Daawo Sawirada: General Buud iyo General Cali Baashi oo shalay xilalka la wareegay

0
Sunday September 27, 2015 - 09:58:53 in Wararka by
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: General Buud iyo General Cali Baashi oo shalay xilalka la wareegay

    Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, General Maxamed Aadan Axmed (Buud) iyo Abaan Duulaha, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, ayaa shalay si rasmi ah xilalka ula wareegay. Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Gobolka Banaadir, ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, General Maxamed Aadan Axmed (Buud) iyo Abaan Duulaha, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, ayaa shalay si rasmi ah xilalka ula wareegay. Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Gobolka Banaadir, ayay xilalka ku wareejiyen Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Abaan Duulihii hore, General C/risaaq Khaliif Cilmi.
Munaasabadan, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Wakiilka Midowga Yurub Somaliya, Michele Cervone d’urso, Madaxa Militariga Midowga Yurub, General Patrick de Rousiers, Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya, Amb. Olgan Bekar, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Militariga Amisom, General Lakara Nakibus, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Amisom, Christine Alalo iyo xubno kale.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa iska kaashanayay suggida ammaanka ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, oo ku taala Degmada Hodan, waxayna xireen wadooyinka ku teedsan Xaruntaasi, intii ay munaasabadda xil wareejinta ka soconaysay.

Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo ka hadlaayay xil wareejintaasi, ayaa sheegay Somaliya inay qaadatay Nidaamka Federalismka, kaasoo saamayn ku yeelanaya sida uu sheegay qof kasta, aan ka ahayn Ciidamada Qaranka.

General Buud oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu xilkaasi ugu soo wareejiyay General Indha-qarshe, isagoo dhinaca kalana sheegay in shaqo adag ay hortaalo.

Is bedelka lagu sameeyay Taliska Militariga Somaliya, ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo uu gaabis xoogan ku yimid gulufkii militari, ee Ciidamada Dowladda & Amisom dalka kaga sifaynayen Ururka Al Shabaab.

Taliska Taliska1 Taliska2 Taliska3 Taliska4Taliska5Taliska6Taliska7Taliska8





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip