Ha ku dhibin Soomaalida Soo Galida Dalkaaga (Warbixin)

0
Sunday August 23, 2015 - 09:23:01 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha ku dhibin Soomaalida Soo Galida Dalkaaga (Warbixin)

    La'aanta nidaamkii dowladeed ee saxda ahaa wuxuu dhaliyay in Soomaali badan ay u hayaamaan wadamo kala dhaca qaaradaha adduunka, waxaa markaasi soo baxday in dadku ay la qabsadaan ku noolaanshaha wadamada ay nolosha iyo nabad gelyada ka raadsade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La'aanta nidaamkii dowladeed ee saxda ahaa wuxuu dhaliyay in Soomaali badan ay u hayaamaan wadamo kala dhaca qaaradaha adduunka, waxaa markaasi soo baxday in dadku ay la qabsadaan ku noolaanshaha wadamada ay nolosha iyo nabad gelyada ka raadsadeen.
Dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa suurad xumeeyay magaca iyo maamuuska umadda Soomaaliyeed waxaa dhacday in waxyaabaha xun xun soomaalida laga galiyo kaalimaha koowaad sida musuqa ,argagixisanimada Burcadbadeednimada iyo wax kast oo dili kara muuqaal umadd jirta .

Waxaa taasi ka sii daran dhibaatada ay madaxdeena qaar iyo muwaadiniinteena ay ka maraan u safrida wadamada aanan soomaaliya aheyn dal ku galka soomaaliya ee ah baasa boorka runtii laguma tix galiyo soomaalida marka ay la tagaan garoomada dalalka kale waa arin jirta in laga hore mariyo dad u dhashay wadamo ka mid ah qaarada afkrika oo ay ku jiraan kuwa aanan xasilooneyn ,


Dad aanan ka tiro yaren inta lagu dhibo galida dalalka aanan Soomaaliya aheyn ayaa ka xishoodo in ay la soo baxaaan dal ku galka Soomaaliya ee ah astaaanta muujineyso soomaalinimada

Si muuqaalada xun ee badi caalamku ka aaminsan yahay dadka soomaaalida meesha loogaa saaro waxaa la bilaabay abaaabul dadka lagu dareen siinayo in soomaaliya ay tahay wadan aanan ka jirin dhib ka weyn ka ka jira wadamada soo korayo .

Forum ay ay ku jiraan dad matala qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada ,bulshada rayidka ,Aqoonyahanada ,Siyaasiyiinta ,Dhalinyaradda ,Odayaaasha ,Culumo Owdiinka iyo Haweenka ayaa doonayo in ay bulshada dareensiiyaan dhibaatada Soomaalida ka qabsato galida dalalka kale iyaga oo socdaalkooda uu sharci yahay ka sokow dan-qashadaasi waxa ay xal u raadinayaan in aysan soomaalida dhibtoon meeshana laga saaro sawirrada muuqaalada xun xun dunida tusay .

Kulmin ay sameeyeen forum ka ayaaa dhalisay ma;suuliyiin badan in ay soo bandhigaan sida ay ugu dhib qabaan galida dalalka kale haddii aysan sidan dal ku gal caalami ah ama dal ku galyo dalal ay ku soo waqti qaateen ,

Mahd Cali Abuukar waxa uu bartay xiriirka caalamiga waxa uu aad ugu ololeynayaa in uu meesha ka baxo fikirka qaldan ey caalamku ka aaamineen soomalida " waxa aan la kulmay dhib badan oo ku aadan habka lagu galayo dalalka aan soomaaliya aheyn sida baaris iyo eegmo gaar ah oo aanan kala mid aheyn dadka kale ayuu yiri "

Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibada baarlamaaka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa waxa uu yiri " waa iigu yaabka badney waqti aan fariisaney aniga iyo nin saaxiibey mid ka mid ah baararka dalka French in aan araknay dad noogu yeerayo aabayaashii burcad badeeda waxa aan dareemay halka aan ka joogno caalamka iyo magacyada na loo bixiyay.”

Wasiir ku Xigeenka Howlaha Guud iyo Guryeenta Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi waxa uu yiri waa dhib intiisa la eg balse soomaaliya waa in ey ka kacdaa meesha ay jiifto iyada oo baabi’ineyso aaminaada xun ee laga qaatey "
Haddii aanan soomaaliya laga qaadin meesha ey taalo waxa ay caalamka ka noqoneysaa tuke Canbaar leh oo laga fogaado .

W/Q Nasriin Mohamed Ibraahim


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip