Daacish oo ku xoogaysanaysa dalka Afghanistan

0
Sunday September 27, 2015 - 09:53:20 in Wararka by
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo ku xoogaysanaysa dalka Afghanistan

    Ururka Mayalka adag ee Daacish, ayaa la sheegaya inay ku xoogeysanayaan dalka Afghanistan oo ay ka helayaan taageero iyo u beer jilicsanaansho ku aadan fekerka ay ku dagaalamayaan Ururkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Mayalka adag ee Daacish, ayaa la sheegaya inay ku xoogeysanayaan dalka Afghanistan oo ay ka helayaan taageero iyo u beer jilicsanaansho ku aadan fekerka ay ku dagaalamayaan Ururkaasi.



Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka, ayaa muujiyay walaac xoogan oo uu ka qabo in Daacish ay ku xoogeystaan dalka Afghanistan, sidoo kalena ay ka helaan taageero.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan inay jiraan Kooxo taageera Daacish oo dalka Afghanistan ku sugan, taasina ay sahlayso in Ururka Daacish ay awoodo Militeri ay ku yeeshaan dalkaasi.

Sarkaalka ayaa hadalkan sheegay maalin kadib markii QM ay soo saartay warbixin ka hadlaysa in ururkan mitidka ahi uu joogis ku yeelanayo dalkaas Afghanistan.

Warbixin ay diyaariyeen Koox Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka Ururka Al Qaacida, ayaa lagu sheegay inay jiraan Kooxo u beer nugul hadafka ay ku dagaalamayaan Daacish, taasina ay sahlayso in Ururka uu helo taageero ballaaran.

Arintan ayaa muujinaysa sida Daacish taageeradooda iyo awoodooda ay u sii fideyso xilli aduun weynaha uu walaac ka muujinaayo awooda ISIS oo sii korodha.

Daacish ayaa Saldhigyada ugu waaweyn hada waxa ay ku leeyihiin dalalka Ciraaq iyo Syria, inkastoo Saldhigyo kale ay ku leeyihiin Libya iyo dalal kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip