
Zubair Al-Muhaajir oo ku dhowaaqay inuu ka baxay Al-Shabaab, sir badanna kashifay (Dhageyso)
Sida fariinta codka ah laga maqlay Zubair iyo xubnaha sare ee Al-Shabaab wuxuu khilaafkooda soo bilowday sanadkii 2009, wuxuuna leeyahay iskuma aanan raacin qaraxii Hotel Shaamow, wuxuu sheegay inuu hogaanka u hayay guddiga garsoorka oo ay ku jireen Ahmed Godane, Abuu Mansuur Roobow, Fu’aad Khalaf iyo Ibraahim Afghan.
Zubair wuxuu fariintiisa ku xaqiijiyay in Al-Shabaab ay dileen Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan, sidoo kalana ay isaga xabsi 3-sano ah galiyeen. Arrinta kale ee xiisaha leh waxey tahay in sababta dilka ay aheyd sida uu sheegay in looga baqay hogaanka xarakada iney la wareegaan, balse aysan jirin iney xoogag cusub abuuri rabeen sida lagu eedeeyay.
Sarkaalkaan sheegay inuu hadda ka baxay Al-Shabaab ee ajnabiga ah, wuxuu uga digayaa dhalinyarada iney dhiigooda u huraan kooxdaas uu ku sheegay ineysan sida saxda ah u adeegsan diinta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay sidoo kale inuu dhiiga Muslimka agtooda ka yahay wax aad u raqiis ah.
Sidoo kale wuxuu kashifay in sababta ay u diideen ku biirista Daacish ay tahay iney diidanayeen in la maamulo sidii ka dhacday Nigeria, waana sababta ay xukunka iney heystaan u doorbidayaan mar walba.
Zubair wuxuu aaminsan yahay hadda in diyo lagu leeyahay Al-Shabaab maadaama ay qirteen qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye, isagoo waliba ka warqaba sida uu qirtay in mar walba ay yahiin kuwa aan xaalad walba shareecada waafajin.
Intaas waxaa sii dheer inuu Al-Shabaab ku yiri: "Hadii aadnaan isku dhaqeynin diinta, dhalinyarada ha marin-habaabina”
Ugu dambeyntii Zubair wuxuu dareensan yahay in Al-Shabaab ay isku dayi doonaan dilkiisa, sida uu yiri, balse wuxuu fariintiisa codka ah ku sheegay inuusan ka baqeynin geerida, sidoo kalana uu sii wadi doono inuu sheego xaqiiqada inta laga ogaanayo diin la’aantooda, waa siduu hadalka u dhigaye.
Hoos ka dhageyso codka Zubair
Zubair Al-Muhaajir oo ku dhowaaqay inuu ka baxay Al-Shabaab, sir badanna kashifay (Dhageyso)
Mid ka mid ah saraakiisha ajnabiga ah ee Al-Shabaab muddo ka tirsanaa ayaa fariin cod uu soo duubay ku sheegay inuu isaga baxay kooxdaas isla markaana ay yahiin koox baal marsan shareecada islaamka. Shaqsigaan aan la helin wadanka uu u dhashay balse