HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 6-TA OCTOBER 2019-KA

0
Saturday October 05, 2019 - 09:04:27 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 6-TA OCTOBER 2019-KA

    Wasiirkii hore Warfaafinta oo talo u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daa hir Maxamuud Geelle ayaa tallo u soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilli maalmihii ugu dam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore Warfaafinta oo talo u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daa hir Maxamuud Geelle ayaa tallo u soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilli maalmihii ugu dambe eyay xiisad Siyaasadeed ay dalka ka taagneyd. Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu dhaxal wan aagsan oo taariikhda u gala inuu dalka uga ta go. Waxaa uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ku hareereysan Madaxweynaha, kuwaasoo raba in doorasho aan la mahdin doonin ay dalka ka dha cdo."Madaxweyne waxaa ku haray maalinkii dhax alkaga aad reebi laheyd, waxaa ka haray doo rashooyin qurux badan, dadkii oo isu doontid, waxaa taarikhda ku geli doonta inta maamul gobol ee siyaasi ee ka adkaatay ku geli meysid inta iyagoo ku diidan oo soo maslaxday dalka ku soo dartay ayaa ku geli doonta, inta shey aad u dulqaadatay ayaa ku geli doonta, inta duulaan ee gudaha aad qaaday ku geli meysid"ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda

    Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dac wadda badda ee horyaala max kamadda caalamiga ah ee ICJ. iyadoo xarunta maxkamadda ay ku suganyihiin masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay R/wasaare ku xigeenka dalka.

Md.Mahdi Maxamed Guuleed oo warb aah inta la hadlay ayaa sheegay in marnaba ays an aqbali dowladda Soomaaliya in dib loo dhigo Kiiska Maxkamadda.

      Waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diid mada ah, islamarkaana Kenya ay dhankee da soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Guddoomiye Cumar Filish” Xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafadda”

      Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) oo khudbad ka je edinayay munaasabad la gu soo dhaweeyay taliye kuxigeenka Cusub ee Boo liska Soomaaliyeed Cism aan Cabdullaahi Kaniif ayaa ka hadlay hab ka madaxda Dowladda u maraan xilalka ay magacaabayaan.

    Waxaa uu sheegay in Madaxda DFS ay xilalka u salaxeen ciyaalka Xaafa da,haye eshee uu rajeynayo in doorkooda qaadaan doonaan raja weyna uu ka qabo inay la yim aadaan isbedel ka duwan madaxdii ka hor eeysay.

    "Runtii xilalka Dowladda waxaa loo sala xay Ciyaalka Xaafada,balse waxaan rajeyna yaan inay doorkooda qaadan doonaan kana duwanan dooonaan kuwii ka horeeyay, Cismaan Cabdullaahi,Xijaar , Janeraal Bash iir Maxamed Jaamac iyo Wasiirka Amniga waxaan isla nahay Ciyaalka Xaafada ayuu yiri”Guddoomiye Cumar Filish.

    Hadalka G/Gbanaadir Md. Cumar Filnsh) ayaa kusoo aadaya xilli Madaxda DFS ay xil alkii ugu badnaa u Magacaabeen dad Dhalin yaro ah,kuwaas oo aan khibrad badan u la heyn xilalkaas.

Wasiir Cawad oo faahfaahin ka bixiyay ah miyadda xarunta Safaaradda Soomaaliya ku yeelatay dalka Maraykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda XF, Danjire; Axmed Ciise Cawad , ayaa ka faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareyk anka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay.

    Axmed ciise Cawad ayaa aad u bogaadi yay Guriga Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowlad du ka iibiyeen bartamaha Magaalada Was hington D.C, waxa uu  sheegay in wixii haa tan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.Wasiirka arrimaha dibedda Soo maaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warram ayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya ee       kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa ee ay dhowaan gola ha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washi ngton.

     Dhinaca kale, wasiir Cawad ayaa muhii mad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqd isho muddo dheer ka dib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimo deenna, iyadoo uu xiriirka Labada Dalna non on doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.

Maxkamadda ICJ oo u yeertay Soomaal iya iyo Kenya

      Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa waxaa ay u yeertay dalalka Soom aaliya iyo Kenya oo muran dhinaca Badda ah uu ka dhaxeeyo,isla markaana dacwad la xiriirta kiiskaas ay taa llo Maxkamadda.

    U yeeritaanka labada dhinac ayaa ka dam baysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay codsiga asi cusub ee ka yimid Kenya ay gaashaanka ku dhufatay, ayna ku adkaysatay in dhagay sigu uu bilowdo bisha Noofembar ee soo so cota 4-teeda sidii ay hore maxkamaddu u muddaysay.

    Waa markii 2aad ee Kenya ay codsato in dib loo dhigo dhagaysiga. 2da dawladood ay aa la sheegay inay isku mari waayeen dib u dhigis mar 2aad lagu sameeyo dhagaysiga dacwadda, taasi oo keentay inay maxkamad du u sheegto labada dawladood inay iyadu gaari doonto go’aan, ayna ka doonayso laba da dawladood inay aqbalaan.

    Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed waxaa Magaalada The Hague ee xarunta maxkamadda ICJ gaadhay wufuud ka kala socota labada waddan oo ay kala hoggaa minayaan R/Wasaare ku xigeenka Soomaali ya Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Sharci-yaq aanka guud ee Kenya Kennedy Oge to.Wufuudda labada dhinac ayaa muddo ko oban ku gaaray The Hague kadib markii ay maxkamaddu u yeertay, waxaana wakiillada Soomaaliya ay ka kala yimaadeen magaal ada Muqdishu iyo dalka Maraykanka.

    Madaxweynayaasha 2da waddan ayaa bi shii hore ku kulmay magaalada New York in tii uu socday kulanka Golaha Guud ee QM iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadl aan, halka madaxweyne Maxamed Cabdull aahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan ya hay in maxkamadda ICJ ay go’aan garsoor ka gaarto muranka badda.

     Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

Axmed Madoobe oo sheegay in hubka Dowladda loo geeyo Al-Shabaab

    Madaxweynaha dib loogu doortay Maa maulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Isla am ayaa sheegay in Amniga dalka Soomaa liya xilligaan uu marayo meel aan wanaagsa neyn,isla markaana DFS ay ka gaabisay dag aalka lagula jiray Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dagaa lkii lala geli lahaa Al-Shabaab lagu bedelay in Ciidamada la kala furfuro iyo in hubka  Dowladda ay leedahay loo geeyo Ururka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

 "Waxyaabaha qaar ee dhacaya ma ahan wax sax ah In lala dagaalamo Al-Shabaab  waxaa lagu bedelay in Ciidamada la kala fur furo iyo in hubkii dowladda shabaab loo ge eyo,waxaad ogtihiin in maalmihii la soo dha afay ay dhaceen qaraxyo iyo dagaalo ayuu yiri”Axmed Madoobe.

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam ayaa tan iyo markii uu soo bilaawday khilaafka kala dhaxeeya dow ladda Federaalka waxaa uu Eedeymo kala duwan uu u jeedinayay Madaxda dowladda federaalka.Xigasho:Hiiraan.com

Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Kenya

       Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay 38 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, markii ay Habeen Hore saqdii dhexe isku dhaceen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah oo ma rayay inta u dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo Magaalada Kericho ee Dalka Kenya.

      2dii Darawal ee Baska iyo Gaariga xa muulka ah ayaa ka mid ahaa Dadkii ku dhi ntay shilkan, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska isma amulka Kisumu, Benson Maweu.

      Dhaawacyada ayaa la dhigay Cuspitaal lada Ismaamulka Kisumu , iyadoo qaarkoo dna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaah inta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee Dalka Kenya

Dib u dhis iyo Qalabayn lagu sam eynayo ciidamada Booliska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabaynba lagu sameynayo Ciidanka.

 Taliyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo haatan lagu aas-aasayo Dalka Algeria una direen Saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran. Taliye Xajaar ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police), Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

S/Gaas; Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Waddamada Gobolka.


Duqa Muqdisho Oo Amar Culus Dul Dhig ay Shirkado Iyo Dad Shacab Ah

     Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duwa Magaalada Muqdi sho Cumar Maxa muud Ma xamed Cumar Finish ay aa kormeer ku tegag goobo si sharci darro ah loogu shubo qashi nka laga qaado xaafadaha magaalada Muqdisho.

     Guddoomiyaha ayaa kormeer uu ku te gay goobo qashinka lagu shubo oo ku dhow deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdis ho,isaga oo sheegay in ay cabasho uga ti mid shacabka degan halkaas iyo dad ganac sata  ah oo wada qorshe xaafad casri ah lo oga dhisayo deegaankaas.

      Isaga oo la hadlayay shirkadaha u xilsa aran in ay qashinka ka aruuriyaan xaafada ha magaalada ayuu tilmaamay in aysan jirin cid dhigi karta halkaas qashin iyada oo laga fakarayo caafimaad qabka dadka iyo bilicda deegaanka.

     Dhinaca kalana waxaa iyana uu kor meer kale uu ku tegay deegaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho waxaa na uu digniin culus u dirag dadka Xeebta ku daadiya qashinka.

Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur'' Kenya wa xey xaq u leedahay in ay Wadankeeda, Baddeeda iyo Maalkeeda difaacdo

     Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur Toorrey oo ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ah ku jira Baarlamaanka Kenya ayaa  sheegtay in Kenya xaq u leedahay dalabkee da ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

'  'Kenya waxey xaq u leedahay inay wadankeeda, Baddeeda iyo Maalkeeda difa acato, Soomaaliya xaq ayeey u leedahay in dooddeeda horgeyso Maxkamadda ayeey tiri Safiye Cabdi Toorreey oo la hadashay VOA

Dowladda Kenya ayeey sheegtay in ay ab aal u gashay shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed aysan ku habooneyn Dowladda Soomaaliya in ay aqbali weydo codsiga Ke nya ee ah in 12 bilood oo kaliya dib loogu dhigo dhageysiga Dacwadda.

   ''Haddii aan dhahnay sanad hanala sugo ma waxbaan haley-nay, Annaga oo waliba 30 sano soo sidnay Shacabka Soomaaliye ed ayeey hadalkeeda sii raacisay xildhibaan Safiya oo dhinaca kale meesha ka saartay in Kenya ay u socto in ay qaadato dhul ay Soo maaliya leedahay.

     Xildhibaan Safiya ayaa intaa ku dartay in aysan waxba u arag go'aanka Kenya ee ah in meel ka baxsan Maxkamada lagu dhame eyo Kiiskan, waxaana ay waxba kama jiraa ku tilmaamtay warar sheegaya in Kenya doo neyso in ay Soomaaliya ku cadaadiso ciida mada ka jooga ee nabad-ilaalinta.

''Wada-hadal aan ku dhameysano marka ay leedahay Kenya koley xal ayeey  raadine ysaa, laakiin ma jiro warka ku saabsan in Kenya rabto in ay Soomaaliya Badda uga badalato ciidamada Nabad-ilaalinta ee ka jooga gudaha Soomaaliya, meel ay ka dha cday-na malaha ciidan ayaan kuu soo direy ee Baddaada isii'' ayeey hadalkeeda sii raa cisay.

      Ugu danbeyntii ayeey sheegtay in dowl adda Kenya ku taagan tahay in ay u dooddo xaqeeda Soomaaliya-na laga doonayo oo kaliya in ay qaadato mar walba go'aanka u gu danbeeya oo ay gaarto Maxkamada.

Dowlad deegaanka Soomaalida oo markii ugu horeysay yeelanaya Ciidan Kumaandoos ah

     Waxaa markii u horeysay Degaanka So omaalidu yeelanayaa Ciidan gaar ah oo loo tababarayo Kamaandoos, kuwaas oo ka hawlgalaya magaalada Jigjiga iyo hadba me eshii ay dhibaatooyin gaar ahi ka jirto.

     Haddaba Ciidankan ayaa hadda taba barkoodu waxa uu kasocdaa Xerada Tabab arada Ciidanka ee Garab case, waxayna qayb ka yihiin Ciidanka cusub ee Booliska gaarka kuwaas oo tababar uga socodo isla xeradan Garab case.

      Ciidankan Kamaandoosta ah ee Degaan ku yeelan doono oo tiradoodu gaarayso 250 ayaa markay tababarka dhammaystaan wax ay ka hawlgali doonaan kolba meeshii looga    baahdo oo u badnaan doonta magaalada.

Booliska gaarka ah iyo guud ahaan Ciida mada amniga ee degaanka ayaa waayad an dambe aad loo tayeeyay iyadoo tabab aro garaadkooda iyo aqoontooda kor u qaa daya lasiiyay, sidoo kalena lagu soo kordhi yay hadda qaybtan gaarka ah ee Kamaando osta oo la filayo markuu tababarkani dhawa an usoo dhammaado in ay wax badan ka ba dalayaan amniga magaalada Jigjiga.

Shacabka Garowe oo ka cabanaya Barakicin

    Maamul goboleedka Puntland ayaa si khasab ah uga raraya dadka ku jira dhismay aasha dawladda ee magaalada Garowe.

Dawladda hoose ee Garowe ayaa hawsha fulinta amarkan oo lagu bannaynayo ilaa 50 xarumood oo dawladdu leedahay ka damb aysa.Waxay sheegtay in horay loogu digay, balse qaar ka mid ah dadkii dagganaa hak aasi ayaa cabasho ka muujiyay tillaabad an."Waan doooneynaa in magaalada la qurixyo, balse waxay ahayd in naloo sheega oon digniin nala siiya, Khasaara ayaa na ga aray hadda markii meheradaheenii la burbu riyay, Waxaan haysanaa waraqad ruqso ah in aan meeshan ku shaqeysan karna”, ayay tiri Sahra Axmed.

    Duqa Magaalada Garowe ayaa sheegay inuu sii socon doono howlgalka lagu baney naayo dhulka dowladda si ay u isticmaalaan Hay’addaha maamulka.

Ciidamada Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Dhaawac Ah Oo Ka Tirsan Alshabaab

     Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanno ka tirs an gobolka Hiiraan kuwaas oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Alshabaab.

      Howlgalkaan oo uu hoga aminayay taliy aha gutada 22-aad qeybta 27-aad ee milata riga Soomaaliya  ko rnel baakay Dal jir  ayaa lagu qaaday deegaa no ka tirsan gobolka Hii raan gaar ahaana Buula-burde iyo Shaw, iyaga oo ay saraakiishu sheegeen in ay ku qabsadeen deegaano hor leh.

     Dhianaca kalana taliska qeybta 27-aad ayaa sheegay intii uu socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshaba ab in ay gacanta ku dhigeen sarkaal dhaaw ac ah oo ka tirsan Alshabaab in kasta oo aysan shaacin magaciisa iyo halka lagu dhaawacay.

      Ugu dambeyntii saraakiisha milatariga ayaa dalsan u sheegay in howlgalku uu sii socon doono inta Alshabaab laga saarayo gobolada dalka gaar ahaanna deegaanada gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Sooma aliya

      Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shir Kula Qaatay Maga alada Muqdisho Ergay ga Gaarka ah ee Xog hayaha Guud ee Qara mada Midoobay u Qaab ilsan Soomaaliya, Amba ssador James Swan.

    Kulankaan Waxaa Looga Hadlay Dadarga linta iyo Ka Faaideysiga Mashaariicyada Hor umarineed ee UNka Gaar’ahaan Maashaari icda Dib-u-heshiisiinta, Dhismaha Golayaa sha Degaanada iyo Hirgalinta Mashaariicda Saameynta Degg-Daga (Quick impact pro jects) ee Loo Same ynayo Magaalooyinka Dib Looga Xureeyay Al-Shabaab, Kala Sha qeyn DG HirShabeelle Horumarinta Deegaan ada iyo Xoojinta Dowla dnimada Deegaana da iyo Degmooyinka  HirShabeelle

      Waxaa Kale oo Kulankan Looga Hadlay Sidii hey’adaha UNICEF iyo Heya’da Bee rha iyo Waraabka Qaramad Midoobay FOA ay u Dardargalin lahaayeen Mashaari icda Biyaha Gaar ahaan Helista Biyo Nadiif ah iyo Ka Ho rtaga Fatahaadaha ka Dhaca Magaalo oyinka Jowhar iyo Baladweyne.



DAAHIR RIYAALE KAAHIN OO KULAN LA QAATAY MADAX DHAQAMEEDKA GOBOLKA AWDAL


    Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulan iskugu keenay madax dhaqameedka gobolka Awdal si uu u xaliyo khilaafyadii beelaha ee doorashadii madaxtooyadu keentay.

Tan iyo intii doorashadii madaxtooyada Som aliland ka dhacday Somaliland waxay bulsh ada kaga tagtay tafaraaruq iyo inay bulsha ddu kala qaybsanto, si arrintaasi xal loogu helleo ayuu haldoorkii bulshada iyo madax dhaqameedkii gobolka Awdal uu iskugu keenay.

      "madax dhaqameedkii galbeedka Somaliland ayuu isku kaayo ye edhay, waxaana ku galnay shir balaadhan oo midnimada Somaliland ah, dardaaran iyo waayeelnimo ayuu halkan isku kaayo yeedhay, in xanaftii doorashadda iyo hadaladii hawada la isku marinayey ayaanu iskaga garownay buu ahaa kulankani”ayuu yidhi Suldaan Dhowal oo ujeedadda shirka ka hadlayey.

"waxa laga wada hadlayey mar hadii doorashadii laga baxay dhiba atadii ay keentay ee qabyaalad ahayd aynu ka baxno oo aynu ka mid awno kuwa soo socda si wanaagsan ha loo gallo, waxaana lagu wa da shaqaynayaa walaaltinimo iyo midnimada Somaliland, si loogu dhaqaaqo horumarka gobolada galbeedka”ayuu yidhi Suldaan Samat ar.Intaas ka dibna waxa ka hadlay madaxweynihii hore ee Somal iland Daahir Rayaale waxaanay sheegay in ujeedadda uu u qabtay shirkan ay tahay ka dib markii uu arkay hadaladii aan wanaagsanayn ee hawada la isku marin jirey in la soo afjaro oo midnimadii bulshada dib loo soo celiyo.

 "Kulankani wuxuu ahaa shir lagaga hadlayey in qardoofooyinkii ka dhacay doorashadda ka midowdaan oo dantiina u noqotaan si u wanaagsan dalka iyo umadaba aad u maamushaan, oo qabyaalad loo kala raacin xisbiyada ee qof waliba ninka uu doonayo uu doorto oo aad u midowdaan danta Somaliland iyo ta gobolkaba”ayuu yidhi madaxweyne Rayaale oo dardaar siinayey madaxdhaqameedka iyo odayaasha gobolada galbeedka Somaliland.


XILDHIBAANADA UGU CAANSAN SOOMAALIDA KENYA OO LAGU HAYO BAARITAAN HALIS AH


      Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maa suqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda wayn doonaan.

Mudanayaashan ayaa waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sh. Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxam ed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale.

     Hay’ada ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo cad deeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan.Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, islamarkaana aysan dhalasho ka haysan dal kale.Hoggaa miyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Barre Ducaale ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay isaga iyo xildhibaanno kale oo qaarkood ay Soomaali yihiin.

Ducaale wuxuu sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay "kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.

Hadalkan Ducaale wuxuu imaanayaa ka dib markii Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Kenya ee EACC, uu billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo khilaafsan Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.

Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo dadkaas, haddii dembiga lagu helo.

 


 

 


GABADH DERBI JIIF AHAYD OO MUDO KOOBAN CAAN KU NOQOTAY


     Sarkaal ka tirsan booliska Magaalada Los Angeles ee dalka Ma reykanka ayaa mar uu marayay wado ku taala Magaaladaas waxaa uu kula kulmay gabadh derbi jiif ah oo heeseysa, waxaana uu go'a ansaday in uu muqaal kaga duubo taleefonkiisa, balse taas waxay badashay noolasha gabadha.

       Askarigii ayaa markii uu duubay muuqaalka gabadha iyadoo he eseysa, waxaa uu soo dhigay barta ay booliska ku lee yihiin Twitter-ka, wa xaan saacado guda hood daawat ay malaayin qof oo ka helay codka gaba dha, iyagoona ka damqaday xaala dda ay ku noosha hay gabadha.

     Emily Zamourka ayaa muuqaalka laga duubay iyadoo ku heesey sa heestii Puccini's ee ay qaaday fanaanada caanka ah ee O Mio Babbino Caro.      Codka hallaasiga ah ee 52 jirkan ee ay heesteeda qaaday gabadha aya soo jiitay quluubta dad badan, oo qaar badan oo ka mid ah ayaa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas, iyagoo aad ula dhac san codka gabadha ay ku luuqeneyso.

Mid kamid ah ayaa waxaa uu yiri "codkeeda waa cajiib, waxaan u rajeynayaan noolal fiican, wuu na mahadsan yahay sarkaalkii boolis ka ahaa ee aqoonsaday codka hallaasiga ah ee gabadhan, baraha bulshadana dadka kula wadaagay!"

     Hasayeeshee qaar kamid ah isla dadkaas isticmala Twitter-ka ay aa su'aal geliyay in Zamourka ay tahay derbi jiif oo aan heysnin hoy, waxaana mid kamid ah uu yiri "Boorsada ay wadato, dharka ay xiran tahay iyo sida timaheeda ay nadiif u yihiin marka la eego, waxay u muuqataa qof soo dhar iibsaday oo iska laafiyoonaya"

Shaqada la siiyay

      Dadka qaar ayaa sheegay inay horay u arkeen gabadhan, iy adoo derbiyada jiifta,waxaana mid kamid ah uu yiri "Horay ayaa u ar kay gabadhan oo waxaan dhowr jeer ku arkay iyadoo baaskiil ku kaxeneyso tareenka iyo iyadoo wadada ku quudineysa shimbiro, waligeyna kuma fikirin inay leedahay codkaas hallaasiga".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip