Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Loo Diiday Inay Ka Dhoofaan Garoonka Aadan Cadde

0
Sunday November 10, 2019 - 10:10:16 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Loo Diiday Inay Ka Dhoofaan Garoonka Aadan Cadde

    War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif loo diiday inay ka dhoofan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyneyaashii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif loo diiday inay ka dhoofan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran oo Maanta kusii jeeday Magaalada Baladweyne ayaa loo diiday ka ambabaxaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Warar la helayo ayaa sheegaya in maamulka Garoonka lagu amray in aysan garoonka ka dhoofin Karin Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka, isla markaana la xanibay diyaaradii ay u raaci lahaayeen Baladweyne. Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in Madaxweyneyaashii hore ee dalka laga joojiyo safarkii ay ku aadi lahaayeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Dalsan oo ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif haatan ay ku sugan yihiin gudaha Garoonka. Dhinaca kale waxaa Goordhow Garoonk Aadan Cadde ka ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo kusii jeeda Magaalada Baladweyne. Xigasho: DALSAN


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip