Qowmiyadda Jat oo ku xoogan Gobolkaasi Haryana oo iyadu bannaanbaxyadu wado, ayaa waxay ka cabaneysaa xuquuq ay sheegtay inay ka maqan tahay, illaa iyo inta xuquuqdoodu laga siinaayana ay sii wadi doonaan bannaanbaxyada.
Boqolaal booyado ah, ayaa saacadihii ugu dambeeyay la arkaayay iyagoo biyo gaynaaya Magaalada New Delhi, si xaaladda adag ee ka jirta ay wa xooggaa kaga tarto.
Dowladdu waxay ku baaqday in dadku ay si taxadar leh biyaha u isticmaalaan, ayna u adeegsadaan waxyaabaha daruuriga ah, illaa iyo inta wax laga qabanaayo xaaladda biyo la’aanta ah ee ka jirta Caasimadda.
Xukuumadda New Delhi waxay Axadii ku dhawaaqday in Isniinta aan la aadi karin goobaha waxbarashada, iyadoo ka duuleysa si aanay dadku biyo badan u isticmaalin.



0 











Biyo la'aan baahsan oo maalintii 2-aad ka jirta Caasimadda India (SAWIRRO)
Biyo la'aan baahsan, ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto Magaalada New Dalhi Ee Xarunta Wadanka India, waxaana suurtagal ah in toddobaadkanba ay Magaaladaasi ku jirto xaaladan adag.