
Ciidamada Yuhuuda oo gudaha u galay Masjidka Al Aqsa
Ciidamada Yuhuuda ayaa gudaha u galay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaala dhulka Yuhuuda Xooga ku heysato, kadib iska hor imaad kooban oo dhacay. Goobjoogayaal ayaa Saxaafadda u sheegay in iska hor imaadka maanta
oo Axad ah dhacay uu u dhaxeeyay ciidamada Yuhuuda iyo shacab
Falastiiniyiin ah, kaasi oo bilowday markii ciidamada Yuhuuda dhismaha
masjidka ay galeen.
Wariye ku sugan Jerusalem, ayaa sheegay in ciidamada Booliska Yuhuuda ay adeegsadeen Bambaanooyin iyo rasaas iyaga oo ku ridayay shacabka Falastiin ee ka carooday tallaabada ciidamada Yuhuuda.
Masjidka Al- Aqsa waa goobta Seddexaad oo ay ummada Muslimiinta aaminsan yihiin marka laga soo tago Makka iyo Madiina.
Afhayeenka ciidamada Booliska Yuhuuda Jerusalem , Asi Aharoni, ayaa xaqiijiyay isku dhacyada ka dhacay masjidka una dhaxeeyay ciidamada Yuhuuda iyo shacabka Falastiiniyiinta.
Shacabka Falastiin ayaa dhagxaan ku tuurayay ciidamada Yuhuuda ee masjidka galay, waxaana iyaga loo adeegsanayay rasaas.
Ciidamada Yuhuuda oo gudaha u galay Masjidka Al Aqsa
Ciidamada Yuhuuda ayaa gudaha u galay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaala dhulka Yuhuuda Xooga ku heysato, kadib iska hor imaad kooban oo dhacay.