Khudbo siro laguma dhisi karo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ)

0
Wednesday February 24, 2016 - 17:51:34 in Maqaallo by
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khudbo siro laguma dhisi karo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ)

    Nasiib daro ayaa ku habsatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed, lama jecla iyagana isma jecla, ma jirto isku kalsoonaan dhexdooda ah, kali-kali u noolaansho ayaa caado u ah, Saxafi walba col ayuu la yahay bahdiisa, shalay wey is-haysteen maanta waa kala qeyb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nasiib daro ayaa ku habsatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed, lama jecla iyagana isma jecla, ma jirto isku kalsoonaan dhexdooda ah, kali-kali u noolaansho ayaa caado u ah, Saxafi walba col ayuu la yahay bahdiisa, shalay wey is-haysteen maanta waa kala qeybsan yihiin berina waxaa suura gal aha inay kala sii irdhoobaan.

Teleefishino, Iddaacado, Wergeysyo, Website-yo iyo Ururo ciidaa ka badan ayay leeyihiin, qolo walba waxay isu aragtaa inay ka mudan tahay qeybaha kale, daneysi, munaafaqnimo, is eed-eed, boob, takri fal, xishood daro, cadaalad la’aan, been iyo musuq-maasuq ayay ku caan baxeen Suxufiyiinta qaarkood, hal dheg oo la yiraahdo QABYAALAD ayay wax ku maqlaan.

Khilaaf aad u ba’an ayaa waqtigaan ka dhex aloolsan Warfidiyeenka Soomaaliya, si doqonimo ah waxa la isugu haystaa qaabkii loo dhisi lahaa hogaanka cusub ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), rag is magacaabay balse aan sumcad ku lahayn Saxaafadda gudaheeda ayaa is caleema saaray, ma jirto cid ay sharciyad ka haystaan, qayaano iyo qaab daro ayay ku dhismeen, hal dhinac oo la yiraahdo Saxafiyiinta Koonfurta Muqdisho ayaa af duub ku haysata is magacabayaashaasi.

Waa waali iyo wax lala yaabo in laba (2) wada dhalatay oo walaalo ah iyo qaar ka mid ah qaraabadooda inay isku magacaabaan Gudiga Qaban-qaabada Shir weynaha lagu dooranayo hogaanka cusub ee Nusoj, albaabka ayay kooxdaan hoosta ka soo xeratay, Suxufi kasta oo ay u arkaan inuu waxtar leeyahay wey iska fogeynayaan, ujeedo guracan oo ah inay Qabyaalad wax ku maamulaan ayay dantoodu tahay, bartilmaameedkoodu waa sidii ay XOGHAYAHA GUUD EE NUSOJ ay uga dhigi lahaayeen nin ka soojeeda deegaanada GALMUDUG.

Inta badan xubnaha ku jira kooxdaan sharaf kuma dhex laha Saxaafadda, caburin, tacadi, awood sheegasho iyo inay madaxa uga istaagaan Saxafiyiinta u shaqeysa ayaa lagu bartay, tallooyin fara badan oo loo soo jeediyay dhagaha ayay ka fureysteen, aflagaado iyo inay ku hadlaan af qabiil ayay xal moodeen, wey handadayaan Suxufigii u soo jeeda dhaliil, ifka waxay ugu neceb yihiin inuu ka soo ag dhawaado cid matalaysa Saxafiyiinta Bariga Magaalada Muqdisho oo horey loogu yaqiinay Waqooyiga Muqdisho.

Dhawr cisho ka hor waxaa Saxafiyiinta lagu seexiyay in la qaban doono gudi doorasho balse balantaasi haatan waa laga baxay, is maqiiqayaashii shalay is magacaabay ayaa maanta xusul duub ugu jira sidii ay ugu xuub siiban lahaayeen Gudiga Doorashooyinka Nusoj, waa leys dhagrayaa daacadnimo ma taalo, kheyr iyo wax xalaal ah dan lagama laha, Suxufiyiin badan ayaa aaminsan in kooxdaan aan looga fadhiyin inay wax hagajiyaan hase yeeshee ay BANSIIN ku sii shubayaan colaadii dhex tiilay labbada dhinac ee Nusoj.

Ma dhaceyso arin lala ordayo inay dhasho wax loo aayo, cadaalad daro waxii lagu dhiso ma guuleystaan isla markaana bur-bur ayaa u dambeeya, Toban (10) nusoj ayaa dhalan doonta haddii sida wax lagu wado ay ku sii socdaan, ma qurux badna in la isku dayo sidii KHUDBO SIRO, luuq-luuq iyo meel MUGDI ah loogu dhisi lahaa urur-weynaha Nusoj oo ay leeyihiin Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

In laga joogo ayaa quman waxii aan la isku waafaqsaneyn, suuqa madow Urur waa lagu dhisi karaa, madax waa la iska magacaban karaa balse cidii wadi lahayd ayaa la iska rabaa, AF WAA KAN MEY LA KU AAMEE, caqligu ha shaqeeyo midnimo wax ha lagu doono haddii kale cawaqib xumadii arimahaan ka timaada waxaa dusha u ridanaya cidii ku dhaqaaqda wax aan la isku raacsaneyn.

Waxaa qorey Shiiqaaloow Xasan


E-mail:-shiiqaaloow114@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip