Xarigii fanniinta kooxda xiddigaha loogu geystay magaalada Hargeysa oo la cambaareeyay

0
Monday September 28, 2015 - 11:22:16 in Wararka by
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarigii fanniinta kooxda xiddigaha loogu geystay magaalada Hargeysa oo la cambaareeyay

    Fannaaniinta kooxda Xiddigaha Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyay xariga shalay magaalada Hargeysa loogu geystay afar fannaan oo ka tirsan kooxda xiddigaha geeska Afrika, kuwaasi oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fannaaniinta kooxda Xiddigaha Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyay xariga shalay magaalada Hargeysa loogu geystay afar fannaan oo ka tirsan kooxda xiddigaha geeska Afrika, kuwaasi oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Fannaanka Dayax Dalnuurshe oo ka tirsan kooxda xiddigaha Muqdisho iyo Abshir Axmed Cumar oo isna ka mid ah dhallinyaradii Muqdisho ku soo dhoweysay fannaaniinta kooxda xiddigaha geeska ayaa cambaareeyay falkii xarigga ahaa ee lagula kacay fannaaniintaasi.

dalnuurshe

"Fannaanka wuxuu xaq u leeyahay inuu tegi karo meel kasta oo adduunyada ka mid ah ayna ku sugan yihiin taageerayaashiisa” ayuu yiri Fannaanka Dayax Dalnurshe oo sheegay inuu isaguba casuumad ka helay magaalada Hargeysa, isla markaana uu dhowaan tegayo halkaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhallinyaradani waxay ugu baaqeen inay si shuruud la’aan ah ku sii deyso fannaaniintaasi oo ay sheegeen inaysan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.

Dhinaca kale cambaareynta loo jeediyay maamulka Somaliland ee ku saabsan xariga fannaaniintaasi ayaa soo badaneysay, iyadoona qeybo ka tirsan bulshada Soomaaliya iyo Somaliland ay dalbadeen in xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

Fannaaniinta shalay lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa waxaa ka mid ahaa: Nimcaan Hilaac, Xamdi Queen, Maxamed Bakaal Cirro iyo C/raxmaan Oday kuwaasi oo iyagu maalmihii ciida bandhig faneed ka dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip