SIYAASIYOOW ISKA FIIRI LUUQYADA! (BY: Prof. Yaxye)

0
Tuesday February 23, 2016 - 11:59:06 in Maqaallo by
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASIYOOW ISKA FIIRI LUUQYADA! (BY: Prof. Yaxye)

    Ma ogi in siyaasiyiinteenu ay ka war hayaan iyo in kale, laakin haddii aad masuul ummadeed tahay waa in aad la socotaa taariikhda iyo luuq kasta oo lagaa soo gali karo. Dhul ayaa naga maqan midna waa nalagu sheeganaa, waa waajib in aan ku dadaalnaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma ogi in siyaasiyiinteenu ay ka war hayaan iyo in kale, laakin haddii aad masuul ummadeed tahay waa in aad la socotaa taariikhda iyo luuq kasta oo lagaa soo gali karo. Dhul ayaa naga maqan midna waa nalagu sheeganaa, waa waajib in aan ku dadaalnaa shanta laakin labaddii ayaa la isku heeystaa.caaqiladii hore ee somaalida ayaa dhihi jiray waxaa iska fiiri ,waxa ka sokeeyana iska fiiri. Bal fiiri taariikhdaan xaqiiqda ah iyo sida ay u dhacday.

+ Illaa sanadkii 1925, Jubaland,waxa ay ka mid aheed mustacmaradii ingriiska ee Kenya( it was part of British Kenya). laakin heshiis sir ahaa oo ingrisku la gaaray talyaaniga intii uu socday dagaalkii 1aad ee aduunka looguna abaalmariyay markii ay ka soo horjeesatay jarmalka ,ayuu ku wareejiyay dhul baaxadiisu aheed 94,050 sq.Km oo noqotay mustacmiradii talyaaniga ee juba land,heshiiskaa oo dhaqan galay 1924. Ogow xattaa markii jarmalku gumeeysanayay east Africa, kismayo waxaa loo aqoonsanaa qeeyb ka mid ah mustacmaradii jarmalka ee barriga Afrika. Kenya iyadoo taariikhdaa isticmaarka maskaxda ku heeyso ayeey kismayo joogtaa.maxaa u diidaa in ay ku dacwooto.

mapsom

+ Itobiya hore waxa ay u sheegatay Baydhabo in ay tahay qayb ka mid ah. Dood ka socotay maxkamad caalami ah iyo guddigii caalamku u xilsaaray dacwadaa oo go’aankii la soo daahay ayaa sabab u noqotay in gobalkii jubada sare( Baay iyo Bakool), ay xuriyada la qaataan gobalada kale. Ethiopea waxa eey ku dacwootay in magaalada Baydhabo eey tahay qeeyb ka mid ah ethiopea sidaa darteedna eeyna 1da luulyo 1960 xor noqon Karin.sidda ku cad heshiiskii eey talyaaniga la gashay. Laakin talyaaniga ayaa ku dooday in mesha heshiiska ku qoran ee xadka ahi eey tahay MAIDABA oo ku taal xadka ee aaneey aheen BAYDABA.

Laba sanno xuriyada ka hor Sannadkii 1958 khilaafkii Talyaaniga iyo Xabashida u dhexeeyey ayaa gaaray heer sare (xilligii daakhiliyadda Soomaaliya) ayaa Qaramada Midoobay (U.N) waxa ay u saartay guddi 3 ruux ka kooban, si ay arrintaas xal ugu helaan. Hase ahaatee, markii is-maandhaaf ka yimid habkii guddigaasi baaritaanka u samaynaysay, ayaa U.N. waxa ay boqorkii Norway ka codsatay inuu magcaabo ruux caalamka magac ku leh (caan ah) si uu guddigii hore loo magcaabay la taliye ugu noqdo. Wuxuuna magcaabay Mr. Trygve Lie, oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hore u ahaan jirey, waxaana laga codsaday inuu soo jeediyo qodobo (terms) labada dhinac (Talyaaniga iyo xabashida) isku raaci karaan.

Sanadkii 1959kii waxyaabihii Mr. Trygve Lie soo jeediyeyna waxa ay Talyaaniga iyo Xabashidu isku raaceen in ay dib uga wada hadlaan. Ethiopia oo weli dacwadii u taagantahy ayaan xoroownay soow suura gal ma ahan hadda oo aan laciifnahay baydhabana gacantooda ku jirto in eey faylashii la soo baxaan, oo dacwadii galkeedu furnaa la sii wado Kenyana Kismayo oo ingriisku damacsanaa in uu ku wareejiyo laakin xornimadeedu dib u dhacday illa 1963 ay ku lumisay laakin maanta eey heysato kismayo. tixraaca oo buuxa waxaad ka helee: ((International Boundary Study .No.153 January 1978 –Ethiopia-Somali Boundary –country code ET-so))))).

+OROMO ,qoomiyada oromo ayaa ku doodee in Hargeesa ay lahaan jireen Magaca Hargeesana uu yahay luuqadooda.

Wixii la rabo hala sheegee shantiyaa noo madal ah….

Waxaa Diyaariyay Prof. Yaxye Sh. Caamir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip