Heshiiskan ayaa sidoo kale dhigaya in koox ka kooban labada dhinac ay kormeeri doonaan dhaqangalka heshiiska.
Ruushka iyo Maraykanka ayaa dhinacyo iska soo horjeeda taageera dalka Siiriya iyadoo dowlada Moscow ay si xoog leh u taageerto dowlada uu madaxda ka yahay Bashar al-Assad halka dowlada Maraykankana ay taageerto xooggaga ka soo horjeeda.
Madaxweyne Assad ayaa sabtidii sheegay inuu diyaar u yahay xabadjoojin,balse waxa uu ka digey wax uu ugu yeeray argagaxisada inay ka faa’ideystaan.
Tan uu dagaalka Siiriya bilowday bishii Marso 2011 waxaa ku dhintay dad ka badan 250,000. Sidoo kale dagaalkan ayaa sababay in dad ka badan toban malyan ay guryahoodii ka qaxaan, Afar malyan oo kamid ahna wadamada dibada u cararay gaar ahaan dalalka Yurub.



0 



Maraykanka iyo Ruushka oo ku dhowaaqay heshiis xabad joojin ah dagaalada Siiriya
Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku dhowaaqay heshiis xabad joojin ah oo laga dhaqangelinayo dalka Siiriya 27ka bishan Febraayo.Hase yeeshee heshiiskan ayaan quseyn ururka IS iyo Jabhada xiriirka la leh al-Qacida Nusra Shalay ayaa 140 ruux waxa ay ku dhin