AMISOM ayaa sheegtay in markiiba ay sameysay Guddi Baaritaan oo booqday goobta, isla markaana ay wareysteen darawalka iyo qaar ka mid ah goobjoogayaal ka ag dhowaa goobta wax ka dhaceen, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in baaritaanada horudhaca ay muujinayaan in rasaas meel kale ka timid ku dhacday, iyadoo aan la soo sheegin xerada gudaheeda ee uu shirka ka dhacay aanay wax rasaas ah ka soo dhicin

"AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyn doontaa dowladda Federaalka, ciidamada amniga Soomaaliya iyo hayadaha kale si ay si buuxda baaritaan ugu sameeyaan dhacdada. Natiijooyinka waxa lala wadaagi doonaa dadweynaha”ayuu lagu yiri War saxaafadeedka.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inuu baaritaan ku sameynayo dilkaas, isla markaana u saaray Guddi saraakiil ah.