RASMI: Isku Aadka Koobka Qaramada Afrika AFCON 2019 Oo La Soo Saaray

0
Saturday April 13, 2019 - 22:10:28 in Wararka by
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Isku Aadka Koobka Qaramada Afrika AFCON 2019 Oo La Soo Saaray

    Koobka Qaramada Afrika ah oo kiisii 32aad ayaa lagu qaban doonaa dalka Masar sannadkan iyadoo waqtigii la qaban jiray koobka dib loo durjiyay madaama uu ku soo aaday bisha barakeysan ee Ramadan oo la filayo inay bilaabato 5ta bisha May islamarkaana a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koobka Qaramada Afrika ah oo kiisii 32aad ayaa lagu qaban doonaa dalka Masar sannadkan iyadoo waqtigii la qaban jiray koobka dib loo durjiyay madaama uu ku soo aaday bisha barakeysan ee Ramadan oo la filayo inay bilaabato 5ta bisha May islamarkaana ay ku dhamaato 4ta Juun.

Waxaa koobka la qaban doonaa inta u dhaxeysa 21ka bisha Juun ilaa 19ka July, waana markii ugu horeysay ee koobka Qaramada Afrika ee AFCOn la qabto waqtiga xagaaga ee tartamada Yurub.

Isku aadka waxaa ka soo baxay kulamo xiiso leh iyadoo xulalka bariga Afrika ee Kenya iyo Tanzania ay kuwada jiraan Group C laakiin waxaa kula wehliya xulalka waa weyn ee Senegal iyo Algeria.

Uganda waxa ay Group A kula jirtaa xulka martigelinaya koobka sannadkan ee Masar waxaana kula wehliya DR Congo iyo Zimbabwe.

Group D ayaa u muuqda group aad u adag madaama ay ku kulmeen Morocco, Ivory Coast iyo South Africa oo ay ku weliso Nambia.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

GROUP A

1 – Masar

2- DR Congo

3- Uganda

4 – Zimbabwe

GROUP B

1- Nigeria

2- Guinea

3- Madagascar

4- Burundi

GROUP C

1- Senegal

2- Algeria

3- Kenya

4- Tanzania

GROUP D

1- Morocco

2- Ivory Coast

3- South Africa

4- Namibia

GROUP E

1- Tunisia

2- Mali

3- Mauritania

4- Angola

GROUP F

1- Cameroon

2- Ghana

3- Benin

4- Guinea Bisau




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip