Wasiir Hadliye "Shirka New York waxaa ka rajeyneynaa natiijo wanaagsan"

0
Sunday September 27, 2015 - 11:12:49 in Wararka by
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Hadliye "Shirka New York waxaa ka rajeyneynaa natiijo wanaagsan"

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sheegay in shirka guud ee golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee sanadkan ay ka rajeynayaan natiijo wanaagsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sheegay in shirka guud ee golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee sanadkan ay ka rajeynayaan natiijo wanaagsan.

Mr Hadliye oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in shirka intiisa badan looga hadlayo sidii loo tir-tiri lahaa saboolnimada 15-ka sano ee soo socota, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka dhaqaalo ahaan laga taageerayo.

"Shirka waxaa ka rajeyneynaa inay natiijo wanaagsan nooga soo baxdo, waxaana Madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doona shirkaā€¯ayuu yiri C/salaan Hadliye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay la hor-tagi doonto shirka guud ee golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobey wixii u qabsoomay mudadii sanadka aheyd, waxaana uu tilmaamay in wax badan u qabsoomay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya ka jeedinaya shirka ka socda Qaramada Midoobey.

Shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka dhaco New York, waxaana shirkaas guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip