Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay

0
Sunday September 27, 2015 - 10:25:16 in Wararka by
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay booqasho saddex maalmood ah ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay booqasho saddex maalmood ah ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo New York ka qeybgeli doona furitaanka doodaha Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo dhacaya maalinta Isniinta ee 28-ka bisha September, iyo shir madaxeed uu Madaxweyne Barack Obama martigelinayo, kaas oo looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo kooxda ISIS oo dhacaya 29-ka bisha September.

PRES_US_VISIT

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda caalamka oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip