
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 23-KA FEBARAAYO 2016 -KA
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaara daha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada dowlada.
Berrito ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaranka kaasoo ay ka qeyb gali doonaan madaxda ugu sareysa ee dalka, madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka.
Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada qaar ayaa ka sii ambabaxay Magaalada Muqdisho oo u safray dalka Turkiga si ay shirkaasi kaga qaybgalaan.
Dhinaca kale, waxaaa dalka Turkia ka socda shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb gali doona ganacsato Soom aali iyo Turki isugu jirta iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u furi doona Reysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdira shiid Cali Sharma’arke iyo dhigiisa dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu.
GUDDOOMIYE KUXIGEENKA GOBOLKA BANAADIR OO MUQDISHO KA FURAY KULAN WACYI GELIN AH
Kulan loogu magac daray Isu keenista iyo Fududeynta wadahadalada Bulshada 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa shalay magaalada Muqdisho ka furay Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka arimaha Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxa med Axmed Diiriye.
Mashruucaan oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa ugu horeyn waxaa nasiib u yeeshay in loo qabto marti sharaf ka kala socotay 10 Degmo oo gobolka Banaadir ah, waxaana fulinta Barnaamijk an iska kaashanaya Ururka Kaah, Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Mashruucaan oo ah mid looga gol leeyahay in lagu wacyi galiyo Bulshada gobolka Banaadir, waxaana ururka fulinaya uu sheegay inay sii wadayaan howsha ay u hayaan bulshada.
Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyay Ururka Kaah sida uu isu xilq aamay wax u qabadka bulshada, waxaana uu tilmaamay in barnaamijkan uu yahay mid bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir lagu wacyi gelinayo.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in 7 degmo loo qabto mashruucan loogu magac daray Isu keenista iyo fududeynta Wada hadalada bulshada 17ka degmo ee Gobolka Banaadir.
CIIDANKA ITOOBIYA OO LAGU WEERARAY GOBOLKA SHABELLAHA HOOSE IYO GAARI LAGA GUBAY
Ciidanka Militariga Itoobiya oo qayb ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa wa xaa duhurnimadii shalay lagu weeraray Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana hal ga ari looga gubay weerarkaasi.
Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Itoobiya, ayaa lagu weeraray afaafka hore ee Deegaanka Lee go, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Wuxuu weerarku ku bilow day qarax wadada dhinaca lagu aasay, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah.
Ciidanka Itoobiya, ayaa iska horimaad kulul kala kulmay Xoogaga Ururka Al Shabaab, inkas too muddo ka dib ay u suurtagashay inay dib u riixaan, halkaasina ay ka jiitaan gaarigii laga gubay.
Goobjooge, ayaa wuxuu sheegay in qaraxa ku bilowday weerarkaasi uu haleelay mid ka mid ah kolonyadii Ciidanka Itoobiya, islamarkaana ay arkayeen qiiq xoog leh oo cirka isu shareeray.
Goobjoogahan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigin, ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Itoo biya aanay wax dhibaato ihi u gaysan bulshada halkaasi ku dhaqan, ka dib weerarka ay kala kulm een Xoogaga Shabaab.
Ciidanka Itoobiya ee shalay la weeraray, ayaa ahaa kuwii la wareegay fariisimihii Ciidanka Bur undi ay ku lahaayeen Leego, wixii ka dambeeyay weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee Shaba abku 26kii bishii June ku qaadeen Ciidankii Burundi ee deganaa Leego.
Weerarkan wuxuu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo lagu qaado Ciidanka Itoobiya, tan iyo markii ay soo saldhigteen Deegaanka Leego.
UGANDA: BESIGYE OO SHALAY LA XIRAY MARKII UU KU GOODIYAY INUU QABANAYO MUDAAHARAAADYO
Hoggaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Uganda Kizze Besigye ayaa shalay la xiray, kaddib mar kii uu ku goodiyay inuu dhigayo Mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhan ah guusha uu Madaxweyne Museveni doorashadii Toddobaadkii hore ka dhacay Waddanka Uganda.
Besigye ayay ciidamadu ku qaateen gaari ciidan, kaddib markii uu isku dayay inuu ka baxo Gurigiisa oo Xabsi ahaan loogu hayay, iyadoo Xabsiga loo Dhaadhiciyay, sida ay sheegeen ehell adiisa aadka ugu dhow.
"Kizze BESIGYE waxaa loo taxaabay mid ka mid ah xabsiyada millaterigu ay ku leeyihiin ma gaalada Kampala,” ayay Winnie Byanyima oo ah xaaska Besigye ay Warfidiyeenka ugu sheegtay Kampala, kaddib markii Kizze Besigye ay Ciidanka Amnigu ka wateen Gurigiisa.
Madaxweyne Yoweri K. Museveni ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku Guuleystay markiisii Sha naad Doorashada Madaxnimo ee ka dhacay Uganda, Waxaana guushan ay noqonaysaa mid kusoo beegmaysa isagoo Waddankaas Xukumayya muddo 30sannadood ah.
Sidoo kale, hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka Uganda, isla markaana ah ninka uu Xifaaltanka adag kala dhexeeyo Museveni, ayaa sheegay in la xaday Codadka doorashada, halka kormeerayaasha caalamka ka socda ay ku sheegeen in doorashadii ugu dambeysay ee Uganda ka dhacday ay hareeyeeen Cabsi iyo Argagax.
Dhanka kale, Yoweri Kaguta Museveni oo u Waramayay BBCda, ayaa wuxuu hadalkii ka soo baxay Kizze Besigye ee ah in codadkii Doorashada la Musuqmaasuqay ku Tilmaamay inay yihiin kuwo Dacaayad ah, isagoo ku eedeeyay Besigye inuu doonayo inuu Colaado ka abuuro Dalka.
Museveni oo sidoo kale ka Jawaabayay eedeymaha Kormeerayaasha Beesha Calaamka ee ah in Doorashadu aysan ahayn mid ku dhacday si xor ah oo ku dhisan dimuqraadiyad ayaa Wuxuu yiri. "Sidii ay Doorashadii Uganda u dhacday waxay ahayd mid Hufan, Waxaadna ka arki kartaa in qof walba oo reer Uganda ay si xor ah codkooda u dhiibteen.”
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Dalka Uganda, ayaa Galabnimadii Jimcihii Shaaciyay Natii jadii Doorashadii Madaxnimo ee dalka Uganda; iyagoo sheegay in Yoweri Museveni uu ku guul eystay, kaddib markii uu helay in ka badan 50% Codadkii Doorashada, halka uu Kizze Besigye oo ay xifaaltamaan uu ka helay 35%, taasoo uu si adag u diiday Besigye.
Ugu dambeyn, Kizze Besigye ayaa waxaa todobaadkii hore la xiray muddo saddex jeer ah, iya doo Xariggiisaan ugu dambeeya ay Noqonayso kii Afaraad oo la xiro Muddo ku Siman laba Toddo baad, iyadoo Markaan looTaxaabay xabsi, halka markii hore lagu hayay guriga uu ka daggan yah ay Kampala.
GUDOOMIYAHA BAARLAMANKA SOOMALIYA OO GAARAY MAGAALADA QAAHIRA EE DALKA MASAR
Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaliya Maxamed shiikh cusman Jawaari ayaa galinki dambe ee shalay gaaray Magaalada Qaahir ee dalka Masar oo dhawaan uu ka furmi doono Shirka Baarlamaanada Jaamacadda Carabta.
Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta kula Hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka ay kusoo ban dhigi doonaan xaaladaha siyaasadeed ee soomaliya ka jira.
Dhanka kale Shirka waxaa kasoo galaya Gudoomiyaasha Baarlamanada ku jira ururka Jaam acada carabta waxaa inta badan loogu hadlayaa xaaladaha siyaasadeed ee ka jira wadamada ka Tirsan ururka Jaamacada carabra.
AHLU SUNNA OO BEENISAY IN AXMED C/SALAAN IYO WAFDI UU HOGAAMINAAYO LOO DIIDAY INAY TAGAAN DEEGANADA AHLU SUNNA
Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa been abuur ku tilmaamay in Deeganada ay ka taliyaan ay u diideen inay tagaan Wafdi uu hogaaminaayo Siyaasiga Axmed Xaaji C/salaan oo ka soo jeeda Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefow, ayaa she egay wararka ku aadan in Wafdigaasi loo diiday Deeganada Ahlu Sunna inay tahay arin aanan wax ba ka jirin oo been abuur ah.
Xeefoow,waxaa uu sheegay in aysan jirin Diyaarad wadday Axmed C/Salaan oo ay Ahlu Sun na ka celisay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb,waxaana uu intaa ku daray in wararkaasi ay yihiin kuwo ay qoreen dad neceb Ahlu Sunna sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe in sidoo kale aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Garoomada Guriceel iyo Dhuu samareeb oo Ahlu Sunna ay ka taliyaan.
Warar soo baxay daraad oo Warbaahinta ay baahisay ayaa lagu sheegay Wafdi uu hogaami naayo Axmed Xaaji C/salaan in loo diiday inay ka degaan Garoomada Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Siyaasiga Axmed Xaaji C/salaan oo ka soo jeeda Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayaa saameyn ku leh Siyaasada Gobolada Dhexe isaga oo u tartamay Xilkii Madaxtinimada Maamulka Galmudug.
Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, ayaa Khilaaf xoogan ka dhex taagan, iyadoo labadan Maamul ay ku kala sugan yihiin Degmooyin ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY DHACDADII GAROONKA JOMO KENYATTA {WARSAXAAFADEED}
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayrobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajah naa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF).
Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan golaha Wasi irada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlama anka Jamhuuriyadda.
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.
Dowladda Federaalka Sooomaaliya, waxa ay ka sugeysaa hogaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur daar rasmi ah iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi he erkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada.
Gabagabadii, dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaan.
MAXKAMADA SARE EE DALKA OO KA HADASHAY QILAAFKA KA DHAXEEYA URURKA ISKAASHATOOYINKA SOOMAALIYEED.
Maxkamada sare ee dalka ayaa shalay ka hadashay isqab qabsiga ka taagaan hoggaanka ur urka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.
Maxkamada sare ee dalka xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran ka dib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qab qabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Uru rka iskaashatooyinka Soomaaliyeed,
Kaaliyaha Maxkamda sare ee dalka Mahdi Xuseen Maxamuud ayaa ugu horeyn aqriyay go’a anka ay maxkamdda soo saartay iyo sharciyada loo cuskaday.
Maxkamadda waxa xukuntay in ururkii jiray xiligii dowldda dhexe ee UDHIS uu la bur buray dowladdii dhexe ee dalka.
In wixii hanti uu ka tegay ururka ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
In aan hadda jirin ururkaasi ama Urur Iskaashato oo heer Qaran oo dadka oo dhan ka dhexeeya, la amana ku leh degmooyinka iyo gobollada dalka.
In wixii urur ah ee ka jira Xamar uu yahay mid Xamar un ku kooban, ama gaar gaarka ah, sida kan gaadiidka, dhuxusha, beelayda
Iskaashato dal ama waxay noqon kartaa marka degmooyinka iyo gobollada dalka ay ka sameys taan urur iskaashato, isla markaana sameysta xeerar ay isku maamulayaan.
Labadan urur ee dacwadan isaga soo horjeeda, midkoodna ma buuxin sharuudihii ay uu ku noqon lahaa urur Iskaashato Qaran oo ay ku midoobeen iskaashatooyinka ka jira dalka.
Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka xanaf ayaa tilmaamay in hadii loo baahdo in la sameeyo Ururka iskaashatooyinka Qaranka loo baahan yahay in la sameeyo sharci lagu dhisayo Ururka, sidaas darteed dalka aysan ka jirin ururka iskaa shatooyinka Soomaaliyeed.
Mudooyinkii waxaa jirey muran u dhaxeeyay labo garab oo kala sheeganayay hogaanka uru rka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.
MAAMULKA JUBBALAND OO ODAYAAL KU XIR XIRAY MAGAALADA KISMAAYO
Maamulka Jubaland ayaa xabsiga dhigey laba oday dhaqameed, kuwaas oo kala ah Suldaan Maxmuud Geele iyo Caaqil Cabdulahi Saciid Bille, iyadoo Odayashaan lagu eedeeyay inay yihiin Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen Maamulka Jubaland.
Odoyaashaan ayaa xarigooda wuxuu imaanaya ka dib markii ay qoraal ka soo saareen Wasi irka Arrimaha Gudaha Gen. Maxamed Darwiish oo ay sheegeen inuu kalsoonidii beesha si kha ldan u isticmaalayo, xarig iyo handaadaadna ku hayo isla beesha kalsoonida siisay.
Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Odayaashii lagu Xiray Magaalada Kismaayo laga soo masaafuriyay Magaalada Kismaayo oo Muqdisho la keenay, waxaana Beesha Odayaashaasi ay ka soo jeedaan ay sheegeen in amarkaasi uu bixiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Dhanka kale Beelaha ay ka soo jeedan odayaashaan la xirey ayaa ku eeedeeyey maamulka Jubaland inuu wado cabburin iyo keli telisnimo, lala beegsadey beelaha qaar.
QARAX XOOGAN OO CIIDAMADA AMISOM LAGULA EEGTAY DEGAANKA LEEGO EE GOBOLKA SH.HOOSE
Wararka ka imaanaya Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Kolonyo ga adiid ee nuuca Dagaalka oo ay wateen Ciidamada Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM in Qarax khasaaro geystay lagula eegtay Duleedka Degaanka Leego xili ay ku sii jiideen fariisin ay ku leeyihiin Degaankaasi.
Qaraxan oo ahaa sida la sheegay Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa yimid ka dib markii Kolonyadii ay wateen Ciidamada AMISOM ay dulmartay Miinadaasi, waxaana la sheegay in uu ku burburay mid ka mid ah Gaadiidkooda Dagaalka.
Mid ka mid ah Dadka ku nool Degaanka Leego oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shee gay in Qarax ka dib ay maqleen rasaas xooggan oo u dhaxeeysay Ciidamada AMISOM iyo Kooxo hubeysan loo maleenayo in ay ka mid yihiin Xarakada Al Shabaab.
Inta badan Weerar gaadmo ah iyo Qaraxa ayaa Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose waxaa lagula eegtaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.
REYLA ODINGA "KENYA AYAA MASUUL KA AHAYD ASKAR LOOGA DILAY GEDO”
Dowladda dalka Kenya ayaa lagu dhaliilay wixii ka dambeeyay weerakii Alshabaab ay ku qaa deen saldhiga ciidamada dowladda Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cade ay ku lahaayeen gobolka Gedo 15kii bisha janaayo ee sanadkan.
Hogaamiyaha xisbiga CORD Reyla Odinga ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in aysan qala been fiican siinin ciidamada Kenya kaga sugan Soomaali.
Isaga oo tusaale u soo qaatay weerarkii dhimashada badan sababay ee bartamihii bisha Jan aayo ka dhacay deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo.
Wuxuu sheegay ciidamada kenya ee dalka Soomaaliya kaga sugan in aysan ahayn kuwa sidii larabay u hubeysan marka la eego weerarada ay kala kulmeen ururka Alshabaab sida uu hadalka u dhigay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay u soo galeen gudaha dalka Sooma aliya.
Waa muhiim ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay qalabeyso Ciidankeena ku sugan dalka Soo maaliya.
Waxa aan heleynaa warbixino dheeraad ah oo aan ka heleyno ciidanka Kenya taa oo ah in ag ab yari ay heysato ciidankeena ku sugan gudaha Soomaaliya ayuu yiri Reyla Odinga hogaamiyaha xisbiga CORD ee dalkaasi Kenya.
Isaga oo ka hadlayay goob lagu aasayay mid ka mid ah askartii ku dhimatay weerarkii deeg aanka Ceel Cade ee gobolka Gedo ayuu hadalkaasi jeediyay.
Saraakiil iyo siyaasiyiin badan oo Kenyan ayaa dowladda Kenya ayaa waxa ay ku dhaliileen howlgalka ciidamadooda dalka Soomaaliya iyadoo marar badan Alshabaab gudaha Kenya ay wee rar ka geysteen.
AlShabaab ayaa waxa ay dagaal adag kula jiraan Kenya, waxaana weerarada ugu badan Ke nya ay ka geysteen ay tahay weerarkii ka dhacay dhismaha suuqa Wesgate Mole ee dalka Kenya iyo sidoo kale weerarkii Jaamacada gaarisa oo ay ku dhinteen in ka badan 148 ruux.
BOGGA CAYAARAHA
SAMI KHEDIRA OO HANJABAAD HAWADA USII MARIYEY BAYERN MUNICH: "YAA YIRI WAA LA OGYAHAY KOOXDA SOO BAXAYSA, WAX WALBA ANAGA AYAA SOO AFJARI DOONAA”
Wiilka khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Juventus ee Sami Khedira ayaa meesha ka saaray in sadaal laga bixin karo kulanka wareega 16aad Championka ee Talaadada dhex mari doono koo xaha Juventus iyo Bayern Munich, isagoona hanajabaad culus hawada usii mariyey kooxda ka dhis an dalkiisa hooyo.
Laacibka heerka caalami ee xulka Jarmalka ee Sami Khedira ayaa sheegay in wax walba iya ga dhinaca kale u rogi doonaan, sidoo kalena uu doonayo inay hadalada raqiis ah ee dadka aamins an yhiin inay ciida ka hoos mariyaan
Isagoo u jawaabaya dadkaas Khedira ayaa laga hayaa "Dadka qaar waxay leeyihiin Bayern ay aa ah Kooxda loo sadaalinayo inay wareega 8aad u gudubto, balse Juventus marwalbo diyaar ayay u tahay in kulan sidaan u adag oo kale bandhig wacan ka sameeyaan”
Isagoo Hadal hanjabaad dhinac socdo hawada ku gamaya ayuu sii raaciyey "Aniga ahaan waxaan dhihi lahaa ma jirto koox si gaar ah loogu sadaalin karo inay soo bixi doonto kulanka Juve iyo Bayern dhex mari doono, wax walba halkaan ayaa ku go’aamin doonaa”
WAA KUMA WEERARYAHANKA MSN KU JIRA EE UU ARSEN WENGER KA QABO HALISTA UGU BADAN KULANKA EMIRATES?.
Hogaamiyaha kooxda Arsenal ninka lugu magacaabo Arsen Wenger ayaa ka daafacyadiisa uga digay halista ay leeyihiin MSN, waxaa uu daafacyadda kooxdiisa siyey dardaaran ku aadan sidii ay u joojin lahaayeen qatarta iyo halista Suarez.
Kooxaha Barcelona iyo sidoo kale Arsenal ayaa habeen danbe wadda ciyaari doonaa kulan ku tirsan Champions Leaguega wareegiisa 16ka.
Kooxda Macalin Wenger ayaa diyaar u ah wajihida xiddigaha dunida kubada cagta iminka ugu awooda badan ee kala ah Messi, Neymar iyo Suarez oo MSN marka magacyadooda la soo gaabiyo la isku yiraahdo.
"Suarez waa dilaa wayn oo cajiib ah, waxaan ka daraadnayaa inaan soo qaadan 2014, marka as oo aan aad ugu dhowaanay saxiixiisa, lama qarin karo halista MSN, laakiin waa isaga ninka Qat arta ugu wayn naga soo wajahayso” ayuu yiri Wenger.
Haddaba marka Halista MSN laga hadlayo xili ciyaareedkan waxaa ugu halis badan Suarez oo xili ciyaareedkan ah dhaliyaha 25gool oo uu ka dhaliyey horyaalka dalkaasi Spain.
MIYAY MAN UNITED XILI HOREBA IIBSATAY FILIPE ADERSON?:
Madax Waynaha Kooxda Lazio Ee Claudio Lotito Oo Cadeeyay In Felipe Anderson Uu €60 Milyan Ku Iibiyay Sidoo Kalena Uu Xili Ciyaareedka Danbe Ka Ciyaari Doono Old Traffrod
Madax waynaha kooxda horyaalka Talyaaniga Lazio ee Claudio Lotito ayaa shaaca ka qa aday in xidiga kooxdiisa ee Felipe Anderson uu haddaba iibiyay isla markaana uu ku biiri doono kooxda Manchester United isaga oo waliba ugu biiri doona lacag dhan €60 milyan oo gini una dhi ganta 47 milyan gini. Man United ayaa bishii January si wayn loola xidhiidhinayay xidiga ree Brazil ee Anderson laakiin sida hadda muuqata waxay meel dhigtay saxiixa xidiga ree Brazil.
Agaasmaha ciyaaraha kooxda Lazio ee Igli Tare ayaa todobaadkii hore qirtay in ay ahayd in kooxdiisu ay bishii January ay Man United ka iibiso Anderson si ay faa’iido uga samayso laakiin ha dda madax waynaha kooxda Lazio ee Lotito ayaa shaaciyay in Man United ay xidigan kula wareegi doonto lacag qaali ah.Felipe Anderson
Kooxda Lazio ayaa sanadkii 2013 kii Felipe Anderson kala soo wareegto kooxda ree Brazil ee Santos iyada oo ka soo bixisay 8 milyan oo euros oo kaliya, laakiin sida uu madax waynaha koox dani sheegay waxaa 22 jirkan xagaaga laga iibin doonaa kooxda Man United. Sida ay wararku she egeen madax waynaha Lazio ee Lotito ayaa wariyaal ka tirsan jariiradaha maxaliga ah ee La Citta di Salerno iyo Metropolis u sheegay: "Anigu waxaan Filipe Aderson ku soo iibsaday €8 milyan oo euros (£6 milyan gini), waxaanan haddaba ku iibiyay €60 milyan euros(£47 milyan gini). Xili ciyaa reedka danbe waxa uu u ciyaari doonaa Manchester United”.Felipe Anderson1
Filipe Aderson ayaan xili ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkii fiicnaa ee xili ciyaareedkii ho re markaas oo uu dhaliyay 10 gool iyo waliba 7 gool caawineed halka uu xili ciyaareedkan 24 kulan ka dhaliyay ama ka caawiyay 8 gool, laakiin sida ka muuqata hadalka madax waynaha Lazio he shiiska Filipe Aderson ee Man United ayaa ah mid dhamaystiran.
OGEYSIISYO MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA SHARDO

OGEYSIIS
KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:
SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 20 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradahashaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada,iyo mashaariic kala duwan.
Ururuka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan:-
1.Tailoring and tie and dye ( harqaan iyo naqshadeenta dharka)
2.Electric installation ( Koronta xirid)
SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:
Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)
Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2 da xirfadood waxaa laga rabaa
·Waa in uu yahay Somali
·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir
·Waan in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood
·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhamey sashada xirfada uu soo codsaday
·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo
·Waan in uusan wax dambi ah ka galin bulshada
·Waa in uu layimadaa qof damiin ah
·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto
·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta
·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir
FIIRO GAAR AH:
ØBarashada harqaanka iyo naqshadeenta dharka waxaa kaliya soo codsan karaa DUMARKA oo kaliya
ØBarashada xirfada korontada waxaa soo codsan karaa Ragga oo keliya
Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyoSHAHAADO.
Qofkii daneynaayo fursadahaaswaa in uu layimaado 4 xabo oo sawir ah.
SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHANYAHAY:
MACALINKA XIRFADAHA AYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAAA:
·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay (SHAHAADO)
·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay macalinimada muddo aan ka yareen 2 sano
·Waa in uu la yimaadoCV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah
Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xarunta SHARDO ay ku taalo Degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.
Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 17 ilaa 25 February 2016. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.
Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran
061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993
ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:
HAY'ADDA SHARDO WAXAA KA BANAAN FURSADO SHAQO KALA AH:
1.Project Manager (Madaxa Mashruuca)
2.Project Accountant ( Xisaabiyaha Mashruuca)
3.Project Mentor ( La taliyaha ardayda)
SKILL TRAINING
(a.)Electric Installation Trainer (Macalin Koronto)
(b.)Tailoring Trainer (Macalin Harqaan)
(c.)Tie & dye Trainer (Naqshadeynta Dharka)
SHURUUDAHA SHAQAALAHA LOOGA BAAHANYAHAY:
CodsadahaShaqada aynu soo sheegnay waxaa laga doonayaaa:
·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay (SHAHAADO)
·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay shaqada uu soo codsaday muddo aan ka yareen 3 sano
·Waa in uu la yimaadoCV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah
OGEYSIISYO MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA UNICEF
INVITATION TO BID (ITB)
LITBS-2016 9123516 17 February,2016
UNITED NATIONS CHILDREN'S FUND (UNICEF)
Wishes to Purchase:
Construction of Classrooms under Educate-a-Child (eac) Project for {UNICEF-
Somali,South Central,Somalia
[SEALED] offers should be sent to physically submitted at
The UNICEF Office in Mogadishu, South Central,Somalia
LITBS-2016 9123516
Attention:Gerard Magbilty (Supply and Logistics Speciailst CSZ)
Please call Office No. +252 201215181 Ext 893 or Mobile no. +252 615549867 to arrange
security clearance and access to the UNICEF compound.
Or
UNICEF Somalia Support Centre
P.O.BOX 44145.00100.Nairobi.Kenya
LITBS-2016 9123516
Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)
Please coll +254 207628497 to arrange security clearance and access to the UN compound
IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION
the referenceLITBS- 2016 9123516 must be shown on the envelope containing the offer.
Bid form and schedule (s) must be used when replying to this invitation. you are welcome to enclose
your own [specifications / terms of references] etc. if necessary.
offers must be received by latest 14:00 pm on 22 March, 2016 and will be publicly opened at 14:30
pm on 22 March, 2016 at both the two addresses indicated above Bids received after the stipulated
date and time will be invalidated.
It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure that you understand
UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them. Note that failure to
provide compllant offers may result in invalidation of your bid.
PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOUMENTS FROM THE OFFICES INDICATED
ABOVE

(GIORGIO FIGUS)
(To be contact for additional invormation, NOT FOR SENDING OFFERS
E-mail:gfigus@unicef.org Telephone +254 719 192 945
NB: This Invitation to Bid covers the construction of new or rehabilitation of existing schools in Central South, Somalia.
There are a total of twenty (20) locations in this construction bid. These locations have been divided into four (4) separate and distinct LOTS spread across three regions in Central South, Somalia. Each lot contains a number of schools.
Bidders can select and bid on as many of the four LOTS as they have the capacity and resources to manage. Bidders should note that only complete submissions for a single LOTS will be considered. Bids for partial LOTS will be disqualified outright.
LOT 1 - BELET WEYNE
LOT 2 - MARKA
LOT 3 – WARSHEIKH
LOT 4 - JOWHAR


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 23-KA FEBARAAYO 2016 -KA
MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO U AMBABAXAY DALKA TURKIGA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay u ambabaxay dalka Turkiga halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir ku saabsan arrimaha So