WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH 28-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Monday September 28, 2015 - 09:41:42 in Wararka by
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH 28-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    KU-SIMAHA MADAXW-EYNAHA DALKA OO QAABILAY DANJ-IREYAASHA SWEDEN IYO TURKEY EE SOOM-AALIYA…. Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa shalay magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KU-SIMAHA MADAXW-EYNAHA DALKA OO QAABILAY DANJ-IREYAASHA SWEDEN IYO TURKEY EE SOOM-AALIYA…. Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qaabilay danjireyaasha dowladaha Turkiga iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya. Kulankii ugu horeeyey ayuu ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu la qaatay danjiraha dowladda Sweden u fadhiya magaalada Muqdisho Mikael Lindvall, waxaana uu safiirku soo gaarsiiyey Guddoomiyaha dareenka dowladda Sweden ee ah dadaallada dhex dhe-xaadinta ee uu wado Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ay u arkaan iney tahay biseyl siyaasa deed oo ay Soomaaliya gaartay.

Ka sokoow bogaadinta dadaallada go’aanka guddoonka waxaa kale oo danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada hadleen wadatashiga ku aadan nooca doorash ooyinka Soomaaliya ka dhacaya sanadka 2016ka ayadoo safiirkuna muujiyey in dowladda Sweden ay si bu uxda u taageereyso in wadatashigu noqdo mid mira dhala.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Olgan Bekar oo isana dhankiisa muujiyey sida dowladda Turkigu u taageersan tahay dadaallada uu wado Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu xasilinayo siyaasadda dalka.

Sidoo kalena waxa kulanka intii uu socday looga hadlay muhiimadda ay leedahay ka miradhalinta Wadatashiga la xiriira hiigsiga 2016ka, waxaana dowladda Turkigu ay muujisay sida ay u taageersan tahay in wadatashigaasi laga gaaro natiijo wax ku ool ah oo loo wada dhan yahay, ayadoo dhinaca kalena uu Danjire Olgan Bekar ballan qaaday in dowladda Turkigu ay sii wadi doonaan taageerrada ay siinayaan dowladda iyo shacabka Soomaa-liyeed. Kusimaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federa-alka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladaha Turkiga, Sweden iyo guud ahaanba beesha caalamka sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin

RW SOOMAALIYA OO U AMBA BAXAY DALKA MAREYKANKA KUNA BAAQAY JOOJINTA COLAADAHA MUDUG IYO SOOL

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo Shalay Shir jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa baaq nabadeed lagu joojinayo colaadaha ka jira deegaanada Qorilay, Magaclay iyo Dhulka Hawdka ah oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sool.

Sharma’arke ayaa u jeediyay beelaha Walaalaha ee colaaduhu dhexmartay inay joojiyaan colaadda, isla markaana ka shaqeeyaan sidii Nabad loo dhex dhigi lahaa dadka Walaalaha ah ee Deegaannadaas kuwada nool.

"Waan ka Xumahay Dagaallada ka dhacay Deegaannada Qorilay iyo Magaclay, Waxaana ugu baaqa yaa dhinacyada dagaalladu u dhexeeyaan in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan. Dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Sida keliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira Deegaannadaas waa wada xaajood, wa xaana Xasuusinaynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, taasoo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, Hadana waxaan Hiigsaneynaa Horumar iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaa raaciyay in khadka telefoonka uu kula Hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo Waxgaradka Dhinacyada Colaaddu u Dhexeyso; isla markaana ay ka Aqbal een inay khilaafka ku xaliyaan Wadaxaajood, waxana dhiiri geliyey cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata.

RW Somalia ayaa shirkiis jaraa’id uga hadlay Qaraxii dhawaan ay Al-shabaab ka geysteen halka laga soo galo ee Xarunta Madaxtooyada Qaranka, Wuxuuna Tacsi u diray Ehellada dhammaan dadkii Colaadaha as ku dhintay, Caafimaadna u rajeeyey cid walba oo gacanta argagixisada ku dhaawacmay; isgaoo shac abka Soomaaliya ugu baaqay meel inay uga soo wadajeestaan cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Dhanka kale, RW Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay Safar uu Shalay ugu Ambabaxayo New York; halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu ka jeedin doono khudbad. Wuxuuna sidoo kale ka Qaybgali doonaa Shir Gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Soomaaliya, kaa-soo ka dhici doona Dalka Mareynaka, isagoo rajo ka muujiyay in shirkaas ay kasoo bixi doonaan qodobbo muhiim u ah Danaha iyo Horumarka Soomaaliya

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa xusay in Soomaaliya ay ku tallaab satay horumar kala duwan Dhawrkii Bilood ee lasoo Dhaafay, Isagoo Hoosta ka Xariiqay muddo gaaban Gudahood in lagu soo Dha maystiri doono Maamuullada aan weli la dhisin sida; Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Wuxuuna intaa ku daray in loo Marayo Hannaan dib u Heshiisiineed, isku tanaasul iyo Wadatashi lala yeelanayo Qaybaha Bulshada ee labada Gobol.

FANAANIINTII XIDDIGAHA GEESKA EE MUQDISHO BANDHIG FANEEDKA KU QABTAY OO LAGU XIRAY HARGEYSA

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Soomaaliland ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah Fanaaniintii Xiddigaha Geeska ee habeenkii Ciidda ku qabtay magaalada Muqdisho Bandhig Faneed.

Fanaaniinta la xiray ayaa kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Bakaal Cirro, C/raxmaan Oday iyo Xamda Queen oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaa radaha Hargeysa waxaa ka qabtay Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Dad kala duwan oo ku sugan Soomaaliland oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay xariga fanaanii ntaas, iyadoo aan la ogeyn halka la geeyay, waxaana dad kala duwan oo asxaab la ah oo doonayay inay ku booqdaan xabsiga iyo saldhiga loo sheegay in aan la keenin.

Lama oga sababaha loo xiray, mana jirto war ka soo baxay Maamulka Soomaaliland, hase ahaatee sababta ugu weyn ee xarigooda loo aaneynayo ayaa ah safarkii ay ku yimaadeen Muqdisho iyo Bandhig faneedkii ay ku qabteen.

Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xariga loo geystay afartan Fanaan.

Abwaan Laab-Saalax ayaa sheegay in xarigooda la xiriiro tagistii Muqdisho oo ay bandhig faneedka ku qabteen, isla markaana aanu ogeyn cida ka dambeysay xarigooda.

Waxaa uu sheegay in aan loo sababeyn karin Fanaaniinta siyaasad, isla markaana meel kasta ay tagi karaan fanaaniinta sida Muqdisho iyo meelo kale.

Soomaaliland oo horay uga dhawaaqday inay tahay dal ka ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka mamnuuc ah siyaasiyiinta deegaanadooda u dhashay inay tagaan Koofurta Soomaaliya ama ka mid noqday dowladda Soomaaliya, waxaana horay u jiray siyaasiyiin loo xiray arrimahaas, balse arrinta Fana aniinta oo aanay qabiil iyo siyaasad qeyb ka aheyn ayaa ah wax cusub

WASIIR HADLIYE: SHIRKA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY NATIIJO WANAAGSAN AYAANU KA FILAYNAA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Shirweynaha Sannadkan ee Qaramada Midoobey ay ka Rajeynayaan Natiijo Wanaagsan.

C/salaan Hadliye oo wareysi siiyaya VOA-da ayaa xusay in shirka intiisa badan looga hadlayo sidii loo tirtiri lahaa Saboolnimada 15-ka sano ee soo socota, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka dhaqaalo ahaan laga taageerayo.

"Shirka waxaa ka rajeyneynaa inay natiijo fiican kasoo baxdo, waxaana Madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doona shirweynaha shannadkan,” ayuu Wasiir Hadliye hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay uu sheegay in Soomaaliya ay la hortagi doonto shirka Qaram ada Midoobey wixii u Qabsoomay mudadii Sannadka ahayd, isagoo tilmaamay in wax badan ay u Qabsoom ay Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaali ya iyo isbedellada jira ka jeedin doona shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay oo ka socda New York.

Ugu dambeyn, shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka dhaco New York, Waxaana shirkaas guddoomin doona Madaxwe-ynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

TALISKA QAYBTA 4-AAD EE AMISOM OO SHEEGAY INAY BUULA-BURTE KA BAXDAY GO'DOONKII AY KU JIRTAY

Taliska Qaybta Afaraad ee Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee gobollada dhexe ayaa sheegay in wixii xiligan ka dambeeya ay Degmada Buulaburte ka baxday go’doonkii ay mudada dheer ku jirtay.

Taliyaha Qaybta Afaraad ee Ciidamada AMISOM, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa u sheegay Wa rbaahinta in Ciidamada Jabuuti ay si rasmi ah shalay ula Wareegeen Amniga degmada Jalalaqsi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

"Degmada Jalalaqsi waxay ka mid tahay qaybta Afaraad ee aan madaxda u ahay ciidamadii Burundi Shalay ayay guureen, iyadoo si rasmi ah amniga degmada ula wareegay Ciidanka Jabuut,'' ayuu yiri Col Cabdoow.

Waxaa uu sheegay in la wareegistan degmada Jalalaqsi ka dhigan tahay in degmada Buulaburte ka baxday go'doonkii ay ku jirtay.

"Hadda Degmada Buulaburte ilaa Jowhar wadada isku xirta waan isku furnay, qayb ahaan Degmada waxaa la oran karaa way ka baxday go'doonkii ay ku jirtay, dhinaca wadada isku xirta Buulaburte iyo Bele dweyne ayeey xooggaa dhibaato ah ka jirtaa ooAl-shabaab ayaa jooga, laakiin Ciidamadeena markii ay doonaan waa ay maraan, Wuxuuna Qorshuhu yahay in gabi ahaanba Waddada iskuxirta Buulaburte iyo Beledweyne la isku furo, lagana saaro Al-shabaab,” ayuu yiri Col. Cabdoow.

XASAN SALEEBAAN DHUXUL (LAAB SAALAX) OO KU BAAQAY IN LA SII DAAYO FANAANIINTA SHALAY LAGU XIRAY HARGEYSA

Gudoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Geeska, Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab Saalax), ayaa wuxuu ku baaqay in Xukuumadda Somaliland ay xoriyadoodu siiso afar ka mid ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska.

C/raxmaan Oday, Maxamed Axmed Cirro (Bakaal), Nimcaan Hillaac iyo Xamda Queen, ayaa bar qanimadii shalay lagu xiray Garoonka Cigaal Ee Magaalada Hargeysa, xilli ay ka soo laabten Magaalada Muqdisho.

Fanaaniintan, ayaa habeenkii 1-aad ee Ciidul Adxaa bandhig faneed ku qabtay Magaalada Muqdisho, ka dib ma-rkii ay ka amba baxeen Magaalada Nairobi, oo bandhig faneed ay ku qabteen.

Xasan Saleebaan Dhuxul, ayaa wuxuu sheegay inaysan garanayn waxa sababay in la xiro Fanaan iinta, laakiin ay tuhmayan in loo xiray bandhig faneedkii ay ku qabteen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay iyagu xilligan wax mushaaraad ah ka qaadan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ka gadaal markii uu sheegay in Wasiirka Warfaafinta uu ka jaray, sida uu yiri.

Dhuxul, ayaa ku waramaya inay isku mid u yihiin dhageystayaashooda ku kala sugan Magaalooyinka Boorama iyo Baydhabo, islamarkaana ay si isku mid ah ugu qabanayan bandhig faneedyada.

MUHAAJIRIIN SOOMAALI AY KA MID YIHIIN OO LAGU BAD BAADIYAY MASAR

Sarkaal sare oo katirsan Dowladda Masar ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada dalkaasi badbaadiyeen Muhaajiriin 174, oo ay 18 ka mid ah ay Soomaali yihiin kuwaasi oo Doontii ay saarnaayeen kula degtay Xeebaha dalkaasi.

Maj. Gen. Hashim Lutfi, ayaa u sheegay Waregyska Al Yoom ee kasoo baxa Masar in Doontii ay la socdeen Muhaajiriintan ay ku degtay Meel 47 miles u jirta Waqooyiga Galbeed ee Magaalada Mersa Matruh xilli ay kusii jeedeen Qaaradda Yurub.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah Hal Muwaadin oo u dhashay dalka Jab uuti, waxaana Muhaajiriintan ay maalmo kahor ka safreen Xeebta Magaalada Gamasa ee Gobolka Al Daqaliya.

Muhaajiriintan oo dhamaan ka tagey Dalalka Geeska Afrika ayaa isku dayayay inay si sharci darro ah ku galaan dalka Taliyaaniga, ooah Albaabka ay Dadka Tahriibka ah ka galaan Yurub.

18-ka Soomaalida ah ee lasoo badbaadiyay oo magacyadooda la sheegin ayaa waxaa lagu hayaa Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Badda dalkaasi Masar, waxaana Saraakiishu ay sheegeen inay maxkamad soo taagi doonaan.

NIN DAD SHACAB AH KU RASAASEEYAY DULEEDKA JOWHAR O GACANTA LAGU DHIGAY

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu rasaaseyay Gaari dad rakaab ah ay la socdeen oo marayay duleedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Inta la ogyahay 1 qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmen rasaasta uu ku furay gaariga Ninka Hubeysnaa iyadoona Ciidamada ammaanka ay qabteen Ninkaas sida uu Shabelle u xaqiijiyay Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Jowhar Geelle Isaaq Warsame.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in iminka ninkaas hubeysan uu ku jiro Saldhig Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe islamarkaana sharciga la horgeyn doono.

DOWLADDA KENYA OO HEEGAN BUUXA GALISAY CIIDAMADEEDA{WAA MAXAY SABABTA}?=

Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay heegan buuxa la geliyay guud ahaan ciidamada Kenya kadib markii ciidamada sirdoonka Kenya ay ogaadeen in Al-Shabaab qorshe weerarro ah la damacsan yihiin dalka Kenya. Joseph Boinett oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidamo ba dan oo Booliska kenya ka tirsan loo daabulay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, ka diib markii la hel ay warbixin ku aadan in xiliyada farxada Al-Shabaab weeraro qorsheynayaan.

Sarkaalka ayaa sheegay in feej-ignaan dheeri ah la geliyay ciidamada ammaanka inta ciidda ka dham aaneyso, sidoo kalana dadweynaha loogu baaqay iney ciidamada ammaanka la shaqeeyaan si khatar amm aan looga hortago.

Joseph ayaasheegay in ciidamo kale la geeyay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan keynta Boni halkaasi oo Al-Shabaab badan la aamisan yahay iney ku dhuumaaleysanayaan.

Dhanka kale Dowladda Uganda oo ka mid ah dalal ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa maalin ka hor shaacisay in heegan la geliyay ciidamada ammaanka dalkaasi, si weerarada Al-Shabaab kaga hortagaan

QOYSASKA ARDAYDII LAGU LAAYAY WEERARKII JAAMACADA GAARISA OO DOWLADDA KENYA DACWAD KA GUDBINAYA

Iyadoo weerarkii Jaamacada Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ay ka geysteen Shabaab lagu laa yay arday gaaraysa 147 arday ayaa Qoysaska ay ka soo jeedaan Ardaydaasi, waxa ay iminka qorsheyna yaan inay dacwad ka gudbiyaan Dowladda Kenya.

Xubno ka tirsan Qoysaskaasi, wa-alidiinta ardayda la laayay iyo qaar ka mid ah eheladooda ayaa isu gu tagay fagaaraha Beerta xoriyadda ee Uhuru Park ee MagaaladaNairobi, iyagoo halkaasi ku sameynayay guddi loo xil saaro arintaan.

Qoysaska waxa ay sheegeen Dowladda inay iska indha tireyso inay bixiso magdhaw ku aadan Arda ydii Shabaabka ay ku laayeen Jaamacada Gaarisa gudaheeda. Guddiga ay soo xuleen Qoysaskaan, ayaa hadda waxa ay qorsheynayaan inay dacwad u gudbiyaan maxkamada sare ee dalka Kenya, si Dowladda loogula xisaabtamo sababta ay u bixin weyday magdhawga Ardaydaasi.

Waxa ay sidoo kale Dowladda Kenya ku eedeeyeen in ilaa markii ay meydadka eheladooda aaseen aan wax xiriir ah oo dambe lala sameynin.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in ay garab taagan tahay dadka ay eheladooda ku waxyeell oobeen dhacdadii ay masuuliyadeeda sheegteen Al Shabaab.Weerarkii jaamacada Garissa oo dhacay 2-di bishii April ee sanadkaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 147 ruux oo 142 ka mid ah ay arday ahaayeen.

SARAAKIIL CIIDAN OO KA KALA YIMID GOBOLADA DALKA OO MUQDISHO TABABAR LOOGA FURAY

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa shalay Magaalada Muqdisho wuxuu uga furay tababar Saraakiil ciidan oo ka kala yimid Gobolada dalka Soomaaliya.

Saraakiishaan oo ka kala yimid Maamul Goboleedyada dalka ka jira, ayaa tababarka loo furay waxa uu yahay mid ku saabsan sharciyada Federalka Booliska kaga aadan, waxaana uu socon doonaa tababarka muddo Afar cisho ah.

Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ma dasha ka sheegay ahmiyada Booliska uu u leeyahay Barashada sharciyada Federalka ee Booliska.

Wuxuu sheegay Booliska Soomaaliya inaysan laheyn xuduuda, islamarkaana ay yihiin ciidan Boolis oo Somaliya guud ahaan ka howlgala, ayna yihiin ciidan isku xiran ooh al hadaf leh.

Taliyaha ayaa kula dar daarmay Saraakiisha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay dabaqaan waxyaabaha meesha ay ka bartaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa daraad xaflad ka dhacday Muqdisho wuxuu ka sheegay Ciid anka Soomaaliya inuusan saameyn ku yeelanayn hanaanka Federalka dalka xilligan laga hirgelinaayo.

Dalka Somaliya ayaa waxaa ka hanaaqay hanaanka Federalka oo dadka Soomaalida aysan wax badan ka garaneyn, sidoo kalena aysan ka haysan fahan badan.

MAAMULKA PUNTLAND OO KA DIGAY SII SOCOSHADA DAGAALLADA SOOL

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wasiiradaha Amniga iyo Gudaha ee maamulka Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dagaalladaasi ay ka dambeeyaan gacmo siyaasadeed, waxaana digniin ay u direen dad ay sheegeen in dagaalladaasi ay sii hurinayaan.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay la socdaan dad kaalin weyn ku leh sii socoshada dagaalladaasi, waxaana uu ku baaqay in laga joogo hurinta colaadaha shacabka dhibaatada ku ah.

"Dhibaato xun ayaa dhacday, waxaan leeyahay, yaan wax kale lagu darin, waxaan u sheegeynaa dadka ku howlan fitnada waan idiin la soconnaa ee faraha kala baxa” ayuu yiri Wasiir Karaash.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dagaallada ka dhacay deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, waxaana uu ugu baaqay dhin acyada dirirtu ka dhaxeyso in nabadda ay qaataan.

"Waxaan idiin sheegayaa in meel walba oo shaqsi Puntland ah uu joogo ka xun yahay dagaal beeleed kaan.

WARIYE CAAN AH OO BBC KA TAGAY

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ahaa Wariyeyaashii in muddo ah u shaqeynayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inuu ka ruqseystay, kadib 10-sano oo uu bahda BBC ka mid ahaa.

Macalimuu oo ah wariye ay aad u jecel yihiin warbixniadiisa Soomaali badan oo kala joogta dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa aad loogu xusuustii wararkii xasaasiga ahaa ee xilliyadii dagaaladaa cuslaa ee Muqdisho ka dhacay sanadihii 2007,2008 iyo 2009.

Mar aan wax ka weydiinay sababta uu uga tagay BBC-da ayuu sheegay inay tahay arr imo isaga u gaar, Macalimuu ayaa ka mid ahaa Wariyeyaashii aas aasay Idaacada FM-ka ee Jowhar oo aheyd idaacada kaliya ee ka howl geli jirtay magaalada Jowhar.

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo barta facebook ee uu leeyahay ku shaaciy ayay inuu BBC ka tagay ayaa qoraalkii uu soo dhigay waxaa uu ahaa sidan:-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip