CELLI DAWLAD KA DHAN, DAWLAD-NA CELLI KA DHAN!! (Ra'yi)

0
Saturday February 06, 2016 - 15:22:41 in Maqaallo by
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CELLI DAWLAD KA DHAN, DAWLAD-NA CELLI KA DHAN!! (Ra'yi)

    Qunyar socodnimo, Isku kalsoonaan, Shido neceyb, Daacadnimo, Walaal jaceyl, Is xilqaan, Dhawrsanaan, Darisnimo wanaag, Aragti dheer iyo Deganaan ayaa lagu yaqaanaa beesha la yiraahdo CELLI CUMAR, ummad ahaan waa dad tiro badan, ilbax ah, hantiilayaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qunyar socodnimo, Isku kalsoonaan, Shido neceyb, Daacadnimo, Walaal jaceyl, Is xilqaan, Dhawrsanaan, Darisnimo wanaag, Aragti dheer iyo Deganaan ayaa lagu yaqaanaa beesha la yiraahdo CELLI CUMAR, ummad ahaan waa dad tiro badan, ilbax ah, hantiilayaal u badan, neceb gacan hoorsiga, samir badan, aqoon iyo waaya aragnimo u leh habka uu ruux walba u maareyn karo noloshiisa.

Abtirsiimo ahaan waxay ka mid yihiin shucuubta ugu fir-fircoon, hawl-karsan isla markaana ugu wax qabadka badan beel weynta Muddulood, sharaf, tixgalin iyo miisaan culus ayay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, qorax ka soo baxa caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho illa Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe ayay ku teedsan yihiin, inta badan deegaankoodu waa dhulka loo yaqaano DEEXDA ama aan jiqda ahayn, khayraad isugu jira Bad, Xoolo u badan IDO iyo Beero ayaa ALLE ugu deeqay.

Taariiq isugu jirta midii hore, tii dhexe iyo mida hadda qormaysa ayay leeyihiin, halganadii kala duwanaa ee gayigeena soo maray marnaba kama baaqsan ka qeyb-qaadashadooda, xilligii Gobonimadoonka rag iyo haween ka tirsan Celli Cumar ayaa kaalin mug leh ku lahaa soo dhicinta madax banaanidii ay Soomaaliya hanatay sanadkii 1960-kii, intii u dhaxeysay 1956-1969-kii kaalinta siyaasiyiintooda ma qarsaneyn, waqtigi Kacaanka iyo isbadaladii kale ee Wadanka ka dhacay haddba marxaladii la joogo ayay doorkeeda ka cayaarayeen.

"Haddey cadaato loo ciyoow, Celli Cumar ma ceymataa” waa shirib taariiqi ah oo ka tarjumaya barwaaqada ay beeshaani mar walba ku neg tahay, sifo ahaan waa dad diinta jecel oo leh mashaayiiq fara badan oo qaarkood la siyaarto, xarumo aan yareyn oo diinta islaamka lagu faafiyo ayay culumadoodu hogaan ka yihiin, nasiib wanaag lagama waayo haddba waxii haboon ee looga soo gogol fariisto.

Haddii la qiimeeyo dadaalkooda, wax soo saarkooda iyo wax tarkooda hubaashii waxaa lagu tilmaami karaa Jamhuuriyad Madax banaan, ma xiiseeyaan in badan oo ka mid ah bulshada beeshaani inay u shaqeeyan ama ay ka mid noqdaan haddba Dawladii jirta, taa badalkeeda waxay ka door bidaan oo ay ku kalsoon yihiin xoogooga iyo xoolahooda, hab dhaqankaasi oo ah mid lagu faani karo awgiis ayay ku baxday oraahda caanka noqotay ee oranaysa ” Celli Dawlad ka dhan, Dawlad-na Celli ka dhan”.

Boqolkii sanno ee la soo dhaafay beeshaani waxaa si daran-doori ah uga soo dhex baxay Hogaamiyaal heybad leh, Siyaasiyiin caan ah, Diblomaasiyiin la qiimeeyo, Saraakiil lagu kalsoon yahay, Aqoonyahano la mahadiyay, Culumaa’udin la cizeeyo, Ganacsato la sharfo, Cayaartooy Qaran, Wariyaal macruuf ah, Geesiyaal lagu dhaarto, Haween hawlkar ah iyo Muruq maal xalaal quudato ah, mid ka mid ah seddexda (3) xil ee ugu sareeya Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ruug cadaa ku abtirsada beeshaani lagu aaminay, kaasi oo intii u dhaxeysay 2008-2009-kii Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Dabcan…. bulsho kasta waxay leedahay amaan iyo dhaliil, inkastoo ay badan tahay wanaaga, quruxda iyo hormarka ay beeshaani sameysay ayaa misna waxaa lagu xantaa inay yihiin eed ka carar aan xiiso u qabin darajo iyo Dawladnimo, ma laha isku xir fiican, deeqsinimo Magaalo laguma yaqaano, kali-kali u noolaansho ayaa astaan u ah iyo gaabis la sheego inuu ka muuqda qaar ka mid ah deeganadooda.

Shallay maanta ma aha, mustaqbal ifaya ayay beeshaani ku haminaysaa inay u horseedo walaalahooda soomaaliyeed, mutacalimiin badan oo wax baratay, qurba joog aan dab yar shideyn, siyaasiyiintii hore iyo wax garad badan ayaa u soo baxay beeshaani kuwaasoo ku haminaya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen isbadalada socda, Celli waa yimid cidna ma celin karto balse ALLE ha ku garab galo siduu uga soo dhalaali lahaa xusul duubka uu ugu jiryo helitaanka Nabad lagu caana maali karo, Walaaltinimo, Cadalad, Horumar iyo in si Xaq ah oo Xalaal ah loo qeybsado xilalka Qaranka.

1234

Waxaa Qoray:


C/llaahi Xasan Axmed (Sheekhaalow)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip