WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 18-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Thursday February 18, 2016 - 10:09:55 in Wararka by
  • Visits: 25206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 18-KA FEBARAAYO 2016-KA

    WASIIRADDA WAXBARASHADA DFS OO KA QAYBGASHAY XIRITAANKA TARTANKII JEEM EE QATAR Wasiiradda Waxbarashada Somaliya, Khadra Bashiir Cali ayaa Magaalada Doxa ee Xarunta Dal ka Qatar ugu qaybgashay Xaflad lagu soo xiray Tartanka Cayaartoyda da'da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIRADDA WAXBARASHADA DFS OO KA QAYBGASHAY XIRITAANKA TARTANKII JEEM EE QATAR Wasiiradda Waxbarashada Somaliya, Khadra Bashiir Cali ayaa Magaalada Doxa ee Xarunta Dal ka Qatar ugu qaybgashay Xaflad lagu soo xiray Tartanka Cayaartoyda da'da yar ee waddamada Car abta oo ka socday Maalmahaan xarunta dalka Qatar ee Dooxa.

Hadal ay munaasabadda xirtaanka ka jeediyay wasiirad Khadro ayaa waxay ku amshalayy ciy aartoyda da’da yar ee magaca Somalia ku tartamayay guulihii ay soo hoyeen intii uu tartanku socday, sidoo kalena waxay amshalayy Jaaliyadda Soomaaliya ee ku nool Dooxa oo taageerayay ciyaartoyda intii tartanku socday.

Cayaartoyda Soomaaliyeed ee da’da yar oo ka Socday Iskuulka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Muq disho ayay da’doodu ahayd 11sano jirro, Waxayna ciyaareen saddex kulan, kuwaasoo kooxihii ay la ciyaareen barbarro la galay.

Dalalka ay la ciyaareen ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed ayaa waxay kala ahaayeen, Ca yaartoyda da’yar ee Saudi Arabia, kuwa Isutagga Imaaraadka Carabta iyo weliba kuwo matalayay dal ka cayaarahan martigeliyay ee Qatar.

Kooxihii ay la ciyaareen xulka da’yarta Soomaaliyeed, ayaa waxay lab aka mid ah oo kala ah aa; Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta ay la galeen barbarro min hal gool ahaa, halka Xulka Qatar oo ciyaar adag ay dhexmartay ay ku kala baxeen barbarro 33 gool ah.

Inkastoo cayaartoyda da’da yar ee Somalia ay ka hareen Tartanka Jeem Cup, ayaa haddana waxay lasoo noqonayaan guuldarro la’aan, taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen bulshada Sooma aliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool.

Dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar oo uu horkacayay Qunsulka Sa faarada Somalia ee Qatar, Mukhtaar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in cayaartoyda Soomaaliye ed ee da’da yar ay dib Somalia ugu noqonayaan iyagoo Mustaqbal leh.

Ugu dambeyn, Cayaartoyada da’yarta ee Matalayay Somalia waxaa guddoonsiiyay Abaalm arin, Ugaas Ahmed Daahir iyo Dr. Cariif, iyagoo ku Ammaanay Cayaartoyda Cayaarihii Aadka u Wana agsanaa ay Muujiyeen intii ay tartanka ka Qaybqaadanayeen.

AQOON ISWEYDAARSI MUQDISHO UGA FURMAY KALUUMEYSATO IYO SHAQAALAHA WASAARADDA KALUUMEYSIGA

Aqoon kororsigan oo socon doona mudo laba maalin ah ayaa waxaa iska kaashaday wasaarad da kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya iyo hay’adda FAO ee dhinaca cunada iyo beera ha u qaabilsan Qaramada Midoobay. Micnaha eraygan FAD ayaa ah barnaamij loogu talo galay in la gu uruuriyo kaluunka noocyadiisa kala duwan aqoonisweydaarsiga lagu baran doono, waana shey la dhigo bada loona isticmaalo si ay u soo jiitaan kaluunka badda socda noocyadiisa kala duwan sida toonaha waxaana uu ka koobanyahay qalabkan booyado biyaha dushooda sabeynaya si uu kaluunka uga dhigto hoy ama gabaad waxaana qalabkan gabaad ka dhigta inka badan sedax boqol oo noocya da kaluunka ah.Furitaanka aqoon isweydaarsigan ku saabsan fahamsiinta isticmaalka qalabka ga baadka kaluunka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka kasluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuu madda federaalka Soomaaliya ,wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, ,agaasimaha guud ee wasaarada kaluuumeysiga , wasiirka kaluumeysiga ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyo culimaa’udiin.

Aqoon isweydaarsigaasi ayaa waxaa loo qabtay kaluumeysatada Magaaladda Muqdisho iyo shaqaalaha wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya , waxaana mud ada uu socdo ka qeyb galayaasha lagu fahamsiin doonnaa isticmaalka qalabkan casriga ee la doon ayo in kaluumeysatada Soomaaliyeed ay ku howlgalaan.

Xasan Maxamed Rooble oo ah guddoomiyaha iskaashatooyinka Soomaaliyeed iyo Xaaji Maki Aweys oo ka mid ah culimaa’udiinkii ka qeyb galay ayaa sheegay in hadii qalabkan sida saxda ah loo gu faa’ideysto uu qeyb ka qaadan doono kobaca dhaqaalaha dalka

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mud ane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in kaluumeysatada soomaaliyeed uu qalabkan wax badan oo dhinaca kaluumeysiga ah uu ka saacidi doono.

MAAMULKA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE OO SHACABKA KA CODSADAY INAY LA SHAQEEYAAN CIIDAMADA

maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ugu baaqay shacabka gobolka ku dhaqan inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada AlShabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amniga howlgallo ay ka sameeyeen degmada Afgooye ay gacanta ku dhigeen rag lala xiriirinayo inay ka tirsan maleeshiyaaka AlShabaab, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku luglahaayeen weerar habeen hore ka dhacay degmada Afgooye.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada AlShabaab, waxaana uu intaa ku daray in maamulkooda uu xoogga saari doono la dagaallanka AlShabaab.

CIIDAMADA GALMUDUG OO KU GUULAY STAY INAY SOO FURTAAN KENYAAN OO AFDUUB AHAAN LOO HAYSTAY.

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee ka howlgala Galmudugayaa soo furtay Nin Ajanabi ah oo Koox Hubeysan ay Afduubugu haysteen Koofurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Howlgal Qorsheysan ku soo furteen Ninkaan oo la sheegay inuu u dhashay Dalka Kenya, waxaana sidoo kale la soo qabtay qaar ka mid ah dadkii afduubkaasi ka da mbeeyay.

Ciidamada ayaa sheegay in Kooxdii Afduubka u haysatay Ninkaas Kenyanka ah ay la baxsadeen Haweeney lala haystay islamarkaana ay Ciidamadu ku daba joogaan.

Dhanka kale Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee ka howlgala Degaanada Maamulka Galmudug ayaa horay sidaan oo kale u soo furtay Dad Ajanabi ah oo Koox Burcad Badeed Soomaali ah ay Afduub u haysteen.

XUKUUMADDA ITOOBIYA OO XABSIGA KA SII DEYSAY HABTAMU AYALEW OO AH MADAXA XIRIIRKA BULSHADA EE XISBIGA MIDOWGA DIMUQURAADIYADDA IYO CADAALADDA EE UDJ OO KA MID AH ASXAABTA MUCAARADKA ITOOBIYA IYO ABRAHAM SOLOMON OO AH MACALLIN SIYAASI AH,…

Dowladda Itoobiya, ayaa Daraad oo Talaado ahayd xabsiga kasii daysay Habtamu Ayalew oo ah madaxa xiriirka bulshada ee xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda iyo Cadaaladda ee UDJ oo ka mid ah asxaabta mucaaradka Itoobiya iyo Abraham Solomon oo ah Macallin Siyaasi ah, kuwaasoo Xabsiga la dhigay Sanadkii 2014kii.

Labadan mas’uul ee xabsiga laga sii daayay ayaa waxay xukuumadda Itoobiya u Cuskatay xarigooda eedo la xiriira xeerka la dagaalanka Argagixisada ee dalkaas u dhigan, kaasoo si weyn loogu kala aragti duwan yahay, isla markaana muran xooggan uu ka jiro.

Hoggaamiyaha Mucaaradka iyo Siyaasiga xabsiga laga sii daayay ayaa wax Dambi ah lagu waayay, kaddib markii Sannadkii hore ee 2015ka, lasoo taagay Maxkamada Federaalka ee Itoobiya, markaasoo maxkamaddu ay amar ku bixisay in lasii daayo.

Sidoo kale, Tan iyo markii Maxkamadda Federaalka Itoobiya ay Amartay in laga sii daayo Xabsiga labadan xubnood, ayaa Waxaa lagu hayay saldhig Booliis oo ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Xabsi ku haynta Hoggaamiyahan iyo Siyaasigan ayaa ku timid, kaddib markii uu ka qaatay Garyaqaanka Xukuumadda Itoobiya racfaan xukunkii Maxkamadda ee ahaa in dambi lagu waayay oo lasii daayo labadan mas’uul.

Dhanka kale, inkastoo lasii daayay labada ruux, haddana codsigii Garyaqaanka dowladdu wali waa taagan yahay, waxayna wajihi karaan eedo cusub oo la xiriira inay ka tirsan yihiin koox dalkaas laga Mamnuucay oo la yiraahdoGinbot7, taasoo ay xukuumaddu u aqoonsan tahay Argagaxiso.

Ururrada u Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Waxay Dowladdu ku eedeeyaan in ay Xeerka la dagaalanka Argixisada ku Caburiso Mucaaradka iyo inay gacan ku qabatay Saxaafadda, waxaana xabsiga Itoobiya ku xiran dad badan oo isugu jira mucaraad iyo suxufiyiin, halka qaar kalena ay naftooda la baxsadeen oo ay ka carareen Itoobiya.

Si kataba ha ahaatee, doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday dalka Itoobiya ayaa waxaa kuraasta baarlamaanka dalkaas wada helay xisbiga xukuma waddankaas ee EPRDF, iyadoo Axsaabta Mucaaradka ah aysan baarlamaanka ka helin cid ku metesha.

Ugu dambeyn, Waddanka Itoobiya ayaa waxaa lagu tiriyaa Waddamada Qaarada Afrika ee Cadaadiska ba’an ku haya Suxufiyiinta iyo Xubnaha mucaaradka ah ee xukuumadda kasoo horjeeda, iyadoo mararr bada Xukuumadda Addis Ababa loogu baaqay inay Xabsiyada ka sii dayso Suxufiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ee Xiran.

MADAXWEYNE SIILAANYO OOSHALAY KA QAYBGALAY XIRTAANKA TABABAR SARAAKIIL MILLATERIGA SOMALIALND KA TIRSAN UGU SOO DHAMMAADAY DUGSIGA DARARWEYNE EE BARIGA MAGAALADA HARGEYSA.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa shalay ka Qaybgalay xirtaanka tababar Saraakiil Millateriga Somalialnd ka tirsan ugu soo dhammaaday Dugsiga Dararweyne ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Markuu Madaxweynuhu gaaray Xerada Ciidamada ee Dererweyne waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, ka dibna waxa uu Madaxweynuhu Xariga ka jaray Taangi biyood oo qaadaya 150 Foosto, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Ceelasha biyaha looga soo qaado Dugsiga Layliska saraakiisha Cabdullaahi Askar ee Degmada Dererweyne.

Madaxweynuhu, Wuxuu Warbixinno ka dhagaystay Taliyaha Millateriga Somaliland, Jen. Ismaaciil Shaqale, isagoo taliyuhu xusay inay qodeen Saddex Ceel oo hoosta isaga daloola biyahana geeya mastaafo dhan 1.5KM,iyagoo isticmaalaya Tamarta Cadeeda.

Intaas kaddibna, Wuxuu Madaxweynuhu Xariga ka jaray, Mashaariic kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga kulliyada saraakiil ku xigeenada.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Guryaha hurdada, Cuntada, Xafiisyada iyo qaybo kale oo loo dhisay dhamaan saraakiil ku xigeenada Dugsiga & Macalimiintooda. Waxaanu madaxweynuhu isla joobtaasi xadhiga kaga jaray Qasabadaha biyaha qaybiya oo looga talaalay Guryahaasi kaydka Biyaha Ciidamada.

Taliyaha Dugsiga Layliska Saraakiisha ee Dararweyne, Col. Maxamed Cabdi Cali Shiine oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi. "Madaxweyne Waan kaaga mahadnaqaynaa inaad shalay noo soo xidho Kulliyadii 3aad ee dugsigan tobabarka ka baxda sanadkan kana qalinjebisa.”

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jen. Ismaaciil Shaqale, iyo wasiirka Gashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhammaantood madaxweynahaayaa iyaguna ka warbixiyey Mashaariicda kala duwan ee ay ka fuliyeen dugsiga layliska ciidanka millateriga iyo weliba dufcadihii kala duwanaa.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Ciidanka ugu hambalyeeyey waxbarashaddan ay dugsigan ka qaataan iyo tobabarka, waxaanu u rajeeyey guul."Ducoqabayaal Farxad bay ii tahay inaan idin kala soo Qaybgalo Xafladda Qalinjabinta Layliska Saraakiisha, Waxaanan idin ku Hambalyenayaa Waxbarashada aad dhamaysateen shalay. Tan kale hambalyo ayaan leeyahay Waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin Dugsiga Cusub ee Saraakiil xigeenada loo dhisay”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuuna raaciyay. "Waxaan idin leeyahay Hambalyo Qaranka sida aad ugu Adeegaysaan, Dadaalladuna halkooda ha ka sii wada aniguna waxan idin la barbar taagan nahay taageero buuxda.”

Ugu dambey, wuxuu Madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey tobankii Sarkaal ee ugu sareeyey xaga waxbarashadda ka qaadanayeen dugsigan

MAXAY KA WADA HADLEEN GAAS IYO TEDROS ADHANOM ?

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii daraad gaaray magaala da Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhan om iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxayay safarka Madaxweyne C/wali Gaas oo maalin ka hor la sii shaaciyay, laguna tilmaamay inuu yahay martiqaad dowladda Itoobiya u dirtay, si uu Addis Ababa u tago.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa horay u qaadacay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya bisha Agosto ee sanadkan iyo in Puntland raalli ka aheyn nidaamka 4.5.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo ah siyaasi galaangal badan ku leh Madaxda Soomaalida ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray la kulanka isaga iyo Madaxweyne C/wali Gaas.

Mr Adhanom ayaa sheegay isaga iyo Madaxweyne C/wali Gaas ka wada hadleen nooca door asho ee Soomaaliya ka dhaceyso bisha Agosto ee sanadkan 2016 iyo in dowladda Itoobiya ay taag eereyso dadaalada dib u dhiska iyo xasiloonida Soomaaliya.

SALAAD CALI JEELLE : "CIIDAMADA AMISOM WAXAY GUTEEN WAAJIBKOODII AHAA INAY SHABAAB KA SAARAAN GOOBAHA AY GACANTA KU HAYAAN..”

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo horay u soo qabtay jagada Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Meelaha ay ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ka mid ah Dalka.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay guteen Waajibkoodii ahaa inay Sha baab ka saaraan Goobaha ay gacanta ku hayaan islamarkaana Dowladda Federaalka ay Dayacday in Gacanta lagu haayo Degaanadii Shabaab laga qabtay.

Guddoomiye Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaasi ay dhabar jab ku tahay ujeedadii laga lahaa in Shabaab laga saaro Guud ahaan Goobaha wali gacantooda ku jira.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iskaga baxay Goobo Muhiim ah oo horay AlShabaab looga qabsaday dhib weyna laga soo maray qabsashada goobahaasi la dayacay.

UHURU KENYATTA OO SHEEGAY IN LA DHISAYO XABSI U GAAR AH MAXAABIISTA XAGJIRKA AH

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la dhisayo xabsi gaar ah oo lagu xiri doono dadka lagu tuhmo inay xiriir la leeyihiin AlShabaab iyo kuwa Xagjirka ah ee qalqalka ku ah ammaanka dalka Kenya.

Xabsigan ayaa Qorshuhu yahay in laga dhiso duleedka magaalada Nairobi, iyadoo lagu qiyaasay Ciidamada ilaalin doona illaa 1,200 askari.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in tallaabadan ay uga hortagayaan in maxaabiista xagjirka ah inay fikradahooda ku dhex faafiyaan maxaabiista kale ee ku jira xabsiyada kale.

Uhuru ayaa tilmaamay in xabsigan uu yahay mid ku haboon dadka xagjirnimada lala xiriirinayo, isla markaana lagu dhaqan celin doono

Xabsiyo la mid ah midka Kenya ka dhiseyso duleedka Nairobi ayaa horay waxaa u dhisay dal alka Mareykanka, Sacuudiga iyo Denmark

Kenya ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, iyadoo kumanaan ciidamo ka jog aan Soomaaliya, hase ahaatee waxaa sanadihii la soo dhaafay gudaha dalkeeda ka dhacayay weer aro ay geysaneysay AlShabaab oo lagu dilay boqolaal qo

GAADIID LAGU WAREEJIYAY SHALAY TALISKA CIIDANKA BOOLIISKA

Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen Max'ed Sheekh Xasan Xaamud ayaa shalay ka qeybgalay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska gobolka Hiiraan oo la gu qabtay magaalada Beledweyne.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale, Wa xaa ka Qaybgalay, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, taliyaha ciida mmada booliiska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle, taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Qaybta ka ah Hawlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cismaan Dubad iyo saraakiil kale oo ka soctay qeybaha kale ee Ciidamada.

Col. Isaaq Cali C/lle ayaa sheegay in gadiidka shalay lagu wareejiyay noqon doonaa kuwo Wax weyn ka tara Hawlgallada Ciidamada Booliiska ay ku sugaan ammaanka guud ahaan gobolka, gaar ahaan Beledweyne, isagoo intaa ku darray inay kusoo beegmeen xili boliiska gobolku baahiweyn u qa bay in ay helleen gadiidkan oo kale.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in Gadiidkaan oo ka koo ban Shan, laba ka mid ah loogu talagalay ciidamada Booliiska ka howlgala magaalada, halka sadd exda kalana loogu deeqay qeybta miino baaristan ee ciidammada booliiska oo ku shaqeyn doonna.

''Labo ka mid ah Gadiidka waxaa ku deeqay Dowladda Jarmalka, Saddexda kalana, waxaa ku deeqay hay'adda QM u qaabilsan miino baarista,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.Taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Jen Max'ed Sheekh Xasan Xaamud oo hadal kooban jeediyay ayaa kula Dardaarmay Taliska Booliiska Gobolka Hiiraan inay ilaaliyaan kana faa'iideystaan Gadiidka oo ah ayuu yiri kuwo loogu talagalay in loogu adeego dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

''Taliska Booliiska Gobolka Hiiraan, waxaan kula dardaarmayaa inay ilaaliyaan gaadiidkan loo gu deeqay uguna adeegaan bulshada ay mas'uuuliyada Ammaanka u ahayaan,'' ayuu yiri taliyahay ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

Gaadiidkaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee loogu deeqo ciidammada Booliiska ka Hawlgala Gobolka Hiiraan.

BRITAIN IYO KENYA OO ISKA KAASHANAYA SIDII AY U TAAGEERILAHAAYEEN HOWLGALLADA AMISOM

Xoghayaha Ciiddamada Hubeysan ee dalka Britain, Penny Mordaunt oo booqasho ku jooga dalka Kenya waxay la kulantay HaweeneydaWasiirka Gaashaandhiga ka ahKenya, Raychelle Oma mo oo ay ka wada hadleen Xiriirka Labada, Ammaanka Gobalka, Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Doorka Haweenka ku dhex leeyihiin Ciiddanka Kenya.

Xoghayaha Ciiddamadda Hubeysan ee Britain, waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inuu soo booqato Kenya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciiddamo u dhashay dalka Britain oo Tababar ku qaata gudaha dalka Kenya.

Penny Mordaunt Waxay kaloo sheegtay in Labada Dowladooda wadaagaan Xiriirkooda mudd ada dheer soo taxnaa, lagana shaqeynayo sidii loo ballaarin lahaa Wadaagista Danaha Labada Wad dan.

Waxayna hoosta ka xariiqday inay muhiim tahay inay Kenya qeyb ka yihiin AMISOM iyo Daga alka lagula jiro Alshabaab.

Safarka ay haatan ku joogto Kenya ayaa waxa uu astaan u yahay Heshiiska Iskaashiga Milliteri ee ayBritain iyo Kenya kala saxiixdeen dabayaaqadii sannadkii hore.

BARLAMAANKA TURKIGA OO MUDDO KORDHIN U SAMEEYEY CIIDDANKA KA JOOGA XEEBAHA SOMALIA.

Faafinta Rasmiga ee Dowladda Turkiga ayaa lagu shaaciyey inay Xildhibaanadda Barlamaanka ansixiyeen Mooshin waqtiga loogu kordhiyey Ciiddanka Badda ee Turkiga ee qeybta ka ah Hawlgalka Caalamiga ee Ladagaalanka Burcadbaddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Xilli kordhinta loo sameeyey Ciiddankaasi ayaa ah muddo hal sanno ah oo ka bilaabantay bishan February 10da ee sannadka 2016ka, waxayna Ciiddanka Badda ee Turkiga maraakiib dagaal ku biiriyeen Hawlgalkaasi sannadkii 2009kii.

Sidoo kale, Turkiga waxay kaloo qaaraan dhaqaaqle ku bixiyeen Djsimihii Kooxda Iskuxirka ee Burcadbaddeeda ku sugan meelaha ka baxsan Xeebta Somalia "The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS).”

Ciiddanka Badda Turkigha ee jooga Badda Somalia waxawa waajibkooda ka mid ah Hawlaha Ilaaladda iyo Sirdoonka, kahortaga dhaca hubeysan, gelbinta iyo badbaadinta Maraakiibta Ganacsiga, Taageerida Maraakiibta Ganacsiga ee ay Burcadbaddeeda sii weeraraan iyo Dhacbaddeedka.

BOGGA CAYAARAHA

Barcelona Oo Guul DAHABI AH Ka Soo Gaadhay Kooxda Sporting Gijon, Lionel Messi Oo Laba Gool Taariikh Ku Dhigay, Suarez oo Gool Dhalintiisa Sii Wata Iyo Balaugrana Oo Lix Dhibcood Oo Saafi Ah Ku Qabatay Hogaanka La Ligaha

Barcelona ayaa guul xili ciyaareedkeeda muhiim u ah ka soo gaadhay kooxda Sporting Gijon, waxayna Barcelona guushan ku soo gaadhay 3:1 iyada oo Lionel Messi uu laba gool dhaliyay halka Luis Suarez oo rekoodhe iska lumiyay uu hal gool dhaliyay.

Guushan ayaa Barcelona ka caawisay in ay 6 dhibcood oo saafi ah ay ku qabto hogaanka La Ligaha iyada oo waliba 7 dhibcood ka horaysa kooxda Real Madrid ee kaalinta saddexaad ku jirta.Messi ayaa kulankan taariikh cusub ka sameeyay isaga oo gadhay 300 gool oo La Ligaha ah.Sidoo kale Barcelona ayaa rekoodhka guuldaro la’aanta kooxdeeda ka dhigay 31 kulan oo xidhiidh ah.Barcaa

Barcelona ayaa marti u ahayd kooxda Sporting Gijon, waxayna labada kooxood ciyaarayeen kulankii baaqday markii ay Barcelona ka ciyaaraysay tartankii koobkii kooxaha aduunka ee bishii December ka dhacay dalka Japan.

Barcelona ayaa maanka ku haysay fursad u haysatay in ay hogaanka La Ligaha ku qabankarto 6 dhibcood oo saafi ah isla markaana ay 7 dhibcood ka sarayn karto kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Real Madrid oo ay si wayn u xifiltamaan, wuxuuna Enrique dib ugu laabtay kooxdii uu waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay ee Sporting Gijon.Enrique

Barcelona ayaan 30 kulan oo xidhidhidh ah wax guuldaro ah soo arkin, waxayna ku fikirayeen in ay rekoodhkaas sii xejisan karaan sidoo kale Lionel Messi ayaa kulankan raadinayay goolkiisii300 aad ee La Ligaha isga oo 333 kulan ku soo dhaliyay 299 gool.

Shaxaha labada kooxood ee kulankan:

Sporting Gijon(4231): Cuellar; Lora, Lichnovsky, Mere, Canella; Mascarell, Nacho Cases, Mene ndez, Halilovic, Perez; Castro

Kadyka: Garcia, Barrera, Guerrero, Lopez, Vranjes, Jony, Rachid

Barcelona(433):: Bravo; Vidal, Pique, Mathieu, Adriano; Rakitic, Sergio, Arda, Suarez, Messi, Neymar.

Kaydka: Ter Stegen, Alves, Iniesta, Mascherano, Bartra, Munir, Vermaelen.

Barcelona ayaa markiiba noqotay kooxda kubbad haynta la wareegtay isla markaana weerar joogto ah ku bilawday Sporting Gijon, waxayna kooxda martida loo ahaa ay markiiba ku ururtay difaaceeda iyada oo iska ilaalinaysay kubbada badan ee ay Barcelona ku raadinaysay goolka furitaanka.

Daqiiqadii 12 aad ayay Barcelona ugu dhawaatay in ay goolka furitaanka la timaado kadib markii uu Neymar noockasta oo dhibaato ah uu ku soo abuuray kooxda Sporting isla markaana uu kubbad qurux badan u bixiyay Luis Suarez kaas oo markiiba toogtay goolka Sporting laakiin goolhayaha kooxdan ee Cuellar ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah.Suarez

Weerarka aan joogsiga lahayn ee Barcelona ayaa sii socday halka Sporting ay u muuqatay mid difaac ahaan si wayn u habaysan. Daqiiqadii 25 aad ayay Barcelona heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu Lionel Andrés Messi jabiyay difaaca Sporting isla markaana uu ka dhaliyay gool uu iskii u shaqaystay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Messi

Messi ayaa kubbad ka soo qaatay Luis Alberto Suárez oo caawinta goolkan sameeyay kadib waxa uu kubbada ka farsamaystay difaaca Gijon isaga oo markiiba darbo xoogan ka sameeyay goob ka baxsanayd xerada ganaaxa, wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisii 300 aad ee La Ligaha oo uu ku gaadhay 334 kulan.Messi2

Laakiin hogaanka ay Barcelona ciyaarta u qabtay ayaan sii waarin waxaana laba daqiiqo oo kaliya goolka Messi kooxda Sporting goolka barbaraha u keenay Carlos Castro García kadib markii uu goolkan ku dhaliyay kubbad uu goolka Barca soo hormariyay Alejandro Menéndez Díez, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Barca2

Xamaasada ciyaarta ayaa markan noqotay mid aad u saraysa iyada oo jamaahiirta martida loo ahaa ay garoonka qaylo aan waxba laga maqli karin ka sameeyeen laakiin markale daqiiqadii 31 ayay isku xidhmeen Lionel Andrés Messi iyo Luis Alberto Suárez, waxaana Barcelona goolka labaad Messi ayaa markale shabaqa ka soo taabtay Sporting Gijon iyada oo Suarez uu kubbad fiican Messi u soo joojiyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Barcelona hogaanka ku soo ceshatay.Messi and Suarez

Daqiiqadii 37 aad ayay Barcelona u muuqatay in ay heshay goolkeeda saddexaad kadib markii uu Neymar darbo LAYAABLEHuu isaga oo xerada ganaaxa Sporting ku jira uu birta ku garaacay, kubbada ayaa umuuqatay in ay shabaqa galayso balse waxay ugu danbayn ku dhacday birta goolka.Neymar

Sidoo kale Messi iyo Suarez ayaa fursado kale haley laakiin Sporting ayaa si cajiib ah difaac ugu jirtay taas oo fursado badan oo ay Barcelona abuurtay ka dhigay kuwo aan lagu guulaysan, waxayna qaybta hore ku dhamaatayiyada oo Barcelona hogaanka ciyaarta ku hayso 2:1.Suarez and Messi

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo dardar fiican ku socda. Barcelona ayaa raadinaysay goolka kalsoonida halka Sporting ay waysada u soo biyaysatay in ay goolka markale iska soo celiso.

Daqiiqadii 48 aad Pique ayaa ku dhawaaday in uu si qurux badan Barcelona ugu dhaliyo goolka saddexaad laakiin fursadan ayaan noqon mid uu dhamaystiri karay laakiin daqiiqadii 58 aad Sporting ayaa ku dooday in ay rekoodhe heleen markii xidiga Barcelona amaahda kaga maqan ee Halilovic uu kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Barca, waxaana kubbada soo reebay Arda Turan, garsooraha ayaa goob dhaw taagnaa wuxuuna si sahlan u sheegay in aanu jirin wax qalad ahi.

Daqiiqadii 61 Neymar ayaa kubbad u soo baacsaday xerada ganaaxa Sporting waxayna ku tartameen goolhayaha Sporting ee Cuellar laakiin Neymar ayaa awooday in uu kubbada ka taabto goolhayahan taas oo keentay in qalad lagu galo, garsooraha ayaan ka laba labayn wuxuuna tilmaamay rekoodhe waxaana kubbada qaatayLuis Alberto Suárez. Laakiin Suarez ayaa awoodi waayay in uu rekoodhaha gool u badalo waxaana ka badbaadiyay goolhaye Cuellar.Suarezz

Haddii uuLuis Alberto Suárez awoodi ayay in uu goolka hortiisa ka dhaliyo rekoodhaha waxa uu daqiiqadii 67 aad uu dhaliyay gool CAJIIB AHisaga oo marka hore kala jeediyay difaacyada Sporting kadib waxa uu kubbada si qurux badan oo wareegaysa uu ugu darbeeyay lugtiisa bidix isaga oo markan wax badbaadin ah u diiday Cuellar, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Barcelona kula timid goolka niyadjabiyay Sporting. Goolkan ayaa ahaa goolkii 24 aad ee uu Suarez xili ciyaareedkan ka dhaliyay La Ligaha.Suarez

Intaa wixii ka danbaysay ciyaarta ayaa u muuqtay mid lagu kala baxay iyada oo Barcelona noqotay mid ciyaarta si buuxda gacanta ugu dhigtay waxayna kooxda martida ahayd ka ilaalinaysay in ay kubbada hesho, sidoo kale Barcelona ayaa yaraysay weerarkii badnaa. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay Barcelona kaga talaabsaday kooxda Sporting isla markaana ay 6 dhibcood oo saafi ah ugu qabtay hogaanka La Ligaha.

Champions League

Gent 23 Wolfsburg

Roma 02 Real Madrid

OGEYSIISYO MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA SHARDO

Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO)

OGEYSIIS

KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:

SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 20 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradahashaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada,iyo mashaariic kala duwan.

Ururuka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan:-

1.Tailoring and tie and dye ( harqaan iyo naqshadeenta dharka)

2.Electric installation ( Koronta xirid)

SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:

Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)

Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2 da xirfadood waxaa laga rabaa

·Waa in uu yahay Somali

·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir

·Waan in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood

·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhamey sashada xirfada uu soo codsaday

·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo

·Waan in uusan wax dambi ah ka galin bulshada

·Waa in uu layimadaa qof damiin ah

·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto

·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta

·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir

FIIRO GAAR AH:

ØBarashada harqaanka iyo naqshadeenta dharka waxaa kaliya soo codsan karaa DUMARKA oo kaliya

ØBarashada xirfada korontada waxaa soo codsan karaa Ragga oo keliya

Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyoSHAHAADO.

Qofkii daneynaayo fursadahaaswaa in uu layimaado 4 xabo oo sawir ah.

SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHANYAHAY:

MACALINKA XIRFADAHA AYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAAA:

·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay (SHAHAADO)

·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay macalinimada muddo aan ka yareen 2 sano

·Waa in uu la yimaadoCV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xarunta SHARDO ay ku taalo Degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.

Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 17 ilaa 25 February 2016. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.

Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran

061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993

ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:

 

HAY'ADDA SHARDO WAXAA KA BANAAN FURSADO SHAQO KALA AH:

1.Project Manager (Madaxa Mashruuca)

2.Project Accountant ( Xisaabiyaha Mashruuca)

3.Project Mentor ( La taliyaha ardayda)

SKILL TRAINING

(a.)Electric Installation Trainer (Macalin Koronto)

(b.)Tailoring Trainer (Macalin Harqaan)

(c.)Tie & dye Trainer (Naqshadeynta Dharka)

SHURUUDAHA SHAQAALAHA LOOGA BAAHANYAHAY:

CodsadahaShaqada aynu soo sheegnay waxaa laga doonayaaa:

·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay (SHAHAADO)

·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay shaqada uu soo codsaday muddo aan ka yareen 3 sano

·Waa in uu la yimaadoCV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip