadgelyada dalka, iyo sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka Somaliyed.
Waxa uu ka sheegay Xafladii ay u sameeyeen ciidamada Booliska Amisom, ciidamada Amisom inuu aad ugu mahadcelinaayo sida ay ugu huraan naftooda ka shaqeynta Somaliya.
ISKA HOR IMAAD SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABO
Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay iska hor imaadka, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.
Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka kala tirsan Maamulka Koofur Galbeed uu soo kala dhex galay ismaandhaaf, waxaana iska hor imaadkaas uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqii ganacsiga.
Goob joogayaal ku sugnaa halka lagu magacaabo Afar Irdoodka ayaa sheegay in iska hor imaadka waxyeelada ugu badan ka soo gaaray dad rayid ah oo ka ag dhowaa goobta, waxaana iska hor imaadka kadib gaaray goobtaas ciidamo boolis ah.
Saraakiisha Booliska Gobolka Baay ayaa sheegay inay baaritaan wadaan oo ku aadan iska hor imaadkan iyo waxa keenay in Ciidamada is rasaaseeyaan.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale is rasaaseyn ugu dhex martay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana iska hor imaadkaas uu ka dhashay muran la xiriiray lacago guno ay Ciidamada qaadanayeen.
M. Ghedi: "goormay soomaaliya ka dhalan doontaa dowlad kasban kareysa kalsoonida shacabka?”
Laga soo billaabo dowladii KMG aheyd ee sanadkii 2004kii ee uu hoggaaminaayay ( AUN) Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed, ilaa tan rasmiga ah ee uu adduunweynnuhu aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, wuxuu shacabka Soomaliyeed la’yahay dowlad uu ku qanco maamulkeeda sida amniga, cadaalada, daryeelka ciidamada kala duwan ee qaranka iyo guud ahaan horumarka dalka, marka laga reebo ganacsato Somaliyeed oo iyadu dalka maalgashatay.
Anigoo ogsoon in uusan shacabka Soomaliyeed intiisa badan igu raacsaneyn, ha yeeshee, waxaan shaqsi ahaan aaminsanahay in dowladaan rasmiga ah ee uu madaxweynaha ka yahay Hassan Sheikh Mohamoud inay dadaal xooggan u galisay sidii ay wax uga bedeli lahayd magacxumida iyo tabardarrida ay wax ka qaban waayeen dhammaan dowladihii dalka soo hoggaamiyay wixii ka danbeeyay sanadkii 1991kii ( permanent fragile government with poor reputation since 1991 due to —??).
Marabo in aan furo dood aanan dhammaad laheyn, laakin ka shaqsi ahaan, waxaan aaminsanahay in todobada (7) billood ee u harsan dowladdaan uu hoggaaminaayo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud inaysan wax weyn ka bedeli kareyn magacxumida 25 sano jirsatay ee dowlad kasta ee Soomaliyeed loogu yeero, haddii aan wax laga qaban caqabada fara badan ee jira oo ay kamid yihiin:
1) Qaar kamid ah madaxweynayaal ku sheegyaalka maamul goballeedyada dalka oo ay ka muuqato astaaman muujinaaya inay ka soo horjeedaan midnimada Somaliyeed, iyagoo mar kasta khilaafa siyaasadda dowlada dhexe, kadibna u carara dowladaha deriska kuwooda lagu tuhunsan yahay inaysan raali ka aheyn Soomaliya oo dib u dhisanta.
2) Inta badan howlwadeenada dowlada heer federaal iyo heer gobalba oo aad moodo inaysan u shaqeyn qaab dowladnimo, ee ay u shaqeeyaan qaab qabiil, iyaga oo aaminsan inay kursiga ku heleen qaabka awood qeybsiga beelaha Soomaliyeed ee 4.5
3) Dagaal aanan dhammaadka laheyn ee ay muddada dheer wadaan kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada Soomaliya iyo deganaasha ka dhalatay guud ahaan gayiga Soomaliya, gaar ahaan koofurta Soomaliya oo ay degaan beela nabadeed.
4) Qaar kamid ah dowladaha deriska oo sidadban u diidan inay Somaliya dib u midowdo, si qorshahooduna ugu fulo waxay adeegsadaan Soomalixumayaal iyo qaar kamid ah madaxda maamul goballedyada dalka ka jira.
5) Beesha caalamka oo aanan weli si buuxda kalsooni ugu qabin qaabka ay dowlada FS wax u maamusho, gaar ahaan dhaqaalaha soo gala iwm.
6) Madaxda dalka ugu sarreysa oo aad loogu xanto, inay soo dhoweystaan oo kaliya shaqsiyaad ka soo jeeda jufahoosaadkooda iyo shaqsiyaadka ay uga baqaan Kursiga ay ku fadhiyaan.
Goormay Soomaliya ka dhalan doontaa dowlad kasban kareysa kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed ???.
Qore: Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Muqdishu, Somaliya,
TALYAANIGA OO SHEEGAY INAY SOOMAALIYA KALA SHAQEYN DOONO AMNIGA IYO HORMARINTA DHAQAALAHA.
Paolo Gentiloni Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Talyaaniga oo ka qeyb galay shirka Madasha 6aad ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka socda Magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga ayaa sheegay in Dowladdiisu ay taageero siin doonto Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Talyaaniga uu Soomaaliya kala shaqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Hormarinta Dhaqaalaha, isagoo sheegay inTalyaaniga ay ka qeyb tahay Qorshe lagu dhisayo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa Taageero Dowladdo badan oo Caalamka ka jira, kuwaas oo doonaya in Soomaaliya ay mar kale dib ugu soo noqoto Wadadii Nabadda iyo Hormarka, iyadoo Talyaaniga Soomaaliya u balan qaaday Lacag dhan 20 Milayan oo Yuuro inay siin doonto.
DONALD TRUMP "MUSAVENI WUXUU ISTAAHILAA XABSI EE MA MUDNA INUU SII FADHIYO AQALKA MADAXTOOYADA UGANDHA”
Musharraxa xagjirka ah ee u tartamaya Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay doorashadii Khamiistii ka dhacday dalka Uganda.
Isaga oo ka hadlayay Olalaihiisa doorashad ee ka socota Gobolka South Carolina ayuu sheegay Trump in Museveni uu mudan yahay xabsi ee uusan mudneyd Aqalka Madaxtooyada dalka Uganda.
Waxaa uu geesi ku tilmaamay Hoggaamiyaha Mucaaridka Uganda, Kazza Basija oo uu sheegay inuu yahay Ninka kaliya ee geesiga ah ee reer Uganda, waxaana uu Shacabka Uganda ku tilmaayay kuwo Fuleyaal ah oo ka cabsada Gaaska Ilmada dadka ka keena ee ay adeegsanayaan Ciidanka Museveni.
"Waxaan daawanayay doorashada Uganda iyo halka ay martay,waxaan hubaa in haddii aan Uganda Dadkooda ahaan lahaa in Aqalka Madaxtooyada iska daaye aan Xabsiga ku qofuli lahaa Museveni” ayuu yiri Doland.
Waxaa kale oo uu sheegay in sidoo kale uu isna xiri lahaa Awoowaha Museveni oo uu ula jeedo Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Roperto Mugabe, oo uu isna sheegay in uu yahay qof jecel xukunka.
MEYDKA WIIL DHALINYARO AHAA OO SHALAY LAGU ARKAY DEGMADA DAYNIILE
Shacabka ku dhaqan Xaafadda Oodweyne ee degmada Hodan ayaa shalay ku soo toosay Meydka Wiil dhalinyaro ah oo dhibaato dhaawacyo xoogan ah jirkiisa uu ka muuqdo.
Warark ayaa tilmaamaya sida aan ka soo xiganay Goob Joogayaal wiilkaasi dhalinyarada ahaa ayaa loo adeegsaday dilkiisa Toreeyo si arxan darro ah loogu durduray jirkiisa.
Sida dadka deegaanka ay tilmaameen waxaa meesha soo gaaray qaar ka mid ah ehellada Marxuumkaasi.
Ma cadda sababta ka dambeysa dilka Wiilkaasi Dhalinyarada ahaa iyo cidda geysatay intaba.
PUNTLAND OO SHEEGAY INEY KA QEYB GASHAY QEYB KA MID AH SHIRKA BEESHA CAALAMKA IYO SOOMAALIDA UGA SOCDA ISTANBUL
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cameey, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Puntland ay shirka uga qeyb gashay dhinaca dhaqaalaha ee hiisgiga cusub .
Cameey waxa uu sheegay in Puntland aysan ka qeybgali doonin shirka marka ay timaado arrimaha ku saabsan siyaasadda iyo doorashada 2016, ama 4.5, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Puntland aysan marnaba qaadan doonin go’aanada kasoo baxa shirkaas ee ku saabsan arrimaha siyaasadda.
Cameey waxa uu sheegay in shirka lagu bixinayo dhaqaale Soomaaliya loogu talogalay, sidaas darteedna ay Puntland u tagtay inay qeybteeda kasoo qaadato.
IBRAAHIM KALIN:TURKIGU MAR WALBA TAAGEERO AYUU LA GARABTAAGAN YAHAY DADKA SOOMAALIYEED
Afhayeenka MadaxweyneTurkiga, Recep Erdogan oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay ka go'an tahay Dowladda Turkiga inay mar walba Taageerto Dowladda iyo shacabka Somalia.
Ibrahim Kalin ayaa xusay in Turkiga uu Ganacsi Xooggan la leeyahay Waddamada Afrika, kaasoo uu sheegay inuu Xoogeystay wixii ka dambeeyay Sanadkii 1998kii, haddana uu ku socdo dardar xooggan.
"Turkigu wuxuu Somalia ka billaabay bixinta gargaarka bani’aadamnimada sanadkii 2011kii, Waxaanan sii Wadi doonnaa Taageerada aan siinno Soomaaliya,” ayuu Afhayeenku ku sheegay warsaxaafadeedkiisa.
Sidoo kale, Kalin ayaa sheegay in Shirkii ka dhacay Magaalada Istanbuul Maalin ka hor ee looga Hadlay Ganacsiga ka dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo uu Xusay in lagu dhameystirayay iskaashiga dhanka ganacsiga ee labada waddan iyo sidii aanu u xoojin lahayn taageerada aan siinno Soomaaliya.
Afhayeenka, ayaa intaas ku daray in booqashadii uu Madaxweyne Recep Erdogan ku tagay Soomaaliya sanandkii 2011kii oo Somalia ay ka jireen ammaandarro iyo abaaro ay ahayd mid dib u soo celisay rajadii Somalia.
"Tan iyo sanadkii 2011kii, Turkigu wuxuu dadaal Xooggan u galay sidii uu uga kaalmeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed waxyaabaha aasaasiga ah ee xilligaas ay u baahnaayeen, sida dhinacyada Ammaanka, Waxbarashada, dhismaha Waddooyinka, Dekedaha, Garoommada Diyaaradaha, hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda, kalluumeysiga iyo tamarta,” ayuu ku daray Ibrahim Kalin.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. "Marka la barbardhigo Soomaaliya sidii ay ahayd Sannadkii 2011kii iyo Shalay, Waxaa Muuqata in Somalia ay haatan aad uga Wanaagsan tahay xaaladihii adkaa ee ay ku jirtay.”
Dhanka kale, Ibrahim Kalin ayaa xusay barnaamijyada dhakhaatiirta Turkiga ay ka wadaan Somalia, isagoo yiri. "Dhakhaatiirta Turkiga illaa shalay waxay ka wadaan Dalka Somalia bixinta Gargaarro caafimaad, kuwaasoo ay ka faa’iideysteen in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah.”
Afhayeenka madaxewynaha Turkiga ayaa warsaxaafadeedkiisaan ku xusay inuu gargaarka Bani’aadamnimo ee Turkigu siiyo Somalia uu gaaray hadda 500 Milyan oo Doollar, isagoo intaas ku daray in 40% Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin weli kuwo Taageero Aadamnimo u baahan.
Ugu dambeyn, Hadalka Afhayeenka Madaxweyne Erdogan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo QM ay sheegtay in qiyaastsii 857,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool ay haystaan Xilligaan Xaalado dhanka Nolosha ah; kuwaasoo u baahan taageero bani’aadamnimo oo degdeg ah.
SMAIL CHERGUI: Midowga Afrika Door ayuu ku leeyahay Isbedelada Somalia ka jira Xilligaan
Guddoomiyaha Gudiga Amniga iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika, Danjire Smail Chergui oo Warbixin ku Saabsan Kaalinta uu Midowga Afrika ee Somalia iyo Hawlgalka Ciidamada AMISOM ka jeediyay Shirka Dalka Turkiga loogu qabtay Somalia ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo Ciidamada AMISOM ay kaalin weyn ku leeyihiin Qorshayaasha lagu doonayo in Soomaaliya lagu Nabadeeyo.
Danjire Smail Chergui ayaa sheegay Midowga Afrika ay kaalin weyn ku leeyihiin howlaha Somalia, sida siyaasadda, millateriga, dhaqaalaha, amniga, Gargaarka Bani’aadamnimo iyo Weliba Hawlaha kale ee Somalia ka socda sida Doorashada la filayo inay Sannadkan 2016ka dhammaadk iisa ka dhacdo Soomaaliya.
"Markii Ciidamada AMISOM ay Hawlgalkooda ka billaabayeen Somalia Sannadkii 2007dii, markaasoo Xukuumaddii Somalia ay ku ekaayeen Villa Somalia, ayay Ciidamadeennu billaabeen hawlgalladooda ka dhanka ah Alshabaab, kuwaasoo looga saaray deegaano ay gacanta ku hayeen, taasoo caddeyn u ah in ciidamadeenu awood ay u leeyihiin inay isbedel muuqda ka dhaliyaan Soomaaliya,” ayuu Danjiruhu ku yiri hadalkiisa.
Isagoo sii hadlaya ayuu Danjire Smail Chergui yiri. "Xukuumadda Somalia iska daaye inay dalka Maamusho ee xitaa Magaalada Muqdisho ma aysan maamuleyn, mana lahayn awood ciidan iyo mid siyaasadeed oo ay ku gaarto deegaannnada ay shalay ka taliso.”
Sidoo kale, Danjire Chergui ayaa xusay in markii Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay Alshabaab ka saareen deegaano badan oo Koonfurta & Bartamaha Somalia ku yaalla ayna ku jirto Caasimada Muqdisho ay kooxda Alshabaab doorbiday inay Weerarro ka geystaan gudaha dalka Kenya oo daris la ah Soomaaliya.
"Warka wanaagsan ee aan wado waa in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay u fududeeyeen Dowladda Federaalka Somalia inay awooddeeda ku ballaariso inta badan deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Somalia; deegaannadaas oo ay ka dhistay maamulgobol eedyo kuwo kalena ay hadda socdaan, Tallaabadaanna waa guul weyn oo laga gaaray geeddisoc odka Nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, Dadaalka Guulahaas lagu gaarayna waan sii waday naa,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Chergui.
Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika, ayaa wuxuu madaxda Soomaalida uga mahadceliyay heshiiska ay ku gaareen in doorasho ay ka dhacdo Soma lia Sannadkaan lagu jiro ee 2016ka, isago xusay in taageero ay ka geysan doonaan.
"Waxaan ka digayaa in dib loogu laabto halkii laga yimid, waxaadna mar walba qalbiga ku haysaan in guulahan la gaaray dhiig qaali ah oo la bixiyay iyo sidoo kale dadaal fara badan. Waxa anan idinku boorrinayaa inaad si dhaqso ah ku qabtaan Hawlaha idiin dhiman ee aan weli la qaban, si dadaalka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka Somalia ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu Danjire Smail Chergui ku yiri hadalkiisa.
Danjire Cherugi, ayaa wuxuu xubnaha shirka Turkiga ka Qaybgalayay u sheegay in hadda ay u dajiyeen saddex tiir oo Muhiim ah sidii looga hortegi lahaa Weerarada ay Alshabaab xilligan geysanayso; kuwaasoo saldhig u noqon doona Hawlgalka ay Ciidamada AMISOM ka wadaan gud aha Soomaaliya, waxayna tiirarkan kala yihiin:
Kow: Inaanu dibuhabeyn ku sameynno Ciidamadeenna AMISOM; si ay u noqdaan kuwo Awood leh oo qalab Wanaagsan haysta, si ay Waajibkooda ugu Fuliyaan sidii la doonayay, loona xoojin lahaa Awooddooda dhanka sirdoonka.
Laba: In Qaybaha kala duwan oo hawlgalka ciidamada AMISOM ee Somalia ay noqdaan kuwo hawlgalkooda ay natiijo wanaagsan uga soo baxaan, taasoo Macnaheedu noqonayo in dibuhabeyn lagu sameynayo Saldhigyada ay AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya, ayna Qaybaha oo dhan ay xiriir Wadashaqeyneed u yeeshaan iyo in taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee AMISOM la isku bedelo, si hawlgalladu u noqdaan kuwo waxtar leh.
Saddex: Waxaanu si joogto ah ula socon doonaa sida lagu Xoojin karo wadashaqeynta ka dhexeysa ciidamadeena AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Danjire Smail Chergui oo khudbaddiisu ay ahayd mid dheer ayaa ka hadlay Xilliga ay Ciidanka AMISOM ka baxayaan Somalia, isagoo xusay inay taasi ku xiran tahay hadba sida ay Somalia iskufillaasho u gaarto, gaar ahaan in dalku uu yeesho ciidan Awood leh oo Qalabeysan, isla markaana Amaanka Guud ee Soomaaliya Hanan kara; inta taas laga gaarayana ay AMISOM sii wadi doonto inay caawiso dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.
NATIIJOOYINKA KULAMADA XALAY LA CIYAARAY EE QAARADA EE CHAMPIONS LEAGUE
DYNAMO KYIV 13 MANCHESTER CITY
15' 01 Sergio Aguero
40' 02 David Silva
59' Vitaly Buyalsky 12
90' 13 Yaya Toure
PSV EINDHOVEN 00 ATLETICO MADRID
OGEYSIIS
OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU
HEYSO HEY’ADDA UNICEF
INVITATION TO BID (ITB)
LITBS-2016 9123516 17 February,2016
UNITED NATIONS CHILDREN'S FUND (UNICEF)
Wishesto Purchase:
Construction of Classrooms under Educate-a-Child (EAC) Project for {UNICEF-
Somali,South Central,Somalia
[SEALED]offers should be sent to physically submitted at
The UNICEF Office in Mogadishu, South Central,Somalia
LITBS-2016 9123516
Attention:Gerard Magbilty (Supply and Logistics Speciailst CSZ)
Please call Office No. +252 201215181 Ext 893 or Mobile no. +252 615549867 to arrange
security clearance and access to the UNICEF compound.
Or
UNICEF Somalia Support Centre
P.O.BOX 44145.00100.Nairobi.Kenya
LITBS-2016 9123516
Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)
Please coll +254 207628497 to arrange security clearance and access to the UN compound
IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION
the referenceLITBS- 2016 9123516must be shown on the envelope containing the offer.
Bid form and schedule (s)must be used when replying to this invitation.you are welcome to enclose
your own [specifications / terms of references] etc. if necessary.
offers must be received by latest 14:00 pm on 22 March, 2016 and will be publicly opened at 14:30
pm on 22 March, 2016 at both the two addresses indicated above. Bids received after the stipulated
date and time will be invalidated.
It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure thatyouunderstand
UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them. Note that failure to
provide compllant offers may result in invalidation of your bid.
PLEASE PICK UP THE COMPLETESETOF BIDDING DOUMENTS FROM THEOFFICES INDICATED
ABOVE

(GIORGIO FIGUS)
(To be contact for additional invormation, NOT FOR SENDING OFFERS
E-mail:gfigus@unicef.org Telephone: +254 719 192 945
NB: This Invitation to Bid covers the construction of new or rehabilitation of existing schools in Central South, Somalia.
There are a total of twenty (20) locations in this construction bid. These locations have been divided into four (4) separate and distinct LOTS spread across three regions in Central South, Somalia. Each lot contains a number of schools.
Bidders can select and bid on as many of the four LOTS as they have the capacity and resources to manage. Bidders should note that only complete submissions for a single LOTS will be considered. Bids for partial LOTS will be disqualified outright.
LOT 1 - BELET WEYNE
LOT 2 - MARKA
LOT 3 – WARSHEIKH
LOT 4 - JOWHAR


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 25-KA FEBARAAYO 2016-KA
31 QODOB OO LAGA SOO SAARAY SHIRKA LAGU SOO GABA GABEEYAY MAGAALADA ISTANBUL Waxaa gelinkii dambe ee shalay Magaalada Istanbul lagu soo gaba gabeeyay Shirka Madasha 6aad Ee Heerka Sare Ee Somaliya iyo Bahwadaagta Beesha Caalamka, kaasoo Talaadadii