I soo raac raac (Qiso cajiib ah)

2
Monday February 22, 2016 - 11:35:52 in Maqaallo by
  • Visits: 5681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    I soo raac raac (Qiso cajiib ah)

    Qiso cajiib ah ayaa maanta waxa ay ka dhexdhacday gaari BL ah ee aan kasoo raacay isgoyska No 4, dadweyne aad u fara badan ayaana saarnaa waxaa qof waliba u socoday danahiisa gaarka ah. Ninwalbana waxa uu ku dagayay meesha uu rabay marka uusoo gaaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiso cajiib ah ayaa maanta waxa ay ka dhexdhacday gaari BL ah ee aan kasoo raacay isgoyska No 4, dadweyne aad u fara badan ayaana saarnaa waxaa qof waliba u socoday danahiisa gaarka ah. Ninwalbana waxa uu ku dagayay meesha uu rabay marka uusoo gaaro.

Dad fara badan ayaa deg degay aniga & dhowr qofood ayaan ku harnay, gaariga waxa uu usocday Xamar Weyne, waxaa jiray Number ku dhegan gaariga oo loogu talla galay in lacagta kaashka cidii aan wadan in ay ku shubto, sida caadiga ah lacagta gaariga waa 3,00 Sh/Somali ilaa 5.00 Shillin. Lacagta laga xawilo mobile-ka waxaa u yar 0.5$ oo ah 11.000 Shillin Somali.

Waayahan danbe waxa ay noqotay mid iska caadi ah oo ay dadweynaha utuuraan gaariga inta badan Kirishboyga waxaa ku adkaata lacagta in ay dib u celiyaan oo ay dadweynaha ku dhibaan soocelinta baaqa taasoo muran & qeylo dhalisa, waayo waxaa jirta qof inuu lacagta tuuro hadana uu meel dhow oo qiimo ahaan dhan 2.000 shilin Somali ku dego balse kirishbooyga lacag badan ka reebtaa sidaana muran ku yimaadaa.

Hadaba Arinta cajaaibka ee aan saakay la kulmay ayaa waxa ay ahayd mid aad iga yaabisay aniga & asxaab badan taasoo ka dhalatay qof isaga tuuray lacag $5 ah isagoo ku qalday $0.5 uu tuuri lahaa, mashaqada dhacday waxa ay ahayd markii uu ogaaday inuu tuuray lacagtaasi tirada badan ee gaarayasa 112,000 Sh/Somali.


Waxaa dhacday in Darawlkii lacagta loo tuuray marka uu ku wargeliyay ninkii lacagta tuuray ee qaladka ka dhacay in uu yiri aniga ma hayo Mobile-ka ee iga tus kaaga, waana uu tusay waa sax oo waxaa dhacay qalad.

Darawlkii waxa uu yiri aniga lacagtaas masoo cellin karo Mobileka waxaa haysto ninka gaariga leh ninkii ayaa la wacay waa uu qaban waayay, waa la isku cakiran yahay ninkii lacagta tuuray waxa uu soo gaaray meeshii uu ku degi lahaa waxa uu u xayiran yahay kaliya lacagta, dhanka kale waxaa jira dad iyagana buuqaya oo leh war gaariga naga wad, mana dhaqaajin karo darawalka arintan ayaa taagan.

Wixii madaxa la isugu jiraba darwalki waxa uu yiri isoo raac raac maalinkasto ilaa lacagta kaaga dhamaanayso, ninki lacagta tuuray arinkaasi waa u cuntami waayay illeyn lacag ayaa ka maqan, wixii la is jiid jiidaba waxaa dhacday in Kirisboyga lacag yar u hayay oo aan dhamayn lacagta ninka uu tuuray in uu isugu duwo, sidaana ninkii oo aan qanacsanayn ku tagay dadweynihiina sidii ku habsaameen.

Arintan ayaa inta badan ka dhacday Magalda Muqdisho iyadoo waayahan si aad ah loo isticmaalo lacagaha laga tuuro mobileka.

XIGASHO:-DHACDO.COM

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip