WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Sunday September 27, 2015 - 09:47:17 in Wararka by
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    WAFDI UU HOGGAAMINAYO MADAXWEYNE XASAN OO KA QAYB GALAYA SHIRKA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa shalay u Ambabaxay Mareykanka, Halkaasoo ay kaga Qaybgalayaan Shirweynaha Qaram

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAFDI UU HOGGAAMINAYO MADAXWEYNE XASAN OO KA QAYB GALAYA SHIRKA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa shalay u Ambabaxay Mareykanka, Halkaasoo ay kaga Qaybgalayaan Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Sannadkan.



Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha sii sagtooiyay R/W/ha Soomaal iya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Magaalada New York kaga Qayb geli doona shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay, kaasoo sannadkiiba mar la qabto, Waxaana sidoo kale ay ka qaybgeli do onaan shirkan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, C/salaam Had-liye Cumar.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa shirka Golaha Ammaanka QM ka jeedin doona khudbad uu uga hadli doono xaalada Soomaaliya iyo horum-arrada dowladda ay gaartay saddexdii sano ee Dowladda hadda jirta ay shaqeynaysay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa inta ay Joogaan Maraykanka waxay kulamo gaar-gaar ah la qaadan doonaan Madaxda Shirka ka soo qaybgalaysa oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka.

 

XIL. GOODAX: MOOSHINKA LAMA TUURI KARO, WAXAANA SOO BANDHIGAYNAA CADDEYMAHA AAN HAYNNO

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka ee lagu sheegay in lasoo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la tuuri karin mooshinka, isla markaana go’aanka Guddoonka uu yahay mid xildhibaannadu aysan u dhameyn oo ahaa mid Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ku kooban.

"Go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Wax macno ah oo uu ku fadhiyo ma jirto, mana ahan mid wax ka bedelaya wixii socday, mana ahan wax si sahal ah looga dulqaadi karo qof, waa masiir ummaddeed, Wax ka jirana ma jiraan, cid u Aqbali doontana ma jirto,” ayuu yiri Goodax oo u warramay BBC-da.

Sidoo kale, Xildhibaan C/llaahi Goodax ayaa intaas ku daray. "Guddoonka Baarlamaanku uma dhama waa hubnaa; waxaanuna waa wax Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ay moodeen inay wax xalinayso, runtii xildhibaannada niyadsamida muujiyay ee rabay waxan haddii garawshiyo uu ka bixiyo laga wada xaajoodo, baaq ayayna xildhibaanada ka soo saari doonaan Mowqifkooda.”

Mar la weydiiyay inay ka Qayb galayaan Wadahadalka uu ku baaqay Guddoonka BFS ee ah la isugu imaanayo 07-da Oktoobar ee sannadkan kulan ayuu Xildhibaan Goodax kaga jawaabay.

"Sida aan qabo wadahadalka kuma qasbanin, mana tageyno Xildhibaannada ayaana go’aan ka gaaraya, Guddoomiyaha arrintan dhexdhexaad kama ahan, wuxuu leeyahay waa lasoo afjaray jiritaanka mooshinka, haddii mooshinka la soo af jaray waxaa laga wadahadlayo maxay tahay.”

Dhanka kale, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo la weydiiyay sida ay u arkaan tuurista la tuuray mooshinka ayuu xusay inaan mooshinka la tuuri karin, isla markaana mooshinka Madax weynaha DFS uu yahay mid culus, isla markaana aanu ahayn wax warqad lagu tuuri karo.

"Qareenadeena waxay goor dhow u soo qori doonaan Guddoonka Baarlamaanka qoraal ay ugu sheegayaan talaabada ay qaadi doonaan, waxaana ummaddu baran doonaan wax aysan horay u aqoon. Caddeymaha aan haynana dhawaan ayaan soo bandhigi doonnaa Internetka,” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Ugu dambeyn, Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in 07-da Oktoobar la qaba doono wadahadal lagu dhameynayo arrimaha mooshinka, iyadoo kulanka ay kasoo Qayb-gal ayaan, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Mooshinka keenay.

TALIYAHA IYO ABAANDUULAHA CUSUB EE CIIDANKA XOOGGA DALKA OO XILKA LA WAREEGAY

Munaasabad oo ay xilka kula wareegayeen taliyaha iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana uu ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka, qaar kamid ah danjireyaasha dowladaha caalamka u fadhiya dalka, taliyeyaasha ciidamada booliska iyo Nabad sugidda Qaranka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Ra’iisul Mudane Cumar Cabdirashiid iyo mas’uuliyiintii la socday ayaa markii ay gaareen xarunta gaashaandhigga waxa ay salaam sharaf kaqaateen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dal ka, waxaana intaasi ka dib munaasabadda fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xoogga ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.

Abaanduuliyii hore ee ciidanka xoogga Dalka Sareeyo guuto Cabdir isaaq Khaliif Cilmi oo ka sheekeeynayay waxybihii u qabsoomey mudadii ay hayeen xilka ayaa xusay inay wax ka qabteen dib u habeynta ciidanka oo ay guddi u saareen tirikoobka ciidanka iyo sixidda darajada saraakiisha ciidanka xoogga dalka

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi "Indhoqarshe” oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen gacan ku heynta deeganno ba dan oo ay horey bulshada ugu dhibaateyn jireen kooxda AL- Shabaab, isagoo guulaha ciidanka ay gaareen ay bogaadiyeen.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaan duulaha ciidanka Sareeyo Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa balan qaaday in howsha loo idmaday ay halkeeda ka sii wadi doonaan, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo oo gacan lagu siiyo waaj-ibaad ka loo idmaday.

Wasiirdowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa ku amaanay taliy ihii hore iyo abaanduulihiisa waxyaabaha ay ka qabteen ciidanka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ugu dambeyntii goobta hadal kooban jeediyay ayaa kula dar daarmay hogaan ka cusub ee ciidanka xooga dalka inay si hagaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE OO XOOJIYAY KA HORTAGGA FATAHAADA WABIGA SHABELLE ..

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay qorshooyin loogaga hortagayo fatahaada wabiga Shabelle iyo roobabka El Ninaha oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeeshaan gobolka Sh/dhexe.

Qorshooyinka ayaa waxaa ka mid ah carrotuur lagu sameynayo halka uu wabiga ka jilicsan yahay iyo sidoo kale diyaarinta meel biyaha loogaga suuro magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo soo booqday shalay halka ay ka socdaan carro tuurka wabiga lagu sameynayo iyo biyo suurka magaaladaba ayaa warbixino ka dhagaystay sida ay u socdaan howlahaas mas’uuliyiinta u xilsaaran howlahan.

Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka & kan degmadaba waxaan ay kula dardaarmeen howlwadeenada inay dedejiyaan howlaha ay bulshada u hayaan.

"Waxaan marqaati ka ahay inaan aad isugu tashanay kana gaashamanay Fataahaad u sam eeyo wabiga Shabelle dadaalkana weli wuu socdaa waxaana sidoo kale aan beegsan doonaan meel aha laga tuhun qabo in webiga fahataad uu ka sameeyo,” ayuu yiri Guddoomiye Guudlaawe"

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa u mahadceliyay hay’adaha ILO & LED oo ah labada hey,adood ee gacanta ka geysanaya ka hortagga fatahaadaha.

Qaar kamid ah mas’uuliinta maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay shalay soo booqdeen seylada xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Jowhar iyagoo la sheekey stay qaar ka mid ah xoolo dhaqatada ka keenta miyiga xoolaha.

XILDHIBAAN FOWSIYO YUUSUF XAAJI OO SI KULUL UGA HADASHAY GO’AANKII KA SOO BAXAY GUDOONKA BAARLAMMAANLA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf X. Aadan oo ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul shalay uga Hadashay Go’aankii ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa in Qaab wadahadal dhameynayo Mooshinka Madaxweyn-aha laga keenay.

Fowsiyo ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari uusan ahayn gudoomiye Maxkamadeed, balse uu yahay afhayeenka baarlamaanka, uuna dhinac maray shaqadii loo igmaday.

"Guddoonka Baarlamaanku ma laali karaan Mooshinka 93-Xildhibaan ayaa soo gudbiyeen, xildhibaanada sheegay waan ka laabanay Mooshinka waa kuwo iska hadalay, balse waxaan leen nahay Guddoomiyaha Baarlamaanka awood uma lahan in uu laalo Mooshinka, waayo isagu xaakim ma ahan, waxaa leh taas maxkamada ama haddii ay jirto maxkamad dastuuri ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya, isaga waxaan ka yeelnay si aanu waddanku qalqal u gelin Wadahadal in la galo, Laakiinse ma ahayn inuu wax laalo ama diido ama wax la mid ah sameeyo,” ayay tiri Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf oo la hadlaysay Warbaahinta.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in Xildhibaanadii sheegay in laga been abuurtay saxiixooda Mooshinka ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sii Fogeeyo Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya ka dhanka ah.

"Laba Xildhibaan ayaa sheegay inay ka laabteen Mooshinka oo been abuur lagu sameeyay saxiixooda, Laakiinse waxaa yaalla Caddeymo ah inay qayb iyagu ka yihiin Xildhibaanada keenay Mooshinkan, Waana Qorshe la doonayo in Mooshinka lagu sii Fogeeyo,” ayay mar kale tiri Xildhi baanad Fowsiyo Yuusuf.

Sidoo kale, xildhibananad Fowsiyo Yuusuf waxay sheegtay in markii hore ay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ka Aqbaleen Wadahadal, Taasoo Micnaheedu ahaa in lagu Xalliyo Qaladaadka ay sheegayaan Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Xasan Sheekh.

"Wadahadalka innaga ayaaba Ogolaannay, Madaxweyne Xasanna isaga ayaaba Codsaday, waxa laga hadlayo waxay ahaayeen qaladaadka aan sheegnay in lagu saxo si wadahadal ah, qaarkood waa la saxay oo waan aragnay, marka baarlamaanku waa sharci ilaaliyaha, haddii aan wixii khalad ah ee jira aanan ka hadal waxaan ahaanaynaa calooshood u shaqeystayaal meel fa dhiya,” ayay xildhibaannadu ku daratay hadalkeeda.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Waxay Xustay in wixii shalay ka dambeeya aysan jiri doonin cid uu la Xisaabtami karo Baarlamaanka, Sababtuna waxay ku sheegtay in Guddoomiye Jawaari uu ku xadgudbay sharcigii.

"Haatan ka dib Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare ama Cid Dalka Dambi ka gashay Sharciga lag uma qaadi karo, Sharcigii ummadda Soomaaliyeed waa la dumiyay, Baarlamaan dambe cidi wax ma weydiinayso, Jawaarina sidaas ayuu ku taliyay,” ayay hadalkeeda kusoo xirtay Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

URURKA SOLJA OO CAMBAAREEYAY WARIYE LAGU XIRAY BERBERA & SUXUFIYIIN KASOO FIRXADAY DEGMADAAS

Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa cambaareeyey wariye lagu xidhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil iyo kuwo kale oo lagu daba jiro in xabsiga loo taxaabo.

"Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag uga soo horjeeda xariga wariye Max amed C/laahi Soofadhiiste oo muddo sadex cisho ah magaaladda Berbera ugu xidhan Xukuumadda Somaliland, kaasoo Ciidamada Booliisku Qabteen ka dib markii uu TV-ga Somalicable ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha Reer Berbera oo salaadii Ciidal Adxa ku foodhyey wasiiro ka tirsan xukuumadda oo damcay inay qudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan Salaadda Ciidda la tukan,” ayuu yidhi gudoomiyaha gudoomiyaha SOLJA Maxamuud Xuuto.

Waxaanu intaa ku daray "Sidoo kale, Ururka SOLJA waxa uu xad-gudub u arkaa talaabada ay Booliisku ku ugaarsanayaan suxufiyiinta kala ah; Axmed Siciid oo ka shaqeeya TV-ga Kalsan, Mubaarak Nirig oo ka hawl-gala Star Tv iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo isna ka tirsan Telefish anka Star, kuwaasoo sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada Booliisku guryahooda baadheen, hase yeeshee ka cararay magaaladda”.

Ururka SOLJA ayaa sheegay in xadhiga iyo Ugaadhsiga wariyayaasha Gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera uu ka dhashay khilaafka ka taagan wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo la ogaa gacan ka hadalkii ka dhacay Golaha wakiiladda ee ay isku farasaareen Guddo omiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku xigeenkiisa, isla markaana ay laaleen Mudanayaasha Golahaasi in uu yahay mid ay wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil ku doonayaan inay wariyayaasha kaga hor istaageen inay xogaha ku gedaaman bulshada u bandhigaan.

SOLJA waxay hore uga hadhashay talaabadii uu taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil isla dhacdo tan oo kale ah uu ugu xidhay wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo ka shaqeeya Somnews Tv, kaasoo booliisku xabsiga dhigeen isagoo duubaya shir jaraa’id oo lagaga soo horjeeday mashruuca haamaha, halka aan laga xidhin wariyayaal war ka duubayey isla shir jaraa’id oo lagu taageerayey go’aanka ay xukuumaddu shirkadaha ku siisay Haamaha shiidaalka.

Ururka SOLJA oo sii hadlaya waxa uu yidhi "Sidaas daraadeed, waxa uu Ururka SOLJA mar kale ku celinayaa inay Wasiiradda sida cad u caadaystay inay warbaahinta ka hor istaagaan shaq ada ay qaranka u hayaan u sheegaynaa in aanay awood u lahayn shalay inay qariyaan wax kasta oo dalkan ka jira, waxaanan ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Hay’addaha Garsoorka ee Dalka inay xorriyadooda usoo celiyaan wariyaha xiran, kuwa laa baadigoobayana ka joojiyaan Booliiska ay wasiiraddu u adeegsanayaan”.

Si kasta ha ahaatee, Gobolka Saaxil ayaa lagu xiray wariye halka kuwii kalana magaaladda Berbera iskaga carareen si aan xabsiga loogu tuurin.

Sidoo kale, waxa iyaguna cambaareeyey dhamaan wariyeyaasha ka hawlgala Somaliland oo falkaasi u arka mid lagu cabudhinayo Warbaahinta Madaxabannaan.

JENERAALKII HOGAAMINAYAY AFGAMBIGII FASHILMAY EE BURKINA FASO OO HANTIDIISA LA XAYIRAY

Hogaamiyihii Afgambigii fashilmay ee Burkina Faso ka dhacay todobaadkii hore Jeneraal Gil bert Diendere ayaa hantidiisa la fariisiyay, ka dib markii uu mas’uul ka noqday xarigii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG ah.

Xeer Ilaaliyada Guud ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la xanibay hantida 13 xubnood kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen afgambiga, xisbiga Madaxweynihii ho-re Burk ina Faso Blaise Campaore iyo saddex xisbi kale.

Go’aankan ayaa waxaa uu ogolaanayaa in la xanibo dhamaan wixii hanti ee ay leeyihiin xub nahan, waxaana uu ku soo beegmayaa, maalin kadib markii Madaxweynaha KMG ah ee Burkina Faso uu ku dhawaaqay inuu kala diray Ilaalada Madaxtooyada.

Ilaalada Madaxtooyada Burkina Faso oo loo yaqaano RSP ayaa ah ciidan aad u tababaran oo hub culus heysta, waxaana ay ka kooban yihiin 1,200 askari, waa ciidan uu aas aasay Madaxw eynihii hore ee mudada 27-sano ka talinayay Burkina Faso Blaise Campaore, kaasoo sanadkii hore xukunka laga tuuray kadib kacdoon ballaaran oo dalkaas ka dhacay,

Burkina Faso's coup leader General Gilbert Diendere arrives at the airport to greet foreign heads of state in Ouagadougou, Burkina Faso, September 23, 2015. REUTERS/Joe Penney

Madaxweynaha KMG Michel Kafando ayaa sidoo kale jimcihii xilka ka qaaday Wasiirkii Amn iga, isla markaana magacaabay Guddi soo baara dhamaan cidii mas’uuliyad ku laheyd afgambigii dhicisoobay

Kafando ayaa dib xukunka ula wareegay, ka dib markii Madaxda Galbeedka Afrika ay ku cadaadiyeen hogaamiyihii afgambiga inuu xukunka ku wareejiyo, waxaana cadaadiskan qeyb ka ahaa dowladaha reer Galbeedka oo cambaareeyay afgambigii dh-acay todobaadkii hore.

DOWLADDA HOOSE XAMAR OO GANAAXDAY GANACSATO LAGU HELAY NADAAFAD DARRO

Dowladda Hoose Xamar, ayaa shalay ganaaxday ganacsato meh-rado ganacsi ku haysta wadada dheer ee u dhaxeyso Maka Al Mukarama illaa Isgoyska KM4, ka dib markii lagu helay inay qashin soo dhigeen wadadaasi.

Dadka la ganaaxay, ayaa isugu jira ganacsato dukaamo ku haysta wadada iyo kuwo kale, oo leh laba ajadaha gawaarida lagu dhaqo, waxaana si isku mid ah loogu eedeeyay inay sameeyen waxyaabo ka dhan ah billicda Caasimadda.

Ganacsatadan, ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag u dhaxeyso boqol illaa shan boqol oo kun oo shilinga Soomaaliga ah, si aanay dib dambe ugu dhiiran inay ku kacaan wixii lagu helay.

C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay dhegaha ka fureysten awaamiir ay horey kaga soo saareen arrimaha billicda Caasimadda.

Xalane oo la hadlay Warbaahinta, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan tallaabada ay ku ganaaxayan ganacsatada mehradaha ganacsi ku haysta wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Axmed Xuseen Mahdi, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Gobolka Bana adir, ayaa sheegay inay joogto ka dhigi doonaan kormeerka ay ku sameynayan wadooyinka Caasimadda, sida uu yiri.

Agaasimaha Nadaafadda Dowladda Hoose Xamar, C/casiis Goodax Barre, ayaa sheegay in ganaaxu uu ku waajibi doono cid kasta oo ku xadgudubta billicda Magaalada Muqdisho.

FAROOLE: WAXAA LEEYAHAY XASAN SHIIKH HADDII AADAN WAXBA QABAN KARIN WAA INAAD IS-CASISHO

Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in saddexdii sano ee xafiiska joogay ay kaga dhamaatay khilaaf iyo is qab-qabsi.

Faroole oo ka Hadlayay Garoowe ayaa Sheegay in Saddexdii Sano ee Xasan Sheekh uu ahaa madaxweynaha aysan waxba qaban, isla markaana tahay saddex sano khasaartay.

"Saddexdii sano wax la sheego oo la qabto ma jirto, wax khasaaray mooyaane, saddex sano waxay kaga dhamaatay khilaaf gudaheeda ah iyo dhowr Ra’iisul wasaare oo la bedelay, maamulladii loo igmaday oo khilaaf soo kala dhexgalay, shalayna wuxuu khilaaf dhextaagan labadii hay’adood ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa xusay inuu qabo in doorasho Soomaaliya ka dhici kar to haddii si fiican loo shaqeeyo, isagoo xusay inuusan garan karin wax aan doorasho ahayn oo doorasho ah inay dalka ka dhacdo.

"Heshiiska hadda lasoo saaray ee Beesha Caalamka door ku lahayd, ee la leeyahay waxaa la raadinayaa waxaan doorasho aan ahayn oo doorasho ah, aniga ma garan waxaan doorasho ahayn oo doorasho ah maba dhici karto, aniga waxaa qabaa in doorasho ay dhici karto haddii si fiican loo shaqeeyo,” ayuu yiri Faroole.

Dhanka kale, Faroole ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh in haddii uusan waxba qaban karin inta uga hartay xilka uu is casilo, isagoo intaas ku daray in waqtiga haray uu aaminsan yahay in wax la qaban karo, sida meelaha khilaafka ka jira laga heshiiyo.

"Waxaan leeyahay Xasan Sheekh haddii aadan waxba qaban karin isaga tag xilka, C/llaahi Yuusuf-ba maalin buu ka tagay isagoo aan xilligiisu dhamaan, ceebna ma ahan haddii aad is-casiho oo sheegto inaadan waxba qaban karin,” ayuu yiri Faroole.

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE KENYA IYO TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA DFS OO BOOQDAY MAXAABIIS SOOMAALI AH

Danjiraha Soomaaliya u jooga Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Xubno la socday ayaa Wa xay booqdeen Xabsiga Shimo ee ku yaalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay ku xiran yihi in in ku how 100 Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xukuman falal burcadbadeednimo ah.

Xubnaha Booqday xabsigan ayaa waxaa ka mid ah Qunsulka Safaarada Somalia ee Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi), taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jen Bashiir Maxamed Jaamac [Goobbe], taliyaha xabsiyada Kenya Isaya Osugo, Wasiirka Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha Hay’ada La dagaallanka Burcadbadeeda ee Puntland, C/risaaq Duca ysane iyo Xubno QM u Qaabilsan dambiyada ee Magaceeda loo soo gaabiyo UNODC.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa Maxaabiista ka Dhagaystay Warbixinno la Xiriirta Xaaladda ay ku sugan yihiin; iyadoo qaar ka mid ah maxaabiista ay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan ku haystaan xabsiyada, ayna jeclaan lahaayeen inay xabsigooda ku dhameystaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya iyo Wasiirka Cadaaladda Puntland oo iyaguna la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka Maxaabiistan ku haysta xabsiyada, waxayna sheegeen inay ku dadaali doonaan sidii muddada xabsiyadooda ka harsan ay ugu dhameysan lahaayeen dalkooda.

Danjire, Jamaal Maxamed ayaa maxaabiista guddoonsiiyay deeq dhar ah oo ka koobnayd shaarar, Macawisyo iyo Funaanado, kuwaasoo uu ugu talogalay inay uga Qaybqaataan Damaa shaadka Ciidul-Adxa, wuxuuna u ballanqaaday in goordhow arrintooda wax laga qaban doono.

Ugu dambeyn, Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ku tago Xabsiga Mombasa, tan iyo markii loo Magacaabay Xilkaan loo magacaabay.

CABDIWELI GAAS: ” AQOONSIGA GALMUDUG BAARLAMAANKA AYEY U TAALLAA”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in arrinta Galmudug aqoonsigeeda uu horyaallo Baarlamaanka.

" annaga wax aan sharci noqoneyn kama dhigi karno sharci waa wax Soomaali oo dhan ka dhexeeya marka Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa sharci ahaanshihiisa” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Puntland ayaa ku andacoota in Galmudug aanu heysan xeerka u ogolaanayo in maaml ay noqoto maadaama wax ka yar 2 gobol ay ku dhisantahay, taas oo ay ula jeedo in mudug qeyb ka mid ah Puntland ay hoostagto.

CARUUR KU GEERIYOOTAY QARAX MIINO OO SHALAY KA DHACAY MAGAALADA KISMAAYO

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose, ayaa waxay sheeg ayaan in qarax Miino uu ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taallay magaaladaasi, halkaasi oo ay ka dhalatay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac Isugu jirta.

Miinadaan oo ahayd nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Laba Caruur ah oo isla dhashay, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay caruurtaasi Aabahood iyo Seddax qof kale.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Jubba land balse magaciisa nalooma xaqiijin.

Qof ku sugan magaalada Kismaayo oo sababo amni magaciisa u qariyay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in maqaayadda la qarxiyay ay ku dhaw dahay xaruntii dhawaan lagu caleema saaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Ciidamada Jubbaland oo qaraxa ka dib halkaasi tagay ayaa wada baaritaanno ay ku ogaan ayaan cidda Miinadaasi halkaasi ku aastay.

XUJEY SOOMAALIYED OO LAGU LA’YAHAY MAGAALADA MINA EE DALKA SACUUDIGA

`Xujey Soomaaliyeed ayaa lagu la’yahay Magaalada Mina ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo todobaadkii aan soo dhaafnay ay ka dhacday dhimasho badan, kadib markii Xujeyda ay isbuurteen.

Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac (Qalab xoor) oo ka mid ah xujeyda sanadkani ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo isla socday ay is la’yihiin kuwaas oo nolal iyo geeri aan meelna lagu sheegin.

Waxa uu xaqiijiyay in ay halkaasi ku geeriyoodeen muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo tiradooda horay loogu sheegay 7, balse laga yaabo in intaasi ay ka badato.

C/qaadir Qalabxoor, ayaa sheegay in lagu guda jiro baadigoobka dadka Soomaaliyeed ee la la’yahay halka ay ka baxeen nolol iyo geeri, isaga oo intaasi warkiisa ku daray inay suuragal tahay dad kale oo Soomaali ah in laga yaabo in la la’yahay.

Xujey badan oo dalalka Islaamka ka soo xajiyay ayaa ku geeriyooday dalka Sacuudiga gaar ahaan Magaalada Mina, ka dib markii ay isbuurteen dadkaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa baareysa sababta ka dambeysay geerida dadkaan Xujeyda ah ee Xajka ku geeriyootay.

HOGAAMIYAASHA CAALAMKA OO ISKU RAACAY IN SABOOLNIMADA LAGU TIRTIRO MUDDO 15 SANO AH…

Hogaamiyaasha caalamka ayaa ku baaqay in la ciribtiro faqriga iyo saboolnimada 15ka sano ee soo socota iyadoo la taabagelinayo qorshayaal horumarineed oo ku baxaysa balaayiin dollar. Madaxdii ka hadlay kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku taageereen sidii loo hirgelin lahaa qorshaha horumarinta caalamka 15ka sano ee soo socda. Waxaa la isku raacay in 17 hadaf xooga la saaro iyo weliba in la beegsado illaa 169 yool oo ah sidii loo horumarin lahaa caalamka.

Qorshayaashan ayaa waxa ay bedeli doonaan higsigii hore ee loogu magac daray Millennium Development Goals (MDGs) kaasoo ku eg sanadkan, hase yeeshee qorshahan cusub ayaa waxaa la doonayaa in laga hirgeliyo wadamada horumaray iyo kuwa soo korayaba.

Barnaamijkan cusub ayaa waxa uu qorshuhu yahay in la soo afjaro saboolnimada iyo baahi da,in la xaqiijiyo nolol caafimaad leh,in sare loo qaado waxbarashada iyo weliba wax ka qabashada

cimilida isbedelesa ee caalamka.

Qorshahan ayaa loogu talogalay in ay ku baxdo sanad walba lacag gaareysa $3.5 illaa iyo $5 trillion inta laga gaarayo sanadka 2030.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa aad u ammaanay qorshahan waxaa uu ku tilmaamay in uu yahay mid dunida nolosheeda wax ka bedeli kara.

"Tijaabada saxda ah waa sida loo hirgelin lahaa qorshan 2030,”ayuu Ban u sheegay hogaami yaasha caalamka. "Waxaan u baahanahay fal meel walba iyo qof walba.”ayuu sii raaciyay.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo soo afjari lahaa saboolnimada dad lagu qiyaasay 836 malyan oo ruux oo halis ugu jira inay gaajo u dhintaan, dadkaa ayaa badankood waxa ay ku nool yihiin Saxaraha Afrika iyo Asia.

Malaayiin dollar oo gargaarka horumarinta ah ayaa dib loo agaasimi doonaa si loo gaaro yoolka la doonayo. Hase yeeshee waxaa la isweydiinayaa sida loo hirgelin doono qorshahan cusub maadaama hore loogaga bartay in ballanqaadyada Qaramada Midoobay in aan la hirgelin.

MUFTIGA UGU WEYN SUCUUDIGA OO SHILKII XAJKA KA DHACAY KU TILMAAMAY AMAR ALLE

Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa si aad ah isaga Fogeysay eedeymaha ku Saabsan in Musiibadii ka dhacday Xajka ay Mas’uul ka ahaayeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Waddankaas.

Warbixin ay soo saartay shalay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga ayay ku beenisay inay Musiibadan sabab u ahayd markii la xiray mid ka mid ah Jidadkii ay Xujeydu mari lahaayeen, Xilligaasoo ay Xajka ku tageen booqasho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Mas’uuliy iinta Sucuudiga oo uu Hoggaaminayay dhaxalsugaha boqortooyada Saudi Arabia, Amiir Maxamed bin Naa’if.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay boqortooyada Sucuudiga ayaa isna sheegay in Hadalkaas uu yahay mid aanay waxba ka jirin oo ay soo abuurtay saxaafada dalka Iiraan, isagoo ku daray intaas in xukuumadda Sucuudiga ay baaritaan ku sameyn doono shilkaan sida uu u dhacay.

Hadallada ay isku difaacayso Boqortooyada Saudi Arabia ayaa waxay u gudubtay inuu ka hadlo Muftiga ugu sarreeya Sucuudiga, Sh. Cabdulcasiis Bin Cabdulla Ala-Sheikh, isagoo Warbaahinta dalkaas u sheegay in shilkii xajka ka dhacay uu ahaa mid ku yimid Amar Alle oo aan la celin karin.

"Musiibadan mas’uul kama ahan Wasiirka Arrimaha Gudaha Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Naa’if, Waayo Qaddarka ALLE ma ahan mid la celin karo,” ayuu ku sheegay Muftiga hadalka uu siiyay Warbaahinta Sucuudiga.

Sheekh C/casiis Bin C/lla ayaa hadalkiisa ku daray in wax walba oo Alle amarkii ku dhici lahaa aysan jirin cid celin karta, sidaa awgeed aysan habboonayn in Mas’uuliyada arrintan aan dusha laga saari karin cid gaar ah.

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga oo ah mas’uulka dhanka Arrimaha xajka u Qaabilsan Saudi Arabia uu mas’uul ka ahaa shilkii ka dhacay Xajka ee ay ku geeriyoodeen boqolaalka xujeyda ah.

Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku sheegay hadal uu warbaahinta dalkiisa siiyay in 131-qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay Xajka ay u dhasheen dalkooda, isagoo mas’uulyadda shilkaas dusha uga tuurtay mas’uuliyiinta Saudi Arabia.

Si kastaba ha ahaatee, Weli waxaa jira Xujeyd la la’yahay illaa Maalintii uu Shilku dhacay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Soomaali, iyadoo ehellada dadkaan la la’yahay ay Warbaahinta u sheegeen inaysan geeri iyo nolol meel ku ogeyn.

DOWLADA KUWAIT OO SHEEGTAY INAY SOOMAALIYA KA CAAWINAYSO DAGAALANKA AY KULA JIRO AL-SHABAAB

Xukuumadda Kuwait ayaa shaacisay inay ka Caawin doonto Somaliya dagaalka lagula jiro Al-shabaab, ka dib kulan New York ku yeesheen Ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Kuweit, Sh, Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaam Hadliye Cumar.

Intii uu socday kulanka labadan mas’uul oo daraad dhacay ayuu ka sheegay Sheekh Sheikh Sabah Al-Khaled ayaa sheegay in Dowladdiisu ay gacan ka siinayso Soomaaliya Xoojinta amniga iyo deggenaashaha Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, labadan mas’uul oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalaya Shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay sidoo kale kulankooda kaga doodeen xiriirka iskaashi ee labada waddan iyo iskaashiga labada dhinac.

Dowladda Kuwait ayaa waxay ka mid tahay dalalka caawiya Soomaaliya, waxaana ka furmay dalkeeda shir dhaqaale loogu ururinayo horumarinta waxbarashada Soomaaliya, si caruurta Soom aaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystran.

Ugu dambeyn, shirka labada mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Waddanka Kuwait, danjiraha Kuwait ee Mareykanka Dr Ahmad Nasser Mohammad Al-Sabah iyo xogyahaha Joogtada ah ee Kuwait u jooga Qaramada Midoobay, Mansour Al-Otaibi.

Si kastaba ha ahaatee, dhanka Soomaaliya ayaa iyaguna shirka goobjoog ka ahaa mas’ uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip