Shir gaar ah oo looga hadlaayo arrimaha Somaliya oo maanta ka dhici doono Magaalada New York

0
Monday September 28, 2015 - 10:15:29 in Wararka by
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir gaar ah oo looga hadlaayo arrimaha Somaliya oo maanta ka dhici doono Magaalada New York

    Xilli maanta Magaalada New York ay shir ku lee yihiin Xubnaha Joogtada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, ayaa waxaa shirkaasi ka hor ka furmi doono shir gaar ah, oo lagu wado in looga hadlo dalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli maanta Magaalada New York ay shir ku lee yihiin Xubnaha Joogtada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, ayaa waxaa shirkaasi ka hor ka furmi doono shir gaar ah, oo lagu wado in looga hadlo dalka Somaliya.

Shirkan, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonnaa qiimayn lagu sameeyo xaaladda Somaliya, waxa u qabsoomay Dowladda Somaliya, waxa aan weli u qabsoomin, arrimaha ammaanka iyo siyaasadda guud ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Ki-moon, ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiyan shirkaasi, waxaana ka qaybgeli doono in ka badan 150 ka mid ah Madaxda Wadamada Caalamka.

Madaxda Caalamka, ayaa waxaa lagu boorin doonnaa inay gacan ka gaystan dardargelinta, waxyaabaha aan weli u qabsoomin Dowladda Federalka Somaliya. Shirkan ayaa ah mid xasaasi ah.

Hassan Sheikh Mohamud and Ban Ki-moon

Madaxweynaha Somaliya, ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu Magaalada New York uu kula qaadan doonnaa masuuliyiin kala duwan, oo uu ugu horeeyo Boqorka Jordan, Abdullah II iyo Madaxda Wadamada Ururka Midowga Afrika, ee Ciidanka Nabad Ilaalintu ka jooggan Somaliya.

Ban Ki-moon, ayaa waxaa la fillayaa in Wadamada Reer Galbeedka uu ku booriyo xoojinta taageerada, ay siinayan Dowladda Somaliya, iyadoo markaasi horey loo dhaqaajinayo siyaasadda Dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip