Mr Besigye ayaa ku gacan seyray natiijada doorashada, waxaa uu ku sifeeyay doorashadii dhacday mid lagu shubtay.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay Kizza Besigye inuu abaabulayo qalalaase, waxaana uu xusay inay hayaan cadeymo, ayna Maxkamadda ku soo bandhigaan.
Waxaa uu sheegay in Mr Besigye uuwado qaldan wax ku raadinayo, waxaana uu xusay in hadii uu dood qabo ay aheyd inuu tago Maxkamadaha sida uu yiri.
Kizza Besigye ayaa goor dhow dib loogu soo celiyay Gurigiisa, waxaana xaalada guud ee magaalada Kampala ay tahaymid degan, hase ahaatee laga baqayo rabshado inay dhacaan.
Ciidamo fara badan ayaa ku sugan wadooyinka, kuwaasoo sugaya ammaanka, waxaana ganacsiga magaalada uu yahay mid hakad ku jira, goobaha qaarna dadka si feejigan goobahooda ganacsi ugu sugan yihiin.



0 


Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda Kizza Besigye oo mar kale la xiray
Hogaamiyaha ugu weyn ee Mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa maanta mar kale la xiray, markii ciidamada booliska ay ku qabteen banaanka gurigiisa, xilli uu doonayay inuu abaabulo dibad bax ka dhan ah Madaxweyne Yoweri Musevenioo mar kale ku guuleysta