Al-Shabaab oo Qorshihii ugu yaabka badnaa ku fuliyey weerarkii Kismaayo

0
in Wararka by
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Qorshihii ugu yaabka badnaa ku fuliyey weerarkii Kismaayo

    Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan kadib weerarkii hotelka Cas-casey ay ku qaadeen maleeshiyo Alshabaab oo qasaare weyn dhaliyey. Xog laga helay dadkii ku sugnaa Hotelka ee ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in si la yaab leh loo fuliyey weerar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan kadib weerarkii hotelka Cas-casey ay ku qaadeen maleeshiyo Alshabaab oo qasaare weyn dhaliyey. Xog laga helay dadkii ku sugnaa Hotelka ee ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in si la yaab leh loo fuliyey weerarka, iyadoo afar askari ay qaraxa ka hor tageen hotelka iyadoo ilaaladii hotelka u sheegay inuu hotelka kusoo wajahan yahay madaxweyne Axmed Madoobe oo ay doonayaan inay baaraan Hotelka, ayna hubiyaan amnigiisa, waxayba albaabka ka fureen Gaari ay sheegeen inuu la socday. Waxyar kadib waxaa qarxay gaarigii gudaha u galay hotelka, kaasoo dhaliyey burbur iyo qasaare weyn oo goobta saameeyay, kadibna waxaa bilaabatay rasaas xoog leh, iyadoo lagu laayey dadkii hotelka ku sugnaa ee qaraxa ka badbaaday.

Saddex dabley ah ayaa gudaha u galay Hotelka, waxayna markii danbe fuuleen dabaqa ugu sareeya Hotelka, taasoo dhibaato ku noqotay ciidamada amniga ee dagaalka kula jiray oo ku dhowaad 10 askari ay ku dhinteen bambooyin iyo rasaas kor uga yimid.

Qasaaraha dadka lagu dilay Hotelka ayaa gaaray 33 qof oo rayid u badnaa, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 50 kale, Ciidamada Amniga ayaa barqnimadi maanta soo afjaray howlgalka ay ka sameeyeen hoteelka oo ay ka dhaxdagaallamayeen tan iyo xalay maqribkii, waxaana Duhurtii maanta magaalada lagu aasay dadkii lagu dilay hotelka.

Dhaawaca xaaladoodu darran tahay ayaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo qaar kale lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magalada Kismaayo, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa saxafiyadda caanka ah ee Hodan Naaleeye oo deganeyd dalka Canada, musharax madaxweyne iyo saxafi kale.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoo Alshabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka. mid ka mida dableydii weerarka ku gashay hotelka ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip