Shaqo joojinta Macalimiinta Kenya oo muddo bil gashay

0
Sunday September 27, 2015 - 11:03:34 in Wararka by
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo joojinta Macalimiinta Kenya oo muddo bil gashay

    Shaqo joojinta Macalimiinta kenya ayaa gashay muddo bil ah, iyadoo Maxkamada sare ee dalka Kenya ay amar ku bixisay inay soo afjaraan shaqo joojinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqo joojinta Macalimiinta kenya ayaa gashay muddo bil ah, iyadoo Maxkamada sare ee dalka Kenya ay amar ku bixisay inay soo afjaraan shaqo joojinta.

Macalimiinta ayaa wali ku adkeysanaya in loo kordhiyo mushaaraadkooda, hase ahaatee dowladda Kenya ayaa diiday.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maalinta berri ay dib u bilaabanayaan waxbarashadii Dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay

Ururka Midowga Macalimiinta Kenya ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Kenya, iyagoo sheegay in aanay Dugsiyada wax ka dhigi doonin.

Maxkamadda Kenya ayaa amar ku bixisay in mushaarka loo kordhiyo Macalimiinta, hase ahaatee wali ma fulin go’aankaas.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan awoodin in lacagta u kordhiyaan boqolaalka kun ee Macalimiinta Kenya, waxaana uu tilmaamay in Macalimiinta Kenya ay yihiin kuwo ugu mushaarka badan Qaaradda Afrika.

Ilaa 12-milyan oo caruur ah oo dhigta Dugsiyada kala duwan ee Kenya ayaa la soo deristay waxbarasho la’aan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip