Madaxweynaha Iiraan oo ugu baaqay Qaramada Midoobey inay baarto shilkii ka dhacay Xajka

0
Sunday September 27, 2015 - 10:19:54 in Wararka by
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Iiraan oo ugu baaqay Qaramada Midoobey inay baarto shilkii ka dhacay Xajka

    Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey inay baarto sababihii dhaliyay shilkii ay ku dhinteen in ka badan todobo boqol xujey ah khamiistii, xilli ay gudanayeen waajibaadka xajka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey inay baarto sababihii dhaliyay shilkii ay ku dhinteen in ka badan todobo boqol xujey ah khamiistii, xilli ay gudanayeen waajibaadka xajka.

Mr Rouhani ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shilkaas iyo shilalkii la midka ahaa ee horay u dhacay.

Dowladda Iiraan oo xafiiltan siyaasadeed kala dhaxeysa Sacuudiga ayaa horay ugu eedeysay maamul xumo, iyo inay maareyn weyday howlihii xajka, waxaana ay ka dalbatay inay Mas’uuliyadda qaadato.

Banaan baxyo lagu cambaareynayo dowladda Sacuudiga ayaa ka dhacay Caasimada Tehran, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ka careysan dadkii ku dhintay Isbuurashadii ka dhacday Xajka.

Iiraan ayaa aheyd dalkii ugu badnaa ee ku dhintay shilkaas, waxaana tirada uga dhimatay ay caga cageyneysaa 136 ruux, halka boqolaal kale dhaawac yihiin.

Muftiga ugu sareeya dalka Sacuudiga Sheikh Abdul Aziz bin-Abdullah al-Sheikh ayaa sheegay in shilkii ka dhacay xajka uu ahaa "Qadar Alle” isla markaana aan lagu eedeyn karin bani’aadam, sida uu yiri.

"Mas’uul kuma lihid waxa dhacay”ayuu Muftiga u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Nayef.

Sacuudiga ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay musiibadaas ay korortay, isla markaana gaartay 769 ruux, waxaana Boqorka Sacuudiga uu amray baaritaan deg deg ah in la sameeyo.

Dalal badan oo Iiraan ugu horeyso ayaa Sacuudiga ku eedeysay sida ay u mareysay xajka sanadka iyo qaabkii uu u dhacay shilka, markii dad ka soo dhameystay sheydaan tuurka iyo dadkii kale ee ku sii jeeday ay hal wado ku kulmeen, dabadeedna ay dhacday Isbuurashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip