
Dowladda Kenya oo heegan buuxa galisay ciidamadeeda{Waa maxay sababta}?=
Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay heegan buuxa la geliyay guud ahaan ciidamada Kenya kadib markii ciidamada sirdoonka Kenya ay ogaadeen in Al-Shabaab qorshe weeraro ah la damacsan yihiin dalka Kenya. Joseph Boinett oo kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska ayaa
sheegay in ciidamo badan oo Booliska kenya ka tirsan loo daabulay
magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, kadiib markii la helay warbixin ku
aadan in xiliyada farxada Al-Shabaab weeraro qorsheynayaan.
Dhanka kale Dowladda Uganda oo ka mid ah dalal ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa maalin ka hor shaacisay in heegan la geliyay ciidamada ammaanka dalkaasi, si weerarada Al-Shabaab kaga hortagaan.
Sarkaalka ayaa sheegay in feejignaan dheeri ah la geliyay ciidamada ammaanka inta ciida ka dhamaaneyso, sidoo kalana dadweynaha loogu baaqay iney ciidamada ammaanka la shaqeeyaan si khatar ammaan looga hortago.
Joseph ayaasheegay in ciidamo kale la geeyay xuduuda Soomaaliya iyo
Kenya gaar ahaan keynta Boni halkaasi oo Al-Shabaab badan la aamisan
yahay iney ku dhuumaaleysanayaan.
Dhanka kale Dowladda Uganda oo ka mid ah dalal ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa maalin ka hor shaacisay in heegan la geliyay ciidamada ammaanka dalkaasi, si weerarada Al-Shabaab kaga hortagaan.
Dowladda Kenya oo heegan buuxa galisay ciidamadeeda{Waa maxay sababta}?=
Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay heegan buuxa la geliyay guud ahaan ciidamada Kenya kadib markii ciidamada sirdoonka Kenya ay ogaadeen in Al-Shabaab qorshe weeraro ah la damacsan yihiin dalka Kenya.