RASMI: Ka Dib Guushii Ay Ka Gaareen Man City, Jamie Vardy Oo Mustaqbalkiisa U Hibeeyay Leicester City Una Saxiixay Qandaraas Cusub.

0
Sunday February 07, 2016 - 12:30:24 in Sports News by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Ka Dib Guushii Ay Ka Gaareen Man City, Jamie Vardy Oo Mustaqbalkiisa U Hibeeyay Leicester City Una Saxiixay Qandaraas Cusub.

    Jamie Vardy ayaa heshiis cusub oo seddex sanno ah u saxiixay kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ee Leicester City. Weeraryahanka reer England oo 29 sanno jir ah ayaa Leicester kaga soo biiray Fleetwood heshiis hal milyan ginni ahaa sannadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamie Vardy ayaa heshiis cusub oo seddex sanno ah u saxiixay kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ee Leicester City. Weeraryahanka reer England oo 29 sanno jir ah ayaa Leicester kaga soo biiray Fleetwood heshiis hal milyan ginni ahaa sannadii 2012, waxaana goolashiisa ay ka caawiyeen kooxda Claudio Ranieri inay gaaraan hogaanka Premier League xilli ciyaareedkan.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u dagaalamayo inaan wax special ah la gaaro kooxdaan. Isbiirit intaan la eg waligeey ma arkin” ayuu yiri.

"Waxaan doonayaa inaan qeyb ka ahaado muddo dheer”

_88056053_vardy

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: "Leicester waxa i tustay inay i aaminsan tahay tan iyo maalintii koowaad ee aan imid, waana wax aan macquul aheyn in la cabiro aaminaadaas inta ay i caawisay oo ay i hormarisay.

"Mar walba waan ka mahdin doonaa maalgashiga ay igu sameysatay kooxda, waxaana maalin walba ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu abaalgudi lahaa.”

Bishii November, Vardy ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 11 kulan oo isku xigta gool ka dhaliya Premier League isagoo jabiyay rikoor uu hore u hayay Ruud van Nistelrooy.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip