
Alshabaab oo xalay saacado kooban haystay qeybo ka mid ah Degmadda Afgooye.
Dadka Deegaanka waxay sheegeen inay xalay ka seexan waayeen hugunka madaafiicda iyo rasaasta wiiftadda oo ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo rayid ah oo deggan Xaafadda BuundoYareey.
Alshabaab ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto dib uga baxeen goobihii ay xalay soo weerareen, mana kala cadda fariisimadda ay ka soo duullaan tageen iyo halka ay u ruqaansadeen.
Ma kala cadda khasaaraha labada dhinac ka so ogaaray weerarkaasi, inkastoo la xaqiijiyey in Ciiddanka Dowladda laga gubay 2 gawaarida Teknikada ah.
Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Kontoroolka Baar Ismaaciil oo ku yaalla halka laga galo Degmadda Afgooye ayaa la sheegay inay Baasuuke ku dhufteen Gaari ay Ciiddanka Dowladda lahaayeen.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku geeriyooday gaarigaas oo gurmad ahaan ugu sii jeeday Aagga Dagaalka ee Kontoroolka Mukayga.
Taliska AMISOM ayaa sheegay inay ka shakiyeen Gaarigaasi, oo ay u maleeyeen inay wateen Alshabaabka duullaanka ahaa.
Maamulka Degmadda Afgooye waxay xaqiijiyeen inay Alshabaab xalay soo weerareen Afgooye, balse ay iska waabiyeen qorshahoodii dagaalka.
Xaalladda Degmadda Afgooye ayaa saakayto deggan, iyadoo ay Ciiddanka
Dowladda ku sugan yihiin Fariisimadda ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha
Afgooye.
Xigasho:-Dulqaadka.com


0 


Alshabaab oo xalay saacado kooban haystay qeybo ka mid ah Degmadda Afgooye.
Ilo-wareedyo iyo Dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey inay Alshabaab saqdii dhexe ee xalay dhowr jiho ka soo weerareen Xarumaha ay Ciiddanka Dowladda kaga sugan yihiin Degmadda Afgooye ee Gobalka Sh/hoose.