Ra'iisul Wasaare Cumar "Mudnaan gaar ah ayaan siin doonaa.."
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra'isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa si buuxda u sheegay in Xukuumadiisa ay ka go'an tahay in Ciidanka Xooga Dalka ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhgameystiran.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumada ay dadaal dheer ugu jirto sidii ay ugu dhabeyn lahayd balanqaadyadii ay horay u sameeyeen ee ahaa in Ciidanka Xooga Dalka ahmiyad gaar ah la siiyo iyo sidi ay ugu heli lahaayeen xuquuqdooda si jogtada ah.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale shegay in mudnaan gaar ah la siinayo Ciidanka xogga dalka oo uu sheegay in dadaal dheer kadib ku guuleysteen inay dalka intiisa badan ka xureeyaan Al-Shabaab.
Dhanka kale Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa shalay ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo uu xilka kula waregaayay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xooga Dalka.