Uhuru Kenyatta oo sheegay in la dhisayo Xabsi u gaar ah maxaabiista Xagjirka ah

0
Wednesday February 17, 2016 - 18:51:53 in Wararka by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta oo sheegay in la dhisayo Xabsi u gaar ah maxaabiista Xagjirka ah

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la dhisayo xabsi gaar ah oo lagu xiri doono dadka lagu tuhmo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab iyo kuwa Xagjirka ah ee qal-qalka ku ah ammaanka dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la dhisayo xabsi gaar ah oo lagu xiri doono dadka lagu tuhmo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab iyo kuwa Xagjirka ah ee qal-qalka ku ah ammaanka dalka Kenya.

Xabsigan ayaa Qorshuhu yahay in laga dhiso duleedka magaalada Nairobi, iyadoo lagu qiyaasay Ciidamada ilaalin doona illaa 1,200 askari.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in tallaabadan ay uga hortagayaan in maxaabiista xagjirka ah inay fikradahooda ku dhex faafiyaan maxaabiista kale ee ku jira xabsiyada kale.

Uhuru ayaa tilmaamay in xabsigan uu yahay mid ku haboon dadka xagjirnimada lala xiriirinayo, isla markaana lagu dhaqan celin doono

Xabsiyo la mid ah midka Kenya ka dhiseyso duleedka Nairobi ayaa horay waxaa u dhisay dalalka Mareykanka, Sacuudiga iyo Denmark

Kenya ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, iyadoo kumanaan ciidamo ka joogaan Soomaaliya, hase ahaatee waxaa sanadihii la soo dhaafay gudaha dalkeeda ka dhacayay weeraro ay geysaneysay Al-Shabaab oo lagu dilay boqolaal qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip